Beerqaad

Raaxada Guurka 2 Raaxada Guurka 3 Buugga Martida Somali Links Boodhari  iyo Fanka Sheeko Geeraaro MAAHMAAHYO Beerqaad Dumarka Dawasho Muxaadaro BBC Somali Beerlula Majaajilo Daawo islam Makkah-Hadith Baro ! Baargaal

beerqaad

Waa sheeko xiiso badan sheekadan waxaa la yiraahdaa beerqaad ka akriso.Sheekadani waa sheeko dhab ah oo aan aheen qiyaali la iska qoray waxaadna ka arki doontaa qisooyin jaceel, gabayo, geeraaro, heeso waraaqo la is waydaarsaday.

Waxa ay aheed maalin dadka ay nasasho ku jiraan waa jimce xili roobaada dadka magaalada muqdisho inta badanina ay ku faraxsanyihiin nasashadooda & saxansaxada roobaadka ee wada saaqday dhamaan dadweeynaha dagaanka & nawaaxigeeda.

Maxamed & axmed waxa ay ku jiraan faraxda wacan waxaana iyaga intaa udheered imtixaankii sanad dugsiyeedka oo loo soo dhajiyay kuna baaseen.

Waxa ay sod kumarayaan wadada wayn ee shabeele waxa ayna ka yimaadeen kulan dhalinyaro oo iyagu udamaashaadayay baasitaankooda waxa ayna kawada sheekeeysanayeen qaabkii gurmadka & jaamacadii ey dooran lahaayeen labadooda mid waxa uu xooga saarayay kuliyada beeraha halka midka kale xooga saarayay mida saxaafada waxaana u dhaxeeysay dood dheer oo ku saabsan qaabkii ay hal jaamacad u wada dhigan lahaayeen dooda labada wiil dadka wada maraya ad ayeey ula yaabayeen laakiin hadana dadka oo dhani waxa ay dareensanaayeen farxada jirta manta.

Waxaa labada saxiib agtooda maray labo gabdhood oo si aada u xaragoonaya aad umuuqaal qurxoon laakiin sheekada labadaan saxiib yaa moodaa in ay qiimo gooniya u laheed si walba xaalku ha noqdee waxa ay soo gaareen labadii gabdhood.

Waxaana warkii bilaabay maxamed oo isagu ahaa nin sheeko& kaftan badan kuna bilaabay warkii sidan.

Abaayo waan idin salaanay subax wanaagsan see tihiin mid ayaa la soo booday.

Waal fiicanahay walaale wacan oo wanaagsan warama adinku sidee ayaa tihiin.

Waan fiicanahay abaayo ilaahbaa mahad leh saaka waa qaboow saxansaxo roobaad ayuu yiri maxamed siina raaciyay warkiisa abaayo magaceeygu waa maxamed wiilkaana waa saaxiibkey waxaan la yiraahdaa axmed barasho wanaagsan.

Wacan oo wanaagsan anigana waxaa la iyiraahdaa farxiya saaxiibteeyna waxaa la dhahaa canab barasho wanaagsan ayeeyna sii raacisay.

Abaayo waan ku faraxsanahay in aanu isbarano anagu saaka waxaan wadada u soo galnay kaliya in aana hawadaa macaan qaboowsano waxaana ala xamdigii noogu siyaaday barashadiina.

Farxiya ayaa tiri walaahi nafteena waxaanu daneeyneeynay hawadayada macaan laakiin ogoow soomaalidu arimahaa ma daneeyaan oo dhulkooda kheeyraadka eebe ku maneestay ma aaminsana waxa ayna u heestaan dhul abaaro & gaajo hala keeyeen.

Maxamed ayaa yiri soomaalidu manta xamdiga & nimcada ay ku jirto uma jeedo laakiin maalin kale ayeey xasuusan doonaan waxaadna mooda in soomaalida manta dalkoodo uusan umuuqan.

Waa sidaas ayeey farxiyo tiri balse wax waliba waxa ay ku danbeeyaan waan ogaan doonaa ayeey tiri farxiya labada kale ee canab & axmed waxa ay ku jiraan fikir isfiirin aamusnaan waxaadna moodaa in ay isku dabci yihiin.

Waxaa hadalkii mar kale ku soo noqday maxamed oo eedeen dusha uga tuuray canab & axmed kuna eedeeyay labo aamusan isla markaasna raba in loo qeeb qaado laakiin arinkaa waxaa gaashaanka ku dhuftay axmed oo yiri sidan.

Saxiib maxamed arinku sidaas maahan laakiin wax waliba waxa ay ubaahanyihiin xusho&qadarin hadalka waxaa ku jira adiga&farxiya in aanu idin aamini wayno in aad namatashaan ama aanu idinka aghadalo waa ceeb.

Canab ayaa tiri waa run oo soomaalidaa waxa ay tiraahdaa hadal aan fiiro loo dhihin & caano aan fiiqsi loo cabin feeraheey wax yeelaan marka wax waliba waxa ay ubaahan yihiin fiirsasho tixgalin balse maahan in aanu rabno in aad adinku noo qeebqaadaan.

Maxamed ayaa yiri xaalku waa sidaa waadna mahadsantihiin laakiin waxaan rabnay uun in aad warka noo badisaan balse hadii aad noo garateen in aanu idin matalno waxba kama qabno markii xaalku halkaasi joogo ayaa waxaa biloowmay roob badan waxaana maxamed codsaday in ay fadhiistaan goob cabitaan oon sidaasi uga fageen dhalin yarada

Farxiya oo iyadu aheed dhiga maxamed ayaa tiri waxba maahan waan fadhiisan karnaa maxamed aya si dhaqsiyo leh isagoon lamaanihii kale wax wara uga sugin la soo booday waad mahadsantahay ina keena waxaana loo dhaqaaqay dhankii uu ka muuqday tabeelihii goobta cabitaanka waana lagalay lana eegtay goob ku haboon fadhigooda waxaana la wada fadhiistay kursi khaasa afartoodii waxaana laguda galay cabitaano jaadjada qof & dooqii waxaase aad ula yaabeen runtiina dhiigooda sii kiciyay farxad daraadeed hees aad u wanaagsaneed oo halkaa ka shidneed waa heestii boqorada codka xalimo khaliif magool ee aheed jaceel dhiig malagu qoray macaansiga ereyda aad ayeey ujecleesteen guud ahaan dadkii meesha fadhiyay gaar ahaan afartii lamaane ee meesha fadhisay ereyadii heesta waxaa ka mid ahaa

Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Ma u dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen

Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.

Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkiii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen
Ma ka dhabaqday xaajadu

Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic ma hiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen

Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen

Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen

Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa

Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen

Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen

Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn

Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan

Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo

Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan

Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman

Waaw waxa aan filayaa in dad badan oo hada akhrinaya sheekadani ay xasuus badan ku heeyso heestani waxa ay si aada uga faaloonayeen waxa uu yahay jaceelku qof walibana qofbuu waydiinayay jaceelka laakiin nasiib daro waxaa dan muhiim ah sheegtay(canab) waydiisatana lamaanayaashii&axmedba in la fasaxo manta dibno loo balamo ,

Arinkaasi maxamed aad ayuu ugu adkaaday laakiin farxiya ayaa soo bandhigtay iyaduna in ay manta rabeen in ay soo booqdaan gabar ay saaxiibo yihiin oo xanuusaneed

Axmed oo ah nin aad u naxariis badan ayaa codsaday in lafasaxo gabdhaha kana codsaday saxiibkii maxamed isaguna wa aqbalay laakiin waa labalamay in la isku yimaado maalin ka dib runtii aad ayaa la isku gacan qaaday waxaana la kala dareeray iyagoo aad moodo in xiiso gooniya la isku qabo nabadeey&nabadeey ayaana la is yiri

Axmed &saxiibkii maxamed waxa ay soo aadeen danahoodee waxa ayna is weeydiinayaan gabdhaha& jaaniska manta ay heleen waliba axmed waxa u aad ula yaabanaa qurucda&edabta(canab)waxa uuna hoosta ka xariiqay in canab dhiniciisa tahay saxiibkii maxamedna waa uu ku raacay maxamed&axmed waxa ay is weeydiinayeen heesta waxa uu axmed yiri anigu waxaan aad u xasuustaa heestii waxaana wacdaro nafteeyda ku reebay& xasuus gooniya beetkan ayuu yiri axmed Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.

Maxamed isaguna saxiibki aad ayuu ugu qiray quruxda iyo asluubta mida uu u doortay in ay wahel unoqoto dhinaca kale (canab)&farxiya ayaa iyaguna galay xasuus gooniya runtiina kulanki saakla ula muuqday kulan heer sareeya waxa ayna hoosta ka xariiqeen hadii wiilasho la yimaadaan qaab wax ku oola laguna hiran karo in ay wax la qabtaan runtiina waxa ay wada qireen gabdhuhu in wiilashu yahiin rag wanaagsan waxna lagu darsan karo dhinaca kale waxa ay is waydiiyeen heestee macaaneed canab ayaana iyadu la soo booday in ay aad u xasuusato tududii aheed Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen.....