Myspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter GraphicsMyspace Glitter Graphics, MySpace Graphics, Glitter Graphics

Raaxada Guurka 2 Raaxada Guurka 3 Buugga Martida Somali Links Boodhari  iyo Fanka Sheeko Geeraaro MAAHMAAHYO Beerqaad Dumarka Dawasho Muxaadaro BBC Somali Beerlula Majaajilo Daawo islam Makkah-Hadith Baro ! Baargaal

Kaana siib kanna saar (  Timocadde  )

Maqaal fiican oo aan dabayaaqadii bishii ogost ee sannadkan ka akhriyey wargeyska internet.ka ee Goobjoog.net ayuu Maxamed-Deeq Ibraahin Cabdi isku weydiiyey "Maxaa soomaalida muqaddas u ah?" Run ahaantii qudhaydu marar hore oo badan ayaan arrintaas ka fekeray aniga oo la yaabban sida ay waxyaalihii la wada sheegan lahaa ugu dambeeyeen wax qabiil sheegto ama lagu sheego. Su'aashu sida ay ii soo jiidatay, qof walbana u soo jiidan karto, ayey muhiim u tahay, waayo dad aan lahayn wax ka dhexeeya oo ay wada ilaashadaan kuna wada faanaan ummad ma aha dadka kalena iskama xigaan.

Weligeed iyada oo ummadnimo la isu qirsanaa ayaa haddana loo noolaaa tolal ay guulaha iyo halyeyadu u kala soocan yihiin, maamulkii dawladnimadana sidii loogu midoobay si la mid ah looguma midoobin wacyiga qawmiyadeed. Qarnigii tegay dhexdiisii markii dawladnimada lagu baraarugay dadaal badan baa loo galay in dareenka iyo wacyiga bulshada la mideeyo. Mar haddii ay maansadu ahayd qalabka ugu door roon ee loo adeegsado taariikhaynta, warfaafinta, iyo qiirogelinta, sida caadiga ah halgankaas waxaa hormuud ka ahaa gabyaaga oo maansadooda kor ugu qaaday qof kasta oo maalin uun dan soomaaliyeed dhagax u tuuray. Shakhsiyaad iyo dhacdooyin badan oo aan awel dan laga geli jirin ama qiimayntooda lagu kala qaybsanaa ayaa la nooleeyey, la qurxiyey, lana soo bandhigay. Taasi ma ahayn wax iska dhacayey ee ogaan iyo ku talogal ayaa loo samaynayey.

Tusaale ahaan degmada Oodweyne waxay ahayd meelihii ugu horreeyey ee uu Maxamed Cabdulle Xasan wax yeelay, isaga oo bilawgii dagaalkiisa dhulkaas ka qaaday geel caan noqday oo loo bixiyey "Dayaxweerar". Maalintaas ka dib colaadda reer oodweyne iyo Maxamed Cabdulle Xasan waxay noqotay joogto, waxayna ka mid noqdeen dadkii uu ula baxay "gaalo". Nacaybka labada dhinac kala galay iyo khasaaraha dhacay xad ma lahayn. Sidaas oo ay tahay haddana abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" oo degaankaas u dhashay wuxuu ka mid ahaa dadkii Maxamed Cabdulle Xasan ka bixiyey sawir qurxoon, kuna sifeeyey halyey ummadeed. Taas waxaynu si gaar ah uga arkaynaa tixda "Darwiish" oo uu tiriyey qarnigii tegay dhexdiisii markii soomaalinnimada cusub la qaabaynayey. Dabcan sidaas wuxuu u yeelay in uu masaxo xumaantii ina Cabdulle Xasan loo hayey mar haddii uu ninkaasi gumaysi la diriray. Qaasim wuxuu doonayey in uu dhiso bartilmaameed soomaalida midayn karta.

Sidaas ayaa la waday soddonkii sano ee dawladnimada. Waxaase nasiibxumo ahayd muqaddasaadkaas inta la dhisayey in ka badan ayaa la duminayey, ilaa ay maanta noqdeen wax aan umadda ka dhaxayn. Sidee baa loo duminayey? Waxaa loo dumiyey in shakhsiyaadkii, taariikhihii iyo walxihii kale ee muqaddaska laga dhigay ama noqon lahaa haddana isla markaas qabiilooyin gooni u xigsadeen, oo xataa kuwa kale ugu faaneen. Arday la baray qof hebel in uu ahaa halyey soomaaliyeed ayaa maqlayey qof kale oo ka sheeganaya sabab qabiil darteed, amaba xataa isaga ku dibindaabyeynaya. Markaa suurtogal ma ahayn in uu qaddariyo, ee mid kale oo isaga la cid ah ayuu ka raacay. Sidaas ayuu ku abuurmay hab-dhaqan silloon oo ah qof waliba in uu muqaddas ka dhigto waxa ciddooda ku abtirsada, xataa haddii ay bulshada kale u xun yihiin, isla markaa xumeeyo wax kasta oo ciddooda ka baxsan, xataa haddii fiican yihiin. Sidaas ayey waxyaalihii la wadaagi lahaa xintan ugu dhex lumeen. Qof heer qaran la geeyay qofka heer qabiil u soo dejiyay ma oga in uu dulmi ka galay.

Muqaddasaadka soomaalida waxaa kale lagu burburiyey awooddii ilaalintooda xilka ugu weyni ka saarnaa taas oo ahayd dawladda. Matalan, calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh sannadkii 1960-kii ayey dadka soomaalidu ku heshiiyeen in uu u wada noqdo "muqaddas". Waxaa lagu heshiiyey in laga dhigto tusmada gobannimada, midnimada, ummadnimada, sharafta, caddaaladda iyo nabadda. Waxaana ilaalintiisa loo dhisay ciidan aad u hubaysan. Waxaa laga taagay rugaha baarlammaanka, madaxtooyada, cashuuraha, caddaaladda, nabadgelyada, daryeelka iyo meel kasta oo ay bulsho ilbax ahi u irkato. Haddana intii meelood ee uu ka taagnaa waxay noqdeen xarumaha dulmiga iyo xanuunka. Askarigu isaga oo calanka gashan ayuu ubad iyo ummolo soomaaliyeed beerka kaga tuntay, hablo soomaaliyeed kufsaday, halyeeyo ciidda u dhashay wadnaha xabbad kala dhacay, guryihii, tiyaatarkii iyo masjidkiina madfac ku dumiyey. Ugu dambayn wuxuu sabab iyo tusaale u noqday dulmi, dhimasho, burbur iyo nacayb. Markaa dabiici ahaan calankaas dadku waxay u arkayaan tubta iyo tusmada khasaaraha iyo guuldarrada. Halkii loo heesi lahaa ee muuqiisa laguna farxi lahaa ayaa laga sasay oo la habaaray.

Sidaas ayuu ahaa qaranjabka soomaalidu. Sababtaas ayeynu u aragnay iyada oo calanka lagu gubayo isla Beertii Xorriyadda Hargeysa ee uu afartan sano hortood ku dhashay. Dad baa taas ka muujiyey naxdin iyo in ay ka xumaadeen. Laakiin aniga aragtidayda dadkaasi waxay isgelinayaan qiiro iska yeelyeel iyo munaafaqnimo ah. Waayo? Sida diimaha iy caqligaba ku cad ma jiraan wax dunida jooga oo ka qiimo iyo karaamo sarreeya nolosha qofka bani aadamka ah. Calankuse asal ahaan waa maro laba midab leh oo la mid ah maryaha kale, taas oo laakiin la geliyey sharaf iyo xurmo wadajir loogu heshiiyey. Haddii maradaas laga dhigo qalab umadda lagu dulmiyo, loona adeegsado ujeeddo xun, sharafta iyo xushmadu waa ay ka liinbaxayaan, waxayna mar kale noqonaysaa maro caadi ah. Maya ee waaba calaamadda sharka. Haddaba nolosha qofka iyo marada calanka waxaa hiil mudan nolosha qofka. Marka nolosha iyo karaamada bani aadamka la garto ka dib ayaa maro calan laga dhigay karaamo la siin karaa. Qofka ay la weyn tahay calan la gubay horta waa in ay la weynaadaan inta nafood ee calankaas magaciisa lagu gooyay.

Calanka uu maanta xaalkiisu sidaas yahay, ee dhiigga dadkiisa iyo dabka marba mid dhex yaal, waa isla kii Cabdillaahi Suldaan "Timocadde". Qof kasta oo soomaaliyeed maskaxda wuxuu ku hayaa sawir ku saabsan munaasabaddii calansaarka ee ku beegnayd 26 juun 1960. Inteenna aan munaasabaddaas joogin iyo intii joogtayba geerarka caanka ah ee "Kaana siib kanna saar" ee Timocadde ayaa inoo ah muraayad aynu dhacdadaas taariikhiga ah ka aragno. La'aantii munaasabaddaas waxaynu ka haysan lahayn male iyo sawir hummaag ah.

Sida caadada inoo ah geed walba oo taariikheed maanso khusaysa ayaa laga tiriyaa, waxaase yaab leh Timocadde sida uu tixdiisan geeraarka ah wadnaha ugala helay danta iyo dareenka uu tooganayey. Afarta meeris ee geeraarkan soo socda dhextaalka u ah ayaa keligood inagu filan in aynu abwaankan u qirno aftahamo iyo aragti fiicni. Waxaa inoo muuqanaya in uu wacyi iyo garasho u lahaa isbeddelkii habeenkaas hortiisa ka dhacayey in uusan ahayn wax caadi ah oo goor kasta iyo goob walba iska dhici kara. Wuxuu garansanaa in uu yahay isbeddel laba xaaladood mid xididdada u siibaya ta kalena dhidibka u taagaya, isbeddel wax dilaya wax kalena noolaynaya, wax raraya wax kalena dejinaya, shar iyo khayr kala miirmaya. Calan gumaysi oo hoos u degaya, iyo mid gobannimo oo neecwada xorriyadda sanka la raacaya iftiinka waagana higsanaya ayuu marag u ahaa macnaheedana fahamsanaa. Guul dhalanaysa iyo guuldarro dhimanaysa ayuu Timocadde shaahid u ahaa. Markaa yaab ma leh in ay tixdani si dabiici iyo daacad ah dareenkiisa uga soo ruqdo afkiisana uga soo burqato. Inta uu qof soomaali ahi dunida ku nool yahay waa tix la noolaanaysa.

Geeraarka wuxuu ku bilaabayaa arar uu kaga sheekaynayo waayihiisa halabuurnimo, isaga oo sheeganaya awooddiisa maanso in ay qudhiisa la dhalatay. Markii aan ahaa ilmo sabada ku cayaara iyo maanta intii u dhaxaysay gabaygu wuu igu jiray ("gabay" wuxuu ku gaabsaday maanso oo dhan). Sidaas darteed haddii aan deelqaaf ama qalad kale galo ha iigu denbi dhaafina ee igala xisaabtama, ayuu ku afeefanayaa. Wuxuu ku xijinayaa duco iyo denbidhaaf uu Alle weydiisanayo. Dabadeed wuxuu taariikhaynayaa arrinta uu ka geeraari doono oo ah xorriyadda, isaga oo si dhammays tiran u sifaynaya calanka tusaalaha u ah xorriyaddaas.
Abwaanku wuxuu kale oo tilmaamayaa waxtarka ummadeed ee calanku soo kordhiyey, oo ay ka mid yihiin: in uu dulligii ay dawlad la'aantu lahyd dadka soomaalida ka saaray, gudcurkii ka fayday oo sida qorraxda dhulka iftiinshay. Wuxuu kale oo ina xasuusinayaa in aanu ahayn wax dawarsi iyo deeq lagu helay ee halgan adag iyo duco Eebbe ku yimid. Wuxuu ku matalayaa jaranjaradii gobannimada iyo sharafta soomaalinnimada loo fuulayey, aadamiga kalena dhexdhexaad u ah. Iyo in ay isaga dartii umaddii toltolka isu halaagaysay ku walaalowday.

Timocadde sida uu maansada u wado ayuu hareeraha eegayaa oo ka shakiyayaa in aynu dareenkiisa farxadda iyo guusha ah la qabno: "Idinku in aad ila mid tihiin ma hubo aniguse haddii aanan saddex toddobaad iyo dheeraad oomato afka saarin gaajo i kari mayso oo liibaanta aan xorriyadda iyo dawladnimada ka helayo ayaa igu filan." Wuxuu kale oo tusaale taariikheed ka bixinayaa dadka soomaalida oo ay baahi dhan walba ahi dubatay sida ay nimankii dalka gumaysanayey raaxo ugu noolaan jireen. Ugu dambayn wuxuu toos ula hadlayaa cutubka ciidanka ah ee calanka dhidibka u taagaya, kaas oo ah saldhigga runta ah ee Soomaaliya iyo soomaalinnimada dhalatay. Ciidankaas wuxuu kula talinayaa in ay bulshadooda ugu adeegaan si ka wanaagsan sidii gumaysiga, amaba dhulkooda ugu shaqeeyaan si ka sii sarraysa sida ay ciidanka isticmaarku dhulkooda ugu shaqeeyaan. Gabagabadii wuxuu ina farayaa in aynu dawladnimada rayn rayn iyo sacab ku qaabbilno Ilaahayna uga mahadnaqno.

Geeraarkani wuxuu ka mid yahay kuwa ugu taariikhisan, ugu munaasabsan uguna ujeeddo wanaagsan maansada afka soomaaliga. Ugu horrayn waxaa la isweydiin karaa: Mar haddii dhaqanka dawladnimadu ahaa wax habeenkaa ciidda soomaalida lagaga foolinayey, horena aan loo aqoon calan la ammaano ama loo maansoodo, sidee ayuu Timocadde khayaaligiisa uga helay calanka in uu ka dhigto tusaale uu kaga maaarmo wax kasta oo dawladnimada ku jira oo ka hadlid u baahnaa? Sidee ayuu ku keenay intaas sifo wanaagsan iyo ammaan ah uu calanka siiyey, kuwaas oo laga yaabo in aan calammo boqollaal sano jiray lagu ammaanin? Shaki la'aan waa awood maskaxeed iyo fahmo aan qof waliba lahayn. Bal u fiirso inta magac koolkoolin ah ee uu calanka siiyay: Sagal (sagal maanta darrooray), Seermaweydo (seermaweydo hillaacday), Samada (samada kii u egaa), Sayruukh (sayruukhii Afrikaadow), Sarreeye (sarreeyow ma nusqaamow), Cisi (sadadu kay ku xidhnaydow), Mideeye, Nabadeeye (kii sadqeeyey qabaa'il ee, saf walaal ah ka yeelayow), Xaqsoore (khalqiga kii u sinnaa), Sallaan (sallaankii istiqlaalkow - "gobannimadow"), Mugdikiciye (kii soo saaray cadceeddow) Marka laga reebo afarta meeris ee dhextaalka ah waxaa daawasho, dhadhansi iyo faallo dheer mudan labada beyd ee ah:

saq dhexaannu ahayne
kii soo saaray cadceeddow!

Waa hadal kooban laakiin aad u culus oo macnaha guud ee tixda soo koobaya. Dawladnimada in lagu matalo dharaar cad, la'aanteedna habeen madow, ma jirto si ka qoddo fog runtana uga dhow oo arrintaas loo qeexi karaa. Haddana waxaan hubaa in ay jiraan dad labadaas beyd indho gurracan ku eegayaa. Oo maxay ugu eegayaan? Weydiintu waxay ina xasuusinaysaa dooddii ka dhalatay buuggii "Hal ka haleel" ee uu Maxamed Baashe X. Xasan sannadkan ka qoray suugaanta Hadraawi, kaas oo tixo iyo beydad gaar u soocay kuna eedeeyey in ay yihiin denbiileyaal diinta meel kaga dhacay. Haddaba dadka badan ee sidaas u fekerayaa halkan waxay soo gelin karaan muran ah: "Maro yar oo bir ka lulata lama odhan karo qorraxda ayey soo saartay, waayo qorraxda waxaa soo saara Ilaahay oo keliya!" Fekerkaasi haddii la sii wadwado wuxuu ku siqayaa: waxba wax kale laguma matali karo!

Si kasta ha ahaatee, xaqiiqada soomaalida ee maanta ina hor taal iyo dunida uu Timocadde filayey kala fogaa! Haddana maahmaah baa ah "Nin aad taqaan oo kaa maqan waad la joogtaa" taas oo laga wado: qof aad dhab u taqaan marka u kaa maqan yahay sida uu u dhaqmayo male ayaad ku garan kartaa. Timocadde sida uu ku muujiyey maansooyin tan ka dambeeyey, ay ka mid tahay tixda "Dixdhagaxeed", kama uu tuhun la'ayn dadkiisa in ay qabyaaladdu galaafan doonto. Wuxuuse goor walba yididdiilo ka qabay isbeddel feker iyo dhaqan oo taas ku saabsan. Sababtaas ayuu habeen iyo maalin qaylada uga daali waayey ilaa uu godgalay.

Geeridu waa xaq aan noole dhaafayaa jirin, laakiin waa ay isdarajo dhaantaa. Cabdillaahi Suldaan "Timocadde" qoyskiisa oo keliya kama dhiman ee waxaa tebay malyuumaad soomaali ah oo uu tobaneeyo sano afhayeen daacad ah uga ahaa dareenka waddaniyadda. Armuuse nasiib badnaa? Ma ku noolaan kari lahaa dal sidii aynu soo aragnay ku dambeeyey? Garashadiisu ma qaadan kari lahayd calankii uu sidan kalgacalka leh u gardaadiyey in hoostiisa gabdhaha soomaaliyeed lagu kufsado, oo weliba ka wax kufsanayaa calanka qudhiisa gashan yahay?

Anigoo sebi uun ahoo
sita leeb iyo qaansoo
siigaduun isku aasoo
sabo reer ka fogaanoon
laygu aaminin soofkiyo
saaca maanta aan joogno
gabaygu waygu sugnaayee
haddii aan sarsarriigo
ama aan surmaseejo
amaba aan sixi waayo
ama aan ka salguuro
amaba laygu saluugo
soomaalida i maqlaysaay
i su'aala hadhow.

Ilaahaan waxba seegine
subaciisa Qur'aankiyo
sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo Naciima
Rabbiigii kala seerayow
markay suurtu dhawaaqdo e
la soo saaro makhluuqa e
shaqiga iyo saciidka
maalintaad kala soocdo
denbigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax!
Subciyay oo ka dukeeyaye
ka siddeetan samaan
calankaannu sugaynaye
sahankiisa ahaynow
seermaweydo hillaacdayow
sagal maanta darroorayoo
siigadii naga maydhayow
saq dhexaannu ahayne
kii soo saaray cadceeddow
samada kii u ekaayee
xiddigaha mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
aan siduu yahay eegno e
kaana siib kanna saar.

Saahidiinta islaamka e
subcisa jimcayaashiyo
sibyaanta iyo haweenku
calankay saadinayeenow
cidina kaanay na siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
aan siduu yahay eegno e
kaana siib kanna saar.
Sallaankii istiqlaalkow
sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma-nusqaamow
aan siduu yahay eegno e
kaana siib kanna saar.

San-ku-neefle dhammaantii
khalqiga kii u sinnaayeen
mid saaxiib la ahayne
singalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
aan siduu yahay eegno e
kaana siib kanna saar.
Soomaaloo iscunaysoo
saqda qaylo dhawaaqdiyo
sulub laysu cabbaystiyo
hadba soof la xabbaadhiyo
saraayaa dami weydey
kii laydhiisu na saaqdayow
kii sadqeeyey qabaa'ile
isu saaray gacmaa ee
saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
aan siduu yahay eegno e
kaana siib kanna saar.

In sidayda tihiiniyo
in kalaanan saxaynine
soomaaloo calan taagta
saakaa inoogu horraysoo
saddex wiig iyo maalmo
haddaan soor cuni waayo
safrad laygama yaaboo
sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
aan siduu yahay eegno e
kaana siib kanna saar.

Nimankii na siraayaye
waax waax noo kala saaftaye
solanayaayey cadkeennee
iyadoo dhexda suunku
sabarkeenna qarqooray
kii sedkeenna cunaayaye
sarartiisa ka muuqdaye
surwaalkii ka yaraadaye
daaro loo sibidheeyiyo
sariiraha lagu seexdiyo
kabadh suuf laga buuxshiyo
mid baabuurka safeeyiyo
aayad saarta carruurtiyo
sagaal booy iyo kuug iyo
weliba seeska lahaa
kii saabaanka u laabayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar.

Saaka kaa hubka qaataye
intuu soodhka ku taagay
u diyaara salaantiyo
saraakiisha amraysaay
sifihii isticmaarka
ka siyaadiya maantoo
sibilkeennan ag joogoo
sibirtiisa istaaga oo
sare u taaga gacmaayoo
sacabka isku garaacoo
nin walow saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh!

...............................................................................

WARAABE IYO DAWACO

Bari ayaa dawaco adhi fara badan ka cuni jirtay reero meel deggan. Adhigaas oo riyo iyo idaba lahaa. Maalin danbe ayaa dadkii meel isugu yimaadeen waxaaney ka wada hadleen sidii ay dawacadaa dhibta badan iskaga dili lahaayeen. Waxay dadkii talo ku gaadheen in dabin loo dhigo dawacada. Dawacadii waxay ku dhacday dabinkii loo dhigay. Dadkii waxay ku xidheen dawacadii geed jiridiis, si looga aarsado oo waxaa talo lagu gaadhey in dab lagu dhex rido.

Dadkii waxay soo gureen qoryo xaabo ah oo aad u badan. Waxay xaabadii ka buuxsheen god aad u weyn oo ay ka qodeen geedkii ay dawacadu ku xidhnayd agtiisa. Markaas ayey xaabadii dab ku huriyeen waxayna yidhaahdeen, "Aan iska tagno, oo marka dabku uu aad u shidmo ku soo noqonno oo dawacada ku dhex ridno." Waraabe aad u gaajaysan ayaa wuxuu maqlay cidii dawacada. Markaas ayuu soo orday oo is yidhi, aad ka eryatid neefka ay dilootey maanta, waraabihii wuxuu u yimi dawacadii xidhneyd.

Intuu yaabey ayuu ku yidhi, "Naa dawaco yaa geedka kugu xidh-xidhay?" Markaas ayey dawacadii tidhi, "Waxa igu xidhay adeerkay." Waraabihii (Dhurwaa) ayaa hadana yidhi, "Oo muxuu kuu xidhay?" Dawacadii ayaa tidhi, "Adeerkay aad buu ii jicelyahay." Wuxuu arkay in aan caato ahay markaa wuxuu ii qalay wan weyn oo aad u buuran. Dabkaasna wankaas ayaa lagu karin doonaa. Aniguna waan diidanahay in aan cuno wankaas buuran, waayo gaajo ima hayso oo maalmahan oo dhan ayaan hilib cunayey, oo waxaan ka cabsanayaa inaan calool xanuun ka qaado. Markii aan damcay in aan ka tagana, intuu i soo qabtay ayuu geedkan igu xidhay. Markaan hilibkii cuni kari waayeyna wuu i diley.

Waraabihii ayaa intuu afka aad u kala qabtay illeen waa wax hilib iyo baruur jecele yidhi, "Ihi! ihi! ihi! aniga ayaa xariga kaa furaya ee aniga geedka igu xidh, si aan anigu u cuno hilibkaas adiguna uga nabad gasho." Markii dadkii ku soo noqdeen meeshii dawacadu ku xidhnayd, si ay dabka ugu dhex tuuraan, waxay u yimaaddeen waraabe ku xidhan geedkii. Dadkii ayaa intey yaabeen yidhi, "War Waraabe meeday dawacadii?" Markaas ayuu waraabihii yidhi, "aniga ayaa xarigii ka furay oo way tagtay."

Dadkii ayaa yidhi, "Oo maxaad uga furtay?" Waraabihii wuxuu yidhi, "waxay i tidhi dawacadii aniga gaajo ima hayso, ee hilibka la ii keeni lahaa adigu cun." Markaas ayey dadkii isagii dabkii ku tuureen. Sidaas ayaa waraabihii isku darsaday hunguri xumada iyo doqonnimada ku dhintay.

.................................

Dulucda sheekada:

Waxay Soomaalidu sheekooyin keeda had iyo jeer ku sheegtaa in dawacadu ay tahay midda ugu khayaamo iyo caqli badan habar dugaag oo dhan, waraabuhuna (dhurwaa) uu yahay ka ugu doqonsan.

Bari baa waxaa wada safray Bisad iyo Jiir (Dooli). Waxay ku heshiiyeen in ay iska sii weheshadaan jidka intay ku jiraan. Intii jidka la sii socday ayaa Bisadii hadba miliqsataa oo miciyahana isku listaa, had iyo jeerna eegtaa xaga jiirka inta indhaha galka ka soo saarto. Jiirkii intuu ka yaabey bisadii iyo sifaalaheedii ayuu u yeedhay, markaas ayuu ku yidhi, "Bisadeey indhaha aan arkayo safar kuma wada geli karro, ee midkeenba dhinac ha u safro." Markaas ayey Bisaddii tidhi, " Maxaa dhacay oo aad igu qoonsatay?" Anigu markaan arko jiir ayaan hamaahsadaa (halaaqood) inta farxadu iga badato Jiirkii intuu geedo dhexdood ka dusey ayuu yidhi, "Isma raaci karno, wehelna kaama dhiganayo ee waxaad weheshato raadso."

.................................

Dulucda sheekada:

Ha isku dayin in aad walaal ka dhigato qof aanad aqoon u lahayn. Soomaalidu waaxay tidhaa , cadow ciirsimaad maleh.

 

 

Click n Relex here