Geeraaro

Raaxada Guurka 2 Raaxada Guurka 3 Buugga Martida Somali Links Boodhari  iyo Fanka Sheeko Geeraaro MAAHMAAHYO Beerqaad Dumarka Dawasho Muxaadaro BBC Somali Beerlula Majaajilo Daawo islam Makkah-Hadith Baro ! Baargaal

Soow luuntii anfaaciga
iyo kama go'in waxaan liqo.
Soow laamigaa wixii mara.
Kama daba lugeeyoo.
Laasim kuma malaystaba.
Lug kastoo dhaqaaqdaba.

Malaha leeylo gobo'leey.
Iyo laqdabaabad moodaa.
laakiin baad u aragtaa.
Beer laxawsigaygana.
Malaa caashaqa laftiisaba.
Malaqmayn karayside.
Mar haduu laftaadiyo.
Adi kugu lug duubnayn.
Wuxuu Layn ha laayee.
Waxba kaama lumayaan.

Ladnaan baad u hurudaa.
Laxooxdana u bidhataa.
Liirada talyaaniga.
Iyo yuuroo Lacagaheedaad.
Laydh qaboow ku nuugtaa.
Lahawyada aduunyadu.
Adi kuma labaayaan.

Malaha luunkaan i gawracay
iyo leeleelkan aan ahay.
Laxaw kuguma beeraan,
Malaa ludda kama dareensanid.
Leedo fuulka caashaqa sida uu u laba jaro.
Ciduu laadku ugu dhaco.

Lafa guridda Sheekada.
Liibaanto hay badin.
Inuu dhiigu liigee.
Luxudkana hay dhigin.
Waa lagu su'aaliye.
Ila laba lis Caashaqa.
Aan libin ka gaaree.

Macaaneey iga gudoon salaan
aan maaxanaayey maalmo badan
murti iyo macno wayn xambaarsan
malo awaal ka dheeroo manafacaad wada

Macaaneey hadii aan malaxa keeno maskaxdayda
Wabi baan makhuurtoo ma nooli
Caashaq baa i mudoo maan ma haayo
maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda
maalintaan ku waayana waan malganahay.

Macaaneey nafsigu waa mashaakile
maya hay oran
Macaaneey adaan magantaa ahee
maya hay oran
macaaneey adaan magantaa ahee
maya hay oran
Macaaneey haygu dayn mahiigaan
Oo meel cidla ah ha iiga tagin
adaan ku maagee


Baaxad dhaaf salaaniyo
bur jacayl malaboo
bogga iyo laabtiyo
Sambabada i buuxshoo
Badan oo balaaran
u buseelay iha hoo.

Bilaw weeyee iga qaad
Waa bishaaree Barqadayso
Wixii Baadiyeeyiyo
Balo aan ka dhawree
Basar ii dhagayso

Waan bukaa Xabiibi
Waa bastaye ma ogtahay
Beer iguma yaaloo
Adigay gala baxay
Bilcaan kale ma eegoo
Adaa ii baxaayee
Bishimahayga hadal iyo
Baashaal waan ka reeboo
Adaa ii baxaayee
Bisinkee xageen tagi?

Ba'da kale waxaan idhi
Balan aan ku siiyo
Axdi aan ku buuxshoo
Bar-baar kale ha eegin
Shaydaani burcad kuu marin
haka bixin aftida
Iftiin weeye baxayoo
Jirid weeye aan balaarane
Biqil weeye baqay hadeere
una badi waraabkoo
Baal mari shimbirtu
Waa ay baaburine
Oo abaayo ha bur burin jacaylka>
Fiiro Gaara.
Dulimada wax dila iyo
Dugaagiyo qaniinkiyo
Dira diraha iyo midka
Kala dila dadka is jecel
Ka digtoonoow daaniga
Daadihi oo ha sii dayn
Ka ilaali darayada
hadba kaynta daaqa leh
ku sii daa yuuna diifine
kana daa dudmada
Dagal nooma noqotee
Soo Dadaji Jawaabtana
. .............
. .............
Ubaxeey kal gacalkii
kaydka igu ahaabaa
kooraha isaaroo
ikadeeday anigee
.....
Sida roob kaliil da'aay
Kaymahoo isdhaafaay
Kaalintii ilayskiyo
Kaahii aayahaygaay
.......
Naftaydaad kafaysaa
Kashaydaad Dawaysaa
Kufkaygiina waad tahay
Kugu reemay Uabaxeey
.........
Kooraan jiita aadmiga
Dabci aan la kohanayn
Koonka ugu sareeyiyo
Ubax koodhay Dumarkaa
.........
Kaalmaynta Dariskiyo
Kadabkaa xalaasha ah
Waalidkeedii koriyey
Kawaddaa Karaamada
,........
Naftaydaad kafaysaa
Kashaydaad Dawaysaa
Kufkaygiina waad Tahay
Kugu reemay Ubaxeey

..................................

Dadka taan ka doortaay
Dareenkii wadnahaygaay
Diirkii jirkeygaay
Dooqeygu tuu raacaay
Waxaan kuu soo dirayaa
Salaan daacad ahoo debecsan
Diiranoo duunyoo idil iyo
Doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo
Halbowlaha dacaladiisiyo
Ku dahaaran qalbiga
Oo diiwaanka wadnihiyo
Ku daboolan caloosha
Ee adigana ha daayicinoo
Haygu sii deynin duurkee
I daryeel macaaneey
Daa'inkii ina uumayna
Waxaan kaaga dalbayaa
Deeq inuu ku siiyiyo
Caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed aan
Aan iska dabro salaantoo
Aan usoo daadago
Dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan
Duhur iyo habeen
Hurdadii u diiday
Anfacadiinna u daayay
Jaceyl bey duufsadoo
Duufaannada waxqaadiyo
Igu diray dabeylaha
Ee intaanan dulloobinoon
Duurka gelin
Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy
...............................................

Dooqiyo jaceylkuba
Dadka wey wadaagaan
Damac iyo xishoodna
Dumar lagama waayo
Diintiyo qur'aankuna
Culimadu ma deyso
Anna doonistaadii
Kama daallin inanyahay
Inaan kuu dandaranahay
Adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
Cowsha duurka joogtiyo
Dugaagiyo waraabahaan
Maalmahan la deris noqday
Waan daahayaayoon
Waan duulayaayoon
Adiga kuu duleysnahay
Degenaanshihii diidayoo
Cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin
Ama dooqu xumi gelin
Maxayna kala dareershay?
Waranka duxdiisiyo
Waxa adiga kuu daran
Anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
Sida wiirada duushoo
Geedaha dushooda
Marna aan ku degin baan
Nasashadii u diiday
muddo waan dulqaatay
Samir waan ku daallay
Dooddeenii maratay
Ruux inoo daneeyoo
Nabaddeenna doonoo
Cishqigeenna daryeelaan
Dunidaba ka waayee
Dib makuu helaayaa?

..........................................

Salaan cuddoonoo
Calooshiyo beerka
Cududada jirkeygiyo
Caqligeyga ka timid
Carrabkeyguna carrifoo
Cirkaa sareetiyo
Gaadhay caadkaa
Camidhay adduunyada
Oo ruuxey u caraftaa
La cajaa'ibayaan
Calaacalaha ku sidaaye
Cadareey iga guddoon
Ceynka kale cuddooneey
Cantar kii xijaabiyey
Ceebla' ciribta gooyay
Calimaax cunaha jaray
Ku dabaashay cowraloo
Cilmi aakhiro u diraa
Anna calanka ii suray
Carfooneey aawadaa
Ceyshkii ka go'ayoo
U ciishooday nafteydii
Cishqigeyga inuu jiro
Waxaa kuu caddeyn kara
oo misna kuu calaamad ah
Cadgo'a jirkeygiyo
Ceynka aan isku beddelay
Waxanse u cabanayaa
Calaaqaad inaan yeelanee
Ma ciseysay codsigan?

......................................

dhaayahaaga buluugga ah
Dhabanadaada guduudan
Timahaaga dhuxusha ah
Ilkahaaga dhalaalaya
Dhabarkaaga ballaaran iyo
Dhexdaadan la qoraan
Suleeqaay la dheygagay
Dumarkaad wax dheertahay
Dhismaha jirkaagaa
Dhaayihii mar arkaa
Dhinac u jeeso oggoleyn
Hadal iyo dhamaantii
Yey ila dhaqaaqin amaantoo
Adna aanan wax kuu dhimine
Murtideyda ila dhuux
Dhimbil baa igu dheggenoo
Maalmahan idhibeysey
Jaceyl bey dhaawacoo
Dhinacaaga iga helay
Caashaqa dhibkiisana
Qofka laguma dhaafo
Dhaawaciisa culusaa
Dhaqtarkiisu yaraa
Dhimashadiisu fududaa
Dhadhan waan ka go'ayoo
Hurdo dhinac ma seexdo
Adaan kuu dhararayaa
Ee dhayal warkey ha moodin!

................................................

Gacalisadaan jeclaayeey
Guud ahaan adduunyada
Adaan kaa garwaaqsaday
Gaduudkaaga dhiinka ah baa
Gebigeey isaaqay
Axdigii hagarabmarin
Guursanmaayo inan kale
God inaad gasho mooyee
Ama aad igoysaa
Garaadkey wuxuu isiiyey
Guur inaan yagleelnoon
Gurigeey ku geystoon
Gogol kugula seexdo
Ee gef miyaa gacalooy?
1

                                         .........................


  • Gabdhihii Ambiyadiyo
    ka sokoow asxaabtii
    Raxmooy adiga oo kale
    Ifka hooyo mey dhalin
    uur laguma soo sidin
    lamma soo abaabibnin
    Aabba muu gardaadinin
    ragna Arad ummey noqon
  • timmaheeda muu arag
    araxdeeda muu dhugan
    Abwaan caashaq lamma jilin
    ugaasooy kummuu oran
    habeen muu agjiifanin
    umma uu abaalgudin
    Abboowana kummey dhihin,
    ammaantaada gacalooy
    ma idleynkaraayee
    Alloow aadan iil tagin
    innagoon aroosgalin
    Oorideyda aad noqon.

    Ina-Aadan Deeqeey
    qurux aabbaheedeey
    indha-caashaqleeyeey
    ayaan iyo nin hood lahaad
    Raxmooy ubad u qaaddaa
    ood Arad xalaal iyo
    ilmasida u noqotaa,
    aqal kaala toosaa
    ballantaada oofshoo
    immin dhexe habeenkii
    timmahaaga alabsadee
  • oofaha ku seexdeen
    naasaha ibtoodiyo
    kuu salaaxa oogadoo
    adoo godol u agabdhigay
    neeftaada udugga leh
    sidii ila durdurayaan
    afkiisii ka buuxsada,
  • ujeeddadu waxey tahay
    jacayl baa i abbaaroo
    Raxmooy aawadaa baan
    dummar uga agaagee
    eraygeynu dhiganniyo
    axdigii ha eexanin
    Alloow aadan iil tagin
    innagoon aroosgalin
    Oorideyda aad noqon
  • 1. Xumaan iyo nabsi

     ruux xambaarsaday

     xashaash ku noolaan

     maayo, xaqdaro nin

     ku dhaqmaayo

    xakinkaa arkaayo

     xaqiiqdii guul ma

     gaaraayo, xiliga

     maanta la joogana

     xaalka aduun yaalo

     xifaalo malaha xili

    leys xisaabinaayo

    xabaasha aaqiro

    waaye ee xiskiina ku haaya.

    2. Dunidaan dabjirkeeda

    dayaxa laalaayo,

     dunidaan da'yarteeda

     dagaalka loo carbinaayo,

     dunidaan duqowdeeda

     nabada aan doonayn,

     dunidaan labadii is doorato

     dakano layskugu diidaayo

     dabkeeda ma yara,

     ana inaan daacad kuu ahay

     marna aanan ku dageynin

     damiirkaada u sheeg,

    wadnaheyga dushiisa iyo

     beerkeyga dacaladiisaan

    darin kuugu dul fidinayaa

    dareen la' aan ku dul seexo

    , hadaadan intaas ku daganeynin

    laabtaada sii danqaneyso

    dartaa waalidkeyga ha ii dilo

     ama duhurkaan ha ii deyrsho

     deg deg daartaada igu geyso.  

    3. Taariikhdaada nolosheyda

     kama tirmeyso ee talaahi

    aan ku dhaartay talaabkastoo

    aan qaado adigaan ku

    towaa taajkii arooskaaga

    tabaabusheysigiisa aan ku

    jiraa ee taajirnimo iima

    laabnee toosaneey

    taladeena waa toostee

    tacab shiid waa ka baxnee.

       

    4.  Ma jiraa jaceyloo?

    Ma jiraa jaceyloo,

     qofaad waanisoo

     wehel aad kadhigatooa

     warkiisa aad raacdoo

     waji aan wacneyn

    wax tar kaaga dhiga?.

       Ma jiraa jaceyloo

     qoraaf saad satoo

     saadir aad katuugtoo

    suubanaantii caashaqa

     samaantii jaceylka

     midna aan kusiin?

       Ma jiraa jiraa jaceyloo

     qofaad jamatoo

     jirkaaga moodoo

     aan jiirnaxaynoo

     jiriricyo jaceyl

    midna aan u jeedin?

       Ma jiraa jaceyloo

    qofaan kuu naxaynoo

     naftaada moodoo

     nuurkii caashaqa iyo

     naxariistii jaceylka

    midna aan ku siin

      Ma jiraa jaceyloo

     qofaad qiima wacan&

     qaayo wacan u yeeshoo 

     hadana aan kuu qireyn?

    5.  Sahal maahan caashaqa 

    hadaan lagula sideynin

    sibir waaka qaraar yahay

    samada iyo dhulka

    dhaxdooda saan qaadku

     badanaa samirkuna

    wacanaa silsilad waaye

     dunidaane hadba si

     kugu soo mareyso,

     sifaalaha nikaaxa sifahiisa

    furiin maxaa ka dhigay?. 

    6.  Dadaal aduunyo iyo

     dulqaad dib umaan

    dhigin damac daranaa

     dusha leyga saaray

    daaraha dushoodbaa

     dahab ley suray,

    dad kulul aan danqasho

     laheyn dooqaaga

    haduu galo dad looma

     eedsado, daahirii

    rasuulkeena iyo daa'inkii

     na abuurtaan dartood

     aan kugu deeyay.


1

1


Links