Raaxada Guurka 2 Raaxada Guurka 3 Buugga Martida Somali Links Boodhari  iyo Fanka Sheeko Geeraaro MAAHMAAHYO Beerqaad Dumarka Dawasho Muxaadaro BBC Somali Beerlula Majaajilo Daawo islam Makkah-Hadith Baro ! Baargaal

Boodhari iyo fanka casriga ah

Ibraahim Yuusuf Axmed

Fekerka iyo dhaqanka bulshooyinku ma aha waxa cirka ka soo daata ama dhulka ka soo fuura, ee waa silsilad ay guntin waliba mid kale haysato. Marxalad walba oo nololeed waxaa saameeya mid ka horraysey, halka ay iyaduna sii saamayso ta xigta. Haddaba dhammaadkii soddonnadii iyo bilawgii afartannadii qarnigii tegey Geyiga Soomaalida waxaa ka abuurmay xaalad ku cusub fanka iyo halabuurka soomaalida taas oo noqotay, ilaa maantana ah, mid aad u xiise iyo taageerayaal badan. Xaaladdaasi waa heesaha casriga ah ee muusigga loo tumo.

Dad bay la tahay muusigga iyo fanka la xiriiraa in uu dhaqanka soomaalida ku yahay soogalooti, laakiin ma aha ee qalabkaas iyo adeegsigiisu siyaalo kala duwan ayuu weligii dhaqanka ugu soo jiray, ay ka mid yihiin durbaanka iyo haanta oo munaasabado faneed badan loo adeegsan jiray. Taas waxaa dheer jiibta, jaanta iyo sacabka lagu qurxiyo dhammaan ciyaar dhaqameedda taas oo iyaduba ah muusig dabiici ah. Noocyada maansada oo dhan mid walba sida loogu luuqeeyaa iyaduna wax kale ma aha ee waa muusig. Taas oo jirta haddana markii la magaaloobay waxaa loo baahday si iyo qalab cusub oo lagu bulsheeyo la iskuna maaweeliyo. Halkaas ayuu fanka casriga ah ee aynu maanta naqaan ka soo baxay.

Marka laga reebo qaddar saamayn ah oo muusigga iyo masraxa (ruwaayadda) ka soo galay dhanka Suudaan iyo Yaman, halabuurka suugaaneed ee casriyaynta fanka loo adeegsaday waa dhalad si walba ugu abtirsada fanka iyo waayaha soojireenka ah ee soomaalida, wuxuuna ka beermay iniino asal ah oo ku aasnaa dareenka bulshada. Dhinac kasta oo aynu ka eegno waxaynu arkaynaa run ahaantii arrintu in ay sidaas tahay. Waxaanse inoo soo qaadayaa waxyaalaha ugu waaweyn ee fanka casriga ah dhaliyey.

1. Cilmi-Boodhari:

Soddonnadii qarnigii tegay waxaa magaalada Berbera caan ka noqday nin barbaar ah oo miyiga kuraynimo kaga yimid. Ninkaas waxaa goor aroor ah ku dhacay jacayl aan xad lahayn uu u qaaday gabadh ay isku magaalo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Hodan Cabdulle Walanwal. Waa Cilmi Ismaaciil Liibaan oo lagu naanayso .....

Dadka oo dhan jacayl wuu ku dhacaa, waxaase ninkaas u gooni ahaa dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: in uu jacylkiisu ahaa mid ka sarreeya heerka caadiga ah, in uu arrintaas darteed noloshii kale oo dhan wadi kari waayey farahana ka qaaday, in uu ahaa afmaal dantiisa iyo dareenkiisa gabay ku sheegan kara  isla markaas oo gabaygu ahaa wax aad loo qiimeeyo iyo in uu jacaylkiisa u soo bandhigay si cusub oo lala wada yaabay. Taasi Boodhari waxay u soo jiidday in ay dad badani ku jeclaadaan dad kalena ku nacaan. Dadka ku jeclaaday waxay u badnaayeen reer magaalka iyo dhallinyarada, kuwa ku nacayna sida la garan karo waa dadkii dhaqanraaca ahaa ee ragannimada u yaqaanney adkaysiga iyo yasidda nugaylka. Ugu dambayn markii uu Cilmi-Boodhari jacaylkaas u geeriyooday isaga oo ka tegey gabay iyo sheeko dheer oo xanuun badan wuxuu noqday shakhsi aan qof maqlay ismoogaysiin karin.

Haddaba maansada iyo xaaladdii nololeed ee Boodhari waxay saldhig u noqdeen fanka casriga ah, waxaana dhimashadiisa ka dib tusaale iyo dhiirrasho ka dhigtay fannaaniinta iyo dad kale oo badan. Marxaladdii koowaad ee fanka noocan ah waxaa lagu bilaabay meerisyo gabay ah oo la sawrac ah kuwiisii laakiin laguna qaaday luuq ka duwan tii gabayga. Koox gole wada fadhida ayaa si subcis ah u wareejin jiray, oo qofba markiisa qaadi jiray, beydad tiro yar, kuwaas oo mid waliba uu isagu samaystay. Waxaa ka mid ah afartan meeris oo aan ku arkay hordhaca buug tayo xun oo lagu magacaabo Diiwaanka heesaha kaas oo uu qoray Maxamed Sh Xasan (Stockholm):

jawharad aan shalay arkoo aqal ka soo jeedday
jeedaaladaan eeg is-idhi sow ma jabi gaadhin
.....
Muxubbaba tallaabada markay midigta qaadayso
ma malaa ig baa ruuxu waa muunad gooni ahe

Saamaynta uu Boodhari arrinta ku yeeshay waa mid u muuqanaysa qof kasta oo u wada fiirsada gabayadiisa iyo hees-faneedda. Sida furan ee xorta ah ee uu ninkaasi dareenkiisa u cabbiray ma ay noqon oo keliya mid fanka loo adeegsaday, ee waxay kale oo noqotay si uu qof walba oo caashaq xanuunjiyaa naftiisa ugu baroordiiqo. Isu ekaanta maansada Cilmi-Boodhari iyo fanka cusub tix walba waa laga heli karaa, balse aynu isbarbar dhigno islana aragno dhawr tusaale:

Boodhari:

caashaqa haween waa horaa Caaddil soo rogaye
Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
waxaa qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyeene
soomaalidaa caado xune iguma caydeene

Qaraami:

cusbiyo kama maarmo geelu carroo
cirkiyo wuu og yahay halkii cosob lehe = roobka
ceeb ma aha in aan ku caashaqaye
cidliyo ha igu dhaafin ciirsila

Boodhari:

hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye
hurdadana habeenkii ma ledo haddiyo waagiiye
sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye

Qaraami:

sidaan kuu bartayba hurdada ma bogtoo
barkimaan hadba beerka saaraa

Boodhari:

sidii qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay
dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye

Qaraami:

sidii geed ku yaal Bankii Geriyaad
goonidu waa mid la iigu talo galay

Boodhari:

gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye
sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey

Qaraami:

dhilawyahankaa dhirtuun ka baxee = qadow, geed dhirta kale ka dul baxa
maxaa dhexda iigu kaa maray

Tix ka mid ah kuwa ugu qurux badan gabayga Boodhari oo uu naftiisa ku hiifayo gardarrada jacaylkana dusha iska saarayo meeriska dhextaalka u ah ayaa fannaaniin badan u noqday halqabsi joogto ah. Meeriskaas iyo kuwa laga dheegtay waxay yihiin:

Gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go i waayey

Qaraami:

boggayga waran baad badheedh u dartee
bagaad i dishoodan ii bixin
.....

booqasho keliyaa badh iga hadhayee
bagaadan ina soo bariidayn
.....

baroordiiqdu maydka waa ka badhe
bagaanad islahayn biyaan qubay

Run ahaantii ujeeddada halkan ku jirtaa ma aha in eedda la isa saarayo ee qofka la jecel yahay ayaa denbiga lagu badinayaa si loo beerlaxawsado. Waxay la mid tahay marka qofka lagu yidhaahdo: Aniga ayaa kaa gardaran oo wax ku waydiistay.

Boodhari:

cududuhu ma naaxaan ninkay talo ku ciirtaaye
casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye = tahliil
cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiiye = halka ay cilladdu ku jirto

Hees:

Allaa i badee caashaq waa belo oo
ma buurra ninkuu barriinsadayoo
jidhkayguu beddeluu ka buuxsamayoo
bakhtiin kari waayey boog shidanoo
Burdahaan ku akhriyi in uu baxo

Saamaynta Boodhari ee heesihii hore ku jirta waxaa la mid ah ta ku jirta heesaha dambe. Eeg:

hawada beena xalay baan is-idhi waad la huruddaaye
hareertayda madhan baan is-idhi haabo gacanteede
kolkii aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
u haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare
siday iga halleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

Hees:

xalay gelin dhexaadkii
mar aad gacalo ii timid
ooy gacantu laabtiyo
kuu salaaxday gaaddada
ma ka toosay gagi madhan
gogoshaan ku jiifiyo
ma guhaadshey aqalkii

2. Ciyaarta dhaantada:

Haddi Boodhari lagaga dayday sida iyo ujeeddada fanka loo adeegsanayo, iyo ku dhiirrashada soo shaac bixinta dareenka nafsadeed, maansada muusigga la saaray badankeeda waa laga leexiyey miisaankii gabayga, waxaana loo doortay habdhaca ciyaarta dhaantada. Heesaha maanta loo yaqaan qaraami intooda badan midhaha lagu qaadaa waxay la miisaan yihiin kuwa ciyaartaas. Meeriska dhaantadu wuu ka gaaban yahay ka gabayga, wuxuuse la wadaagaa in ay qaafiyaddu laba jeer gelayso isaga oo aan haddana sida ka gabayga laba qaar lahayn ee mid keliya ah, taasina waa dabci yaab leh.

Heesaha qaraamiga ee habdhaca dhaantada ku dhisan waxaa loo yaqaan heello magacaas oo laga keenay jiibta isla ciyaartaas ee caanka ah. Luuqda heelladu waxay ku jaan go an tahay sidan oo aad loo jiidjiido:

Helleellooy helleellooy hellooy helleellooy
Hellooy hellellooy hellooy helleellooy

3. Dhaqanka guud:

Labadaas arrimood ee aynu soo xusnay (Boodhari iyo dhaantada) ka sokow heesta iyo ruwaayadda casriga ah waxaynu arkaynaa in ay si toos ah uga soo baxayaan dhaqanka iyo caadooyinka soojireenka ah. Waxaa ka mid ah sida ay halabuurkaas ugu badan tahay qiso ku saabsan laba isjecel oo la isu diiday, nin sabool ah oo gabadha uu jecel yahay helisteeda yarad badan lagu xidhay i w m.

Waa maxay qaraami?

Heesaha maanta loo wada yaqaan qaraami run ahaantii haddii aynu eegno habdhaca murtida loo adeegsaday waxaynu arkaynaa in ay lahaayeen noocyo kala duwan ayse sidii aynu xusnay ugu badan tahay ta dhaantadu. Qaraam waa erey carabi ah oo macnihiisu yahay jacayl. Magacaas marka xarafka i gadaal laga raaciyo wuxuu noqonayaa wax jacayl ku abtirsada. Markaas heesaha qaraamiga waxaa laga wadaa jacayl ah. Taas waxaa keenay iyada oo ay dadka magaalooyinku waagaas dhaqanwadaag la lahaayeen gaar ahaan Yaman iyo Suudaan. Cilmi-Boodhari qudhiisa ayaa ereygaas jacayl u adeegsaday markii uu lahaa:

hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo
ama qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo
aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane
hayeeshee qaraam baa igu galay qalay naftaydiiye


Waxaa kale oo jira magac heesaha xilligaas qaarkood loo yaqaanney kaas oo ah Balwo. Balwada macnaheedu wuxuu la asal noqon karaa balwad oo ah wax lagu baloobay (balaayo). Sida uu qofku balwadda ugu xidhmo, ugu raaxaysto haddana u eedo, si la mid ah ayaa fanka iyo muusigga bilawgii loo arkayey wax lagu baloobay. Ereyga balwo wuxuu kale oo noqday magac jacaylka qudhiisa loo bixiyey taas oo halabuur badan ka muuqata sida:

balwadaad igu beertay berigii
boggaygay ku taal sidii boog

Qaraamigu muxuu ka hadlaa?

Fanka cusubi wuxuu noqday fursad loo helay in lagu muujiyo jacaylka oo awel cabbudhsanaa. Nin uu caashaq jilbaha u dhigo oo sidii Raage Ugaas qarnigiiba mar soo baxa mooyee inta la og yahay ma jirin qof si fudud ugu dhiirran jiray sheegashada iyo ka maansoodkiisa. Waa xaalad cusub oo uu Boodhari dabarka ka jaray. Taas waxaa xoojiyey, oo xiise dheeraad ah siiyey, gabayga oo gudan kari waayey hawshan dareenka shakhsiga lagu cabbirayo. Gabaygu in kasta oo uu ahaan jiray halabuurka ugu xooggan waxaa loo ogaa shaqo qabiil iyo bulsho, wuxuuna ku sifaysnaa ad-adayg, dagaal, faan, digasho iyo wax kasta oo dhagar ah; ama dhanka kale garnaqsi, talobixin, nabadayn, haasaawe i w m.

Ma jirin gabyaa magac iyo maamuus ku heli lahaa haddii uu maansadiisa ku mashquuliyo sheegsheegidda jacaylkiisa, ama sifaynta quruxda gabadh uu jeclaa. Waxaa lagu tilmaami lahaa liite xilkiisa gabay. Arrimahaasi waxay shiiqiyeen oo qiimo tireen dareenka qofka u goonida ah. Markaas hees-faneeddu waxay buuxisay kaalin bannaan, waxayna noqotay halabuur fudud, isla markaas aan dan ka lahayn cid kale, caqlina aan ku fadhiyin ee dareenka ka imanaya. Fanka cusubi wuxuu meesha ka saaray in la ceebaysto muujinta nugaylka nafsadeed taas oo lagu tarjumayo calaacal, baryootan, eedsheegad, iyo waxyaalaha la midka ah ee ninka geeljirka ahi u arkayey jileec iyo doqonnimo.

Dhanka kale, fanka cusubi wuxuu abuuray in la curiyo lana adeegsado ereyo kooban oo leh murti aad u culus iyo qaafiyad iyo miisaan, iyada oo aan haddana maansoyahan la ahayn. Mana jiro qof aan heli karin meeris, laba ama saddex nuxur badan oo qalbigiisa maasha ka dillaaciya, isaga oo aan ka lahayn ujeeddo tixeed (maanso taxan).

Si xoogga iyo xanuunka caashaqa la qabo loo qeexo, khayaaliga waxaa la gaadhsiiyey in la sawiro qof jacayl u dhintay oo kii uu dartii u dhintay kaga eed sheeganaya in uusan maydkiisa soo booqan, ama u soo baroordiiqin! Qof dhintay maxaa ka galay kii dilay in uu u soo tacsiyeeyo?! Marka koowaad dhimasho run ah looma jeedo ee waxaa laga sarbeebayaa caashaq guul darraystay. Marka labaad waxaa ku jirta ujeeddo ah: noloshayda iska daaye xataa dhimashadayda aad sababtay jacaylkaaga waan u baahan ahay. Marka saddexaad waxaa ku sii jirta: haddii aan jacaylkaaga u dhintay kaama aan quusan ee waan kaa dhur sugayaa, oo haddii aan ifka kugu waayey aakhiro ayaan rajada u riixayaa. U fiirso:

anigu aakhiraan u dhoof ahaye
Dhexyareey qabrigayga soo dhugo

Qofka la jecel yahay aanse isaga jacaylku gelin waxaa la guhaamay oo lagu habaaray in uu Ilaahay ku rido jacayl halis ah oo la mid ah ka isaga loo qabo, dabadeed uu ku khasbanaado in uu kii isaga jeclaa caafimaad u soo doonto. Bal arag:

dhawaaqaygu dhaawac kugu noqoyoo
anigoon ku dhakhtarin laguma dhayo

cishqiga i ribbaday ku soo ridayoo
kuu raray sidii reero geeddiya
.....
iskaa siiyey oo si kula noqotee
waan kuu samrayaaye nabsiga sido

Run ahaantii hadalka noocan ah ee aynu ilaa maanta hees-faneedda ku dhex aragnaa habaar ma aha ee waa ducaysi iyo allebari macnuhu yahay: Ilaahay waxaan ka baryayaa in aad sida aan kuu jecel ahay si la eg ii jeclaatid, igana fursan waydid oo aan anigu noqdo qofka keliya ee ku dawayn kara.

Inta la og yahay halabuurka soomaalida markii u horraysay heesaha qaraamiga ayey la bilaabatay in jacaylka la falsafadeeyo oo waxa uu yahay baadhitaan lagu sameeyo. Sifooyin iyo magacyo badan baa la siiyey ay ka mid yihiin: cudur, boog, nabar, hawo, waalli, sixir, doog, nabsi, boholyoow, hilow, dhaawac, balwo, dabayl... Waxaa la isla qiray in uu hoog oo dhan sabab u noqon karo, sida uu liibaan oo dhan sabab ugu noqon karo.

Falsafadaynta iyo barashada jacaylku waxay gaadhay in la qeexo inta nooc ee uu u kala baxo, waxaana lagu sheegay ilaa toddoba qaybood:

caashaqu waa toddoba haddii la tirshee
mid aan tegin taabka la ii geli = gacanta

Toddobadaas nooc oo malaha laga wado: ka labka iyo dheddigga, ka waalidka iyo ubadka, ka Ilaahay, ka saaxiibbada, ka samaha, ka quruxda, iyo ka dalka. Ka labka iyo dheddigga ka dhexeeya qudhiisa waxaa loo sii qaybin karaa toddoba ay ka mid yihiin: nin isagu gabadha jecel laakiin aanay iyadu jeclayn, nin ay iyadu jeceshahay laakiin aan isagu jeclayn, laba isjecel oo la isu diiday, laba isjecel oo si kale isu waayey, laba isjecel oo is-helay i w m.

Waxaa kale oo la isku hawlay in la baadho sida uu jacaylku ku yimaado, waxaana la qiray in uu ka dhasho muuqa iyo hadalka ugu horreeya ee lagala kulmo qofka la jeclaanayo, natiijaduna waxay noqotay:

nabsigu waa dabayl dufaan wado oo
dibnaha iyo saaran daymada

Waxaa la weheshaday, oo carrabka lagu celceliyey, ereyo ay ka buuxaan cataw, baryootan, eedsheegad i w m. Waxaad arkaysaa iyada oo lagu raaxaysanayo sheegashada kelinnimo, hurdo la aan, dhaawac, xanuun, oohin iyo xataa dhimasho. Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo xaaladdaas dhaliilaya ayaa dhowaan laga sheegay: Haddii heesihii iyo ruwaayadihii qarnigii tegay dib loo eego waxaa la moodayaa in aynu jacayl u baabba nay! Runtuse waa arrinta aynu soo sheegnay ee ah in ay bulshadu heshay fursad faneed iyo si cusub oo ay dareenkeeda ku sheegto, siiba dhallinyarada, taas oo ah wax loo baahnaa nafsad ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Ku dayashada Cilmi-Boodhari ka sokow sababta ay maansada jacaylka ahi ugu badan tahay calaacal iyo cabasho waxay tahay, dadka jacaylkooda ku guulaystaa waxba ma allifaan sidaas darteed codkooda lama maqlo, waase dadka uu jacaylku xanuunjiyey kuwa qayladooda iyo baroortooda la maqlaa. Garan maayo sababta ay dadka caashaqooda ku liibaanay taasi uga soo burqan wayday.

Suugaanta qaraamiga yaa curiyey?

Heesaha qaraamiga ciddii tirisay lama wada yaqaan, waayo waxay ahayd meerisyo tiro yar oo ay dabayshu si degdeg ah meel walba u duuliso lagana maarmay in qofkii sameeyey la ogaado. Waxaase jira qaar ku baxay munaasabado caan ah taas oo keentay in aan la illaawin. Waxaa ka mid ah kuwo laga hayo Ismaaciil-Cagaf oo ku caan baxay jacayl ribbaday oo uu u qabay gabadh reer Hargeysa ah. Sida la sheegay wuxuu wadi jiray cagafcagaf taas oo ay naanaystu ka raacday. Isaga oo Togdheer shaqo ku jooga ayaa loo sheegay gabadhii uu jeclaa in la siiyey nin lacag leh oo dhulka carabta ka soo degay kaas oo dhowaan la dhoofi doona. Markii uu warkaas maqlayba Hargeysa ayuu u cararay, judhii uu magaalada soo galayna wuxuu arkay dayuuraddii gabadha lagu qaaday oo cirka sii gelaysa! Halkaas ayuu ka mariyey beydadkan aad caanka u noqday, isaga oo eedda saaraya dhakhsaha badan ee dayuuradda:

bilaa la raraa baabuurrada oo
bariidada waad ka bogataaye
biligtaa qudha baa balaayo ah

Hadalkaas haddii aynu dhuuxno waxaa inagoo dhadhamaysa tixdii calaacalka ahayd ee uu Boodhari nasiib xumadiisa ku hiifay mar uu dayacay fursaddii uu Hodan kula kulmi lahaa, taas oo ay ka mid ahaayeen:

hadhka galay hurdadu waa xuntee hohe maxay seexshay
bal in aan habaar qabo maxaa Hodan i weydaarshay
hooygii ay joogtiyo maxaa hilinki ii diiday

Sida la sheegay beri dambe ayuu nin ay Ismaaciil-Cagaf saaxiib ahaayeen gabadhii oo reer leh la kulmay, waxayna weydiisay: Saaxiibkaa heesihii caashaqa ahaa ee uu tirin jiray ma iska daayey? Ismaaciil markii hadalkaasi soo gaadhay wuu damqaday, waxaana ku soo kacdoontay doogtii jacaylka, wuxuuna ugu cataabay:

adoo gabaniyo adoo guri liyo
gabawgaagu waa ii gudboon yiin

Gunaanad

Intaas oo dhan ka dib, meerisyada soo socda ee aan ka soo xulay gabayadii Cilmi-Boodhari, iyo kuwa ka sii dambeeya ee aan iyagana ka soo hal qabtay heesaha qaraamiga, isu eeg si aad u ogaatid in aanay haba yaraatee waxba ku kala duwanayn, af ahaan iyo nuxur ahaan toona. Waxaad arki doontaa kala duwanaanta keliya ee meesha ku jirtaa in ay tahay in ay kala yihiin gabay iyo hees.

Boodhari:

dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye = in aan waashay
haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale
inta uu hadhuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey
hal hal tirada waan lagu heleyn tan iyo Haabiile
anigana hadduu igu shakalay hadimadiisiiye
....
aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba
dallaallimo habeenkii haddaan meel dudda ah seexdo
dayax iiga muuq dheer midduu duunku caashaqaye
iga daaya hadalqaadku waa iiga darayaaye
......
intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo
ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene
gaalada ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene
gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

sidii aad go'aygii tihiyo macawistaan goostay
ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
ama aan geyiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta
gardarriyee maxan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye
goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey
gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go i waayey
.....

caashaqa haween waa horaa Caaddil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye = Nebi Maxamad (scw)
caruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye
cidla lagama beermeen dadkoo cuuddi waaxid ahe
waxaa qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyeene
soomaalidaa caado xune iguma caydeene
sida weelka caanaha haddii laabta la culaayo
bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya

in aan cadaydo mooyee waxaan calasho lay diidye
caqliga yaa ka bi in tuu Ilaah ku circaddaayeeyey = roob aan qaadin
cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey
mugga inaan caddaadaan ka biqi Canab daraaddeede = magac-qaafiyad: Hodan
cududuhu ma naaxaan ninkay talo ku ciirtaaye
casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye
cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiiye
jeeraanse Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
illeen caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobey
........
hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye
hurdadana habeenkii ma ledo haddiyo waagiiye
sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye
waa lay horjoogaa sidii horudhacdii geele
in aan haybsigeed dhigay hadday Hodan i moodayso
gabadh kale oo aan haasaawiyaa wayga haniyaade
.......
kolba aniga oo sahashadoo saari ka ahaaday
ayuun baa saraab midabkileey lay sawirayaaye
sadrigay ku daabacan tahee uma sakhraameene
sidii saacaddii bay qalbiga iiga socotaaye
habeenkii markaan seexdo way ila safaaddaaye
salaaddii horay iga tagtaa oo siigo noqotaaye
........
mariil baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye = bukaan
mirir baa la gooyaa cishqaan cidina maarayne
.......
hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo
ama qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo
aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane = gabadh qurux ku caan ahayd
wax badan baan qummaati u hubsaday qalanjo naagoode
ha yeeshee qaraam baa igu galay qalay naftaydiiye
idinkuna halkii qoommanayd baad i qabateene
qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
bal qiyaasa waataan qandhaday Qamareey awgiine
qarqarrada jidhkaygiyo gacmuhu way qadhqadhayaane
qosolkaa yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane
in aan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiinna
.......

iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale e
waa laygu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye
ha u oonsan aakhiro waxaad urursataa yaalle

Qaraami:

arooryada hore daruur onkoddiyo
ufada roobku way udgoon tahay = dabaysha roob ka soo horraysa
........
boholyoowga naftayda beer qaadiyo
balwada oohinta ah adaa i baray
.......

wax badan buste saaray boogtaydoo
markii ay bogsan wayday la i baray
.........
la isuma daayo laba isdoonaysoo
dadkeennu waxyeelladuu door bidee
doogteedii weli waan la dacas nahay = darxumo iyo rafaad
......

halkii aad i qoontay way i qiiqdaayoo
qofkaan arko waan ka qariyaa
.......

bal qaraamka in ay ku qiirooto
aan qaado qasiidadeedii
......
haddii aanay muuqan oo la magac dhabo
oo aan maqlo soortu waa ii malab.
.......
hurdo waan ka caagoo habeenkii ma seexdee = (heestani waa jiifto)
sidii aan hadraayo aduun bay hor joogee
sidii hogosha roobka ah aduun bay hillaacay

 

.