Raaxada Guurka 2 Raaxada Guurka 3 Buugga Martida Somali Links Boodhari  iyo Fanka Sheeko Geeraaro MAAHMAAHYO Beerqaad Dumarka Dawasho Muxaadaro BBC Somali Beerlula Majaajilo Daawo islam Makkah-Hadith Baro ! Baargaal

BOGGA- 18AAD

KHALKHALKA JADWALKA CAADADA

Waxaa marmar dhacda in ay caadadu ka soo hormarto ama ka dibdhacdo waqtigeedii. Haddaba waxyaabaha khalkhalka geliya jadwalka caadada waxa ugu horreeya kuwa soo socda:

- Cudur ku dhaca haweeneyda (cudur caadi ah).

- Uurka, dhalmada, dilanka iyo cudurrada haweenka.

- Jawiga oo isbeddela, sida gabadhii ku noolaan jirtay magaalada oo u guurtay tuulo iyo taasi lidkeed.

- Jirka oo daal ba'ani ka haayo, sida kan ka dhasha socdaalka dheer, guuritaanka, cayaaraha isboortiga, iwm.

- Shaqada oo isbeddesha sida guri joog noqotay teeb garaacdo.

- Welwel, baqdin ama naxdin fara badan sida kuwa ka dhasha geeri ku timaada xubin ehelka ka tirsan ama saaxiib, mehersiga, guurka, iwm.

Waxyaabahaasi aannu soo sheegnay haddii ay ku dhacaan nuska hore ee wareegga caadada, waxa dhacaysa in isbeddel ku yimaado dib u dhiga ama soo hor mariya caadada. Si haddaba looga hor tago khalad kasta oo dhici kara, waa inay haweeneydu degsataa jadwal tusaya waqtiga ay caada bileed kastaa bilaabato. Iyada oo jadwalkaasi ka tix raacaysa, haddii ay ogaato in wareeggaasi uu habaysan yahay, dusha ayaabay ka qaybi kartaa, waxaana markaasi suurtagal noqonaysa inay awood u yeelato inay sii sheegto waqtiga ay bil kasta ugxamayn doonto. Waxay markaasi qoraysaa waqtiga kuna daraysaa afar maalmood oo ka horreeysa iyo afar ka dambeeysa, si ay u hesho (9)ka maalmood oo ay suuragal tahay inay uur qaaddo. Kolka ay caadada xigtaa timaadana, waxay ka tuuraysaa (15) maalmood si ay u hubsato inay saxsan tahay iyo inkale.

CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH

Waxaa jira dhowr calaamadood oo lagu garto inay haweeneydu uur qaadday, ha yeeshee calaamadahaasi middoodna keligeed kuma filna inay tusaale cad u noqoto jiritaanka uurka, balse waa in la helaa iyaga oo isku duuban si loo hubiyo in uur jiro.

1- Caadada oo istaagta:- Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Ha yeeshee, haddii ay dhacday faxlistu waxyar kahor imaatinka dhiigga caadada, waxa suuragal ah inuu dhiiggaasi caadadu soo laabto bisha dambe, sababta oo ah xawadii u gudubtay ilma-galeenka ayaa dul meereysanaysa ugxan-sidaha iyada oo sugaysa ugxan soo baxda, taasi oon soo baxaynin ilaa ilma-galeenku dubka rogto xilliga caadada. Haddaba waxaa laga yaabaa inay galmadu dhacday kahor dhiigga caadada, ha yeeshee faxlistu ay dhacday dhiiggaasi kadib. Arrintaasi dumarku ma garanayaan mana rumaysanayaan, iyada oo middood kolka dhakhtar ku yiraahdo uur ayaad leedahay, ku qaylisa (suuragal ma aha , caadaaba iga timid galmadii kadib eh sideen uur ku yeelan karaa?). Waxaa marmar dhif ah dhacda in dumarka qaar ay dhowr jeer caadadu ka timaado inta ay uurka leeyihiin, ha yeeshee sida caadiga ah caadadu waa ay istaagtaa kolka uurku billowdo. Guud ahaan haweeneyda uu waqtigeeda caadadu u jadwalaysan yahay waxay xaq u leedahay inay isu qaadato qof uur leh kolka uu dhiiggu ka soo daaho waqtigii uu ka imaan jiray.

2- Matagga subaxdii:- Matagga subaxdii ay haweeneydu matagto waa calaamadda labaad oo lagu garan karo uurka. Uurjiifku waxa uu ka samaysmaa ugxanta hooyada iyo xawada aabbaha. Haddaba maadaama dhismaha borotiineed ee xawadu uu ka duwan yahay kan jirka haweeneyda, waxaan shaki ku jirin in ay xawadu ku tahay jirkaasi soo galooti, taasi oo markaasi keenta in haweenka badankoodu ay ku sumoobaan usbuuca ugu horreeya uurka. Jirka haweenku maalintii waa uu u adkaysan karaa sunta soo galootiga ah maadaama kilyaha, sambabada iyo qanjirrada dhididku ay si wanaagsan u shaqaynayaan, ha yeeshee kolka habeenkii shaqada xubnahaasi ay yaraato, suntii ayaa ku ururaysa dhiigga, kolka ay haweeneydu subaxdii hurdada ka toostana waxay billowdaa shuban iyo matag maadaama ay jirka bani'aadmiga caado u tahay inuu dibadda isaga saaro wixii sun ah ee soo gala. Sidaasi ayuu mataggu subaxdii u yahay wax iska caadi ah, iyada oo looga dan leeyahay in dibadda looga saaro sunta gashay ilma-galeenka. Mataggu waxa uu billowdaa subaxdii isla marka ay haweeneydu hurdada ka toosto iyada oon wax cunin waxna cabin. Waxaa mararka qaar dhacda inuu mataggu haayo maalintii oo dhan muddo dhowr bilood ah, una diido inay raashin qaadato, kuna dhaliyo caatanimo iyo tamar darri, isaga oo weliba mararka qaar gaarsiiya heer lagala gaaro dhakhtar ilmaha ka soo tuura si uu iyada u badbaadiyo, waase arrin dhif ah.

3- Ilma-galeenka oo ballaarta:- Mar kasta oo uurjiifku sii weynaadaba ilma-galeenku waa uu sii ballaartaa, dhakhtarkuna qalabkiisa gaarka ah ayuu arrintaasi kula socdaa, ha yeeshee haweeneyda uurka lihi ma dareento inta uu ilma-galeenkeedu weynaanayo.

4- Ibaha naasaha oo midabbaysta:- Ibaha naasuhu bilaha dambe ee uurka waxay yeeshaan midab aad u madoow. Sidoo kale waxaa samaysma khadka dhexe ee isku xira xuddunta iyo bisaqleyda, kaasi oo baaba'a kolka ay haweeneydu umusho.

5- Caloosha oo buurata:- Dumarka kuwooda khibradda yari waxay u qaataan in usbuuca horeba caloosha buurani ay uur sheegayso, mana garanayaan in aan uurjiifka caloosha laga dul garan karin ilaa laga gaaro bisha shanaad, isaga oo wixii marxaladdaasi ka horreeya si tartiib-tartiib ah u sii weynaanaya ilaa uu soo muuqdo

6- Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- Dareeraha lagu magacaabo (Aminotic) ayuu uurjiifku u dhex dabaashaa sidii rah berkad biyo ah ku dabaalanaya oo kale, isaga oo weliba sameeya dhaqdhaqaaq sida kan raha oo kale ah. Dhaqdhaqaaqaasi sida caadiga ah waxa uu billowdaa kadib kolka ay xubnaha uurjiifku koraan bartamaha xilliga uurka, kaasi oo ku beegan laga billaabo usbuuca 21aad.

7- Wallaca iyo degganaan la'aanta:- Waxaan shaki ku jirin in isbeddellada ku dhaca dhiiggu ay reebaan degganaan la'aan maskaxeed iyo mid nafsiyadeed intaba, arrinkaasi oo haweenka intooda badani u fasirtaan inuu yahay uur bilawgiis. Waxaa kale oo haweeneyda ku billowda wallac, iyadoo ku dhex meereysata noocyada kala duwan ee cunto. Cuntooyinka qaar aad bay u qaadataa gaar ahaan kuwooda borotiinka iyo sokortu ay ku badan yihiin, iyada oo mar dalbata kalluun, mar cunta qajaar, mar wax dhanaan cabta mar kalena shukulaato yuuyuubata. War iyo dhammaantiis, haweeneyda wallaca ahi waxa ay codsataa cuntooyin ka duwan kuweedii caadiga ahaa, waxaana laga yaabaa inay marmar jecleysato noocyo cunto yaab leh, sida iyada oo intay kalluun dubkiisa qaba saliid ku shiilato dabeeto isku sii deeysa. Isbeddelladaasi rabitaan waxaa barbar socda isbeddello kiimikaad oo ku dhaca dhiigga haweeneyda.

Wallucu waxa uu mararka qaar la yimaadaa isbeddel ku dhaca dabeecadda haweeneyda marka laga eego la dhaqanka ninkeeda, oo ama waxay u jeclaataa sidii ay awal u jaclayd si ka daran amaba waxaa dhiba araggiisa iskaba daa hadal iyo la dhaqan eh. Nin dhallinyaro ah oo aynu saaxiibbo nahay baa dhowr sanadood kahor iiga sheekeeyey dhibaato ka qabsatay wallaca gabar ay isqabeen, waxaanu hadalkiisa ku billaabay sidatan: (Gabar baannu isjaclayn annaga oo weli dugsiga sare dhiganna. Kolkii aan waxbarashadii dhammeeyey ee aan shaqo billaabay baan gabadhii reerkeedii ka doontay, saa waa la’ii diiday. Aniga iyo gabadhii waxaynu go’aansannay inaynu isguursanno, maadaama aan masruufan karo. Waanan isguursannay oo guri jacayl degnay.

Waxaynu subag iyo malab isu ahaannaba, dhowr bilood kadib bay gabadhii la soo baxday dabeecad hor leh. Waxay billowday inay sabab iyo sabab la’aanba iska kay caaydo, qoladayda caaydo, quruxdeyda caaydo, shaqadeyda caaydo!. Ay indhaha isaaraysaba intay shaqaday haysay faraha ka qaaddo bay caay af-labadii iila soo fariisataa. Waxaan go’aan ku gaaray in aan ka dhuunto, oo habeenkiina imaado ayada oo hurudda, subaxdiina aroor hore ka dheelmado amaba meela kale soo seexdo. Saa way iraadisaa, wax kale maaha eh si ay ii caaydo oo karaamadayda dhulka ugu masaxdo, anna waan ka cararaa. Maalintii dambe ayay iga-kor-timid anigoo rag saaxiibadaya dhex fadhiya. Markay wixii caay dunida jiray soo afuuftay bay “ifur” kusoo af-jartay, anna illeyn dulqaad shalay baaba iigu dambeysay eh, saddexdeedii baan dusha ka saaray anigoon u sarrifin. Saa kalmad dambe ma ayan orane way iska dhaqaaqday.

Gurigii baan saacado kadib tegey, si aan waxaan duunyo lahaa uga qaato ayadana reerkeedii ugu diro.

- War nacas yahaw wallac baan ahaye maxaad iigu dulqaadan weyday!!!.

Intaa markay tiri baan sidii nin baraf ku da’ay gebigay qarqaray. Waa ubad kii iigu horreeyey, waa gabadhaan dumar oo dhan ka doortay oon weliba reerkeedii isku dilnay, waa saddex dalqadood!!.

- Naa inkaar qabto, maxaad iigu sheegi weyday sidaa uma degdegeene!!.

Waa cudur daawa beelaye, halkii baa lagu kala dareeray. Gabadhii wiil bay dhashay iminka toban jir dhaafay, ha yeeshee taan dumaroo dhan ka doortay dib la’isuguma soo noqon ).

Haddaba sidii horeba loo yiri (cudurka oo waxa uu yahay la gartaa waa daweeyntiisa barkeed), haweeneyda ogsoon degganaan la'aanta ku soo korortay inay ka dhalatay uur ay qaadday, waxay u dhaqantaa si aad uga wanaagsan tan aan garanayn meel looga yimid una haysata inuu cudur halis ahi haayo. Waxaan shaki ku jirin in ogaanshahaasi uu ku dhiirri gelinayo inay u dul qaadato uurka iyo dhibaatooyinkiisa, wax walibana u hurto hooyanimada ku soo fool leh. Waxaa haddaba waajib ku ah bulshada ay ku dhex nooshahay oo uu ninkeedu ugu horreeyo inay ahmiyad siiyaan waxyaabaha ay jammanayso, una dulyeeshaan isbeddellada ku yimaada dabeecaddeeda, kana waantoobaan inay ku jees-jeesaan wallaceeda. Waa inay ku dadaalaan sidii ay haweeneydaasi miskiinta ah ugu tari lahaayeen wax allaale iyo wixii ay awooddoodu saamaxayso, ilaa iyo inta ay ka baxayso ciriiriga ay ku jirto uguna soo noqonayso xaaladdeedii caadiga ahayd.

XADDIDISTA XILLIGA UMMULISTA

Dhakhaatiirta kuwa ugu aqoonta badani ma awoodi karayaan inay sii sheegaan maalinta iyo waqtiga ay haweeneyda uurka lihi ummuli doonto, arrinkaasi oo ilaa iyo hadda aanay jirin cid garanaysa aan ka ahayn Eebbihii ina abuuray. Waxa keliya ee ay dhakhaatiirtu awoodi karaan waxa weeye inay soo dhoweeyaan maalintaasi.

Sida loo badan yahay muddada u dhaxaysa uuraysiga iyo ummulistu waxa weeye 266 maalmood, waxayse dhibaato ka imaanaysaa sidii lagu xaddidi lahaa maalintuu uurjiifku caloosha hooyadii galay.

Waxaa jirta dariiqo kale oo taa ka sahlan, waxana weeye in muddada uurka laga soo tiriyo maalintay caadadii udambeysay haweeneyda ku dhacday, maalintaa iyo maalintay ummuli doontana waxa u dhaxayn kara siday dhakhaatiirtu ku doodayaan 280 maalmood.

Haddii haddaba ay haweeneydu doonayso inay soo dhoweeyso maalinta ay ummuli doonto si ay isugu diyaariso, waa inay maalintii ay ku dhacday caadadii ugu dambeysay diiwaan gelisaa, oo ka jartaa saddex bilood kuna dartaa toddoba maalmood. Tusaale ahaan, haddii maalintay caadadii ugu dambeysay ay ku dhacday intaanay uurka qaadin ahayd 05/07/2001, dib ha u tiriso saddex bilood (05/04/2001), hana ku darto (7) maalmood, sidaasina waxay ku ummuli doontaa abbaaraha maalinta 12/04/2002, haddii Allaha awoodda lihi idmo.

Waxaa isna jira hab kale oo ay gaar ahaan Soomaalidu ku xisaabaan maalintay u maleynayaan inay haweeneydu ummuli doonto, kaasi oo ah inay tiriyaan sagaal bilood iyagoo kasoo xisaabinaya maalintay haweeneydu ka qubaysatay caadadii ugu dambeysay. Tusaale ahaan caadadii ugu dambeysay hadday ka qubaysatay 01/01/2002, waxay filayaan inay ummuli doonto 01/10/2002.

Guud ahaan, hababka aynu soo sheegnay inkastoon 100% lagu kalsoonaan karin oo aanay sahal ahayn sidii laysu waafaji lahaa ummulista islaanta iyo taariikhda la odorosay, haddana farqigu saa uma sii badna, waxase habboon in dhowr usbuuc taariikhdaa kahor la’iska sii diyaar garoobo.

BOGGA- 19AAD

MADHALAYSNIMADA

Ninka caafimaadkiisa jireed uu wanaagsan yahay, awoodna u leh inuu wax dhalo, xaaskiisana dhowr sanadood u galmoonayey iyada oon wax uur ah qaadin, waxa uu u qaadanayaa inay haweeneydiisu tahay madhalays. Waxaa haddaba caadi ah inay haweenku rimi waayaan sanadka koowaad ee aqalgalka, taasi ooy ugu wacan tahay habdhiskooda taranka oo sanado badan soo dayn jiray ugxan aan la faxlayn, iyo iyaga oo kacsigoodu aanu gaarin heer ay rimitaan diyaar u noqdaan. Waxay arrintaasi ka dhigan tahay sidii gaari habeenkii baraf ku da'ay oo matoorkiisu uu subaxdii u baahan yahay in la kululeeyo muddo dheer kahor inta aan la dhaqaajin. Waxaa kale oo laga yaabaa in samayska iyo bisaylka xubnaha taranku aanay dhamays tirnayn, sidaasi daraadeed ay isdifaacaan si aanay u uuraabin iyada oon la gaarin waqtigii ku habboonaa.

Waxaa caadi noqotay in haweeneyda oo rimi weyda sababteeda iyada dusha laga saaro oo haddii muddo dhowr sanadood ah uur ku soo bixi waayo la yiraahdo waa madhalays, taasi oo ah mid ka soo hor jeedda mandiqa. Haddii aan la caddayn in ninku wax rimin karo, waa khalad in mas'uuliyadda rimay la'aanta haweeneyda dusha laga saaro. Haddaba, ninku waa inuu isagu marka hore xawadiisa baaro oo hubiyo inuu sito xawo awood u leh inay wax faxasho. Waxay dhakhaatiirtu caddeeyeen in 30% xaaladaha dhalma la'aanta mas'uuliyaddeeda uu ninku leeyahay.

Waxaa habboon in aan qofna eedda la saarin, balse baaritaan la sameeyo lagu ogaado qofka jirran, si dabeeto markaa loo daweeyo. Waa in mar waliba la xusuusnaado in Eebbe ubad-siinta isagu haayo, waana ka Aayaddiisa Qur’aanka ah ku leh:

}..Cidduu doonana waxa uu ka dhigaa madhalays, isagaa wax og, awoodi karana (Suurat As-Shuuraa: 50).

MADHALAYSNIMADA NINKA

Sababaha ugu waaweyn ee ninka ku keena madhalaysnimada waxaa kamid ah:

1- Ciniinnimo:- Ciniinnimadu waxa weeye inay ninka ku dhacdo tamardarri jinsiyeed iyo inuu galmada dhamaystiri waayo. Taasi waxa keeni kara geedkiisa oo si buuxda u kici waaya ama gebi ahaanba aan kicin. Baab dhan baannu kaga hadalnay ciniinnimada.

2- Degdeg u biyabbax:- In kasta oo geedku uu si buuxda u kacayo haddana biyaha ayuu tuuraa isla marka ay dhalfadu cambarka gasho amaba inta lagu jiro hordhaca, kolkaasi oo intuu damo uu tamar dhigo.

3- Xawada oo aan bislayn :- Amaba tiradooda iyo inta ka nooli ay yaryihiin, taasi oo markaasi keenaysa inay xawadu awood u yeelan weydo inay wax faxasho.

MADHALAYSNIMADA NAAGTA

Madhalaysnimada haweeneyda waxa keena cudurro fara badan oon halkaan lagu soo koobi karin, balse aynu ka taabanno inta ugu caansan:

1- Cambarka oo ciriiri noqda:- Geedka ninka oo si buuxda u geli kari waaya cambarka, biyahana ku daadiya afkiisa hore ama meel aan ka fogayn ayaa kamid ah waxyaabaha haweenka ku keena madhalaysnimada, waxaana mararka qaar dhacda in murqaha cambarku ay xilliga galmada gariiraan taasi oo markaasi keenta inuu dibadda iskaga soo tuuro xawada

2- Qaababka galmo een habboonayn:- Waxaa la wada ogsoon yahay in dumarka caadiga ahi ay uur ku qaadaan qaab kasta oo loogu galmoodo, iyaga oo u baahan qaddar yar oo xawo (sperms) ah si ay ugu gudbaan waddooyinka jirka, dabeetana uu midkood ugu guulaysto inuu faxlo ugxanta. Ha yeeshee dumarka qaar bay dhibaato kaga timaadaa rimayga. Dumarka caynkaasi ah raggooda waxay dhakhaatiirtu ku waaniyaan inay ugu galmoodaan qaabab sahlaya in tirada ugu badan ee xawo ahi ay cambarka gasho. Qaababkaasi oo aynu hore u soo sharraxnay, waxa kamid ah inay haweeneydu u seexato dhabarka iyada oo barkimo doolasha iska gelinaysa si ay cambarka sare ugu soo qaaddo dabeetana gelitaanka geedka ninku ugu sahlanaado, taasi oo xawada gacan ku siinaysa inay si degdeg ah ku gasho ilma-galeenka. Kolka ay galmadu dhammaato, waa inay haweeneydu muddo dhowr saacadood ah iskaga jiifto dhabarka iyada oon wax dhaqdhaqaaq ah samayn, taasi oo markaasi kahortag u ah soo laabashada xawada, fududaysana inay ilma-galeenka u gudubto.

3- Afka ilma-galeenka oo ciriiri noqda:- Taasi oo mararka qaar keenta inay xawadii ka daadato iyada oon gelin. Ciriirinimada afka ilma-galeenka guud ahaan waxaa keena gabadha oon si wanaagsan u qaaangaarin ama u bislaan.

4- Ilma-galeenka oo qallooca:- Ma aha dhif iyo naadir in la'arko madhalaysnimo sababteedu tahay qallooc ku yimaada ilma-galeenka. Ilma-galeenka caadiga ah afkiisu waxa uu u jeedaa dhanka hoose, halkaasi oo ay xawadu ku soo shubanto kolka islaantu ay dhabarka u jiifto. Haddiise ilma-galeenku qallooco, afkiisa ayaa ka fogaada afka cambarka, mar kasta oo qalloocaasi sii fogaadana waxaa yaraata rajada laga qabo inay xawadu gasho ilma-galeenka. Qallooca ilma-galeenku waxa uu keenaa in dhakhtar loo baahdo iyo marmar qalliin.

5- Qabow jinsiyeed (Kacsi la'aan):- Sida caadiga ah kolka ay haweeneydu kacsato waxaa xubneheeda taranka buuxiya dhiig, dabeetana maqaarka xubnahaasi waa uu kululaadaa, qanjirraduna soo daayaan dheecaannadoodii, murquhuna isku laablaabmaan, laablaabankaasi oo keena in ilma-galeenka afkiisu soo nuugo xawadii. Haddaba haweeneyda baaridka ah (aan kacsan), ilma-galeenkeedu wax dhaqdhaqaaq ah ma sameeyo, taasi oo markaasi yaraysa nuugista xawada iyo rimayga intaba.

6- Ugxan la'aanta:- Dumarka qaar baa joojiya soo saarista ugxanta, taasi oo inta badan horseedda caadada oo ka istaagta, haddii aanay haweeneydu caado keeninna waxaa lagu tiriyaa madhalays.

Guud ahaan madhalaysnimadu waxay noqon kartaa mid joogta ah ama mid waqti ku xiran oo ay keenaan dhibaatooyin haddii laga hor tago amaba la daweeyo laga gudbi karo.

TALOOYIN LA SIINAYO DUMARKA AAN UURAABIN

1- Dheereeya muddada galmada:- Ragga qaar baa u haysta in inta jeer ee haweeneyda loo galmoodo oo la kordhiyaa ay keento uur. Haddaba taasi run ma aha, waxase loo baahan yahay in la dheereeyo muddada ay qaadanayso halkii galmo intii saddex iyo afar jeer lagu celcelin lahaa isla muddadaasi in la'eg.

2- Dhowr usbuuc xabbadda joojiya :- Waxaa looga baahan yahay labada isqaba kolkay arkaan inuu uurkii daahay, inay joojiyaan galmada muddo dhowr usbuuc ah si dhiigga haweeneydu uu fursad ugu helo inuu iska qashinsaaro hadduu jeermis ku jiray, jeermiskaasi oo xawada dila, sidaasina ku hor istaaga uuraysiga.

3- Biyaha macdanta ah isku daaweeya :- Waxaa dhacda in biyaha macdanta ah (mineral water) oo cabistooda la badsado ay daawo keento, sababta arrintaasina lama garanayo ilaa iyo iminka.

4- Waqti go'an isu galmooda :- Waxaan ula jeedaa in galmada loo badiyo ama xoog la saaro waqtiyada ugu badan ee ay haweeneydu uuraabi karto, iyada oo laga tixraacayo jadwalka wareegga caadada.

5- Saacadaha galmada beddela :- In labada ruux ee isqbaa ay beddeshaan saacadaha iyo weliba qaababka ay isugu galmoodaan si aad ah bay faa'iido ugu leedahay. Tusaale ahaan, halkii ay isaga galmoon jireen habeenkii iyaga oo daallan, waxaa habboon inay u dib dhigtaan ilaa iyo aroortii salaadda subax dabadeed xilligaasi oo intuu daalkii ka ba'ay, jirkooduna nastay, ay firfircoonaantii soo ceshadeen. Kolka ay kala dhammaystaan waa inay in door ah seexdaan. Kolka ay toosaanna intay biyo kulul ku qubaystaan ay markaasi ku quraacdaan quraac nafaqo leh oo ukun iyo waxyaabo kale oo abitaaytka furaa ay ku jiraan. Taasi waxay markaasi keenaysaa inuu kordho dareeraha dubka iyo qanjirradu, dabeetana ay kororto rajada laga qabo inay haweeneydu uur qaaddo           

BAABKA SIDDEEDAAD

BARBAARINTA UBADKA

(Waxaan qoraynaa waxay hormarsadeen iyo raadkooda: Suurat Yaasiin:10)

Ilaahay subxaanahu watacaala qofka uma qoro oo qura camalka uu la yimaado inta uu nool yahay, balse waxa kale oo uu u qoraa raadka uu ka tago kolka uu geeriyoodo hadduu kheyr ahaa iyo hadduu shar ahaa intaba.

Haddaba, maadaama ay carruurtu yihiin raad bani'aadmigu ka tago ka ugu weyn, Eebbe waxa uu waalidka u qoraa ajarka wixii wanaag ah oo ay carruurtu sameeyaan asagoon kooda waxba ka jarayn. Waxa kale oo uu waalidka geeriyooday u qoraa dembi waxay carruurtu la yimaadaan, haddaanay markii hore barbaarintooda xil iska saarin oo aanay wanaajin, asagoon weliba carruurtiina dembiga kaga yaraynayn, waalidka inta uu u qoray in lamid ahna iyaga u qorayo.

Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Kuwa Alle iyo Nabi rumeeyow ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu uu yahay dad iyo dhagxaan. Suurat Al-Taxriim: 6).

Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga weriyey: (Hadduu Ibna Aadam dhinto camalkiisu waa uu go'aa aan ka ahayn saddex; Saddaqo socota (sida Masjid uu dhisay), Cilmi kedibkii laga faa'iideysto (sida asagoo Dugsiyo kiciyey) iyo Ubad usoo duceeya (kolka uu dhinto).

Ubad barbaarintu waxa weeye shaqo aad muhiim u ah khatarteedana leh, dareenka waalidnimo oo qurihina kuma filna sida xayawaanka kale, balse waxay u baahan tahay in la barto. Dad badan baa u haysta in barbaarinta wanaagsani tahay in ubadka mar kasta oo ay khalad sameeyaan la canaanto.

U WAALID DAYO UBADKAAGA

Barbaarinta ubadku waxay ka billaabataa, kolka la xulanayo hooyadiis ama aabbihiis. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (U doorta xawadiinna cirqigu waa uu dusaaye). Xadiiska micnihiisu waxa weeye doorta qof ku habboon inay carruurtiinna hooyo u noqoto, maxaa yeelay sifooyinka waa laiska dhaxlaa oo jiilba waxa uu u gudbiyaa jiilka kale. Haddaba ogoow gabadha aad guursanaysaa hadday tahay qof diin leh, dabeecad leh, dad wanaagsan ka dhalatay, qurux iyo ilqabatana leh, waxay markaa u badantahay carruurta ay dhalaysaa inay sideeda oo kale noqdaan.

Tilmaamaha aynu soo sheegnay waxa ugu qiimi badan diinta oo inta kale looga maarmi karaa, haddiise aad ku raacdo qurux iyo dan adduunyo, ogoow carruurta aad dhashaa waxay ka dhaxlayaan qaabdarrooyinka kale ee ku qarsan gudeheeda eh.

Waxa iyana taas lamid ah kolka aad daydayaysid kii ubadkaaga aabbe u noqon lahaa.

Rasuulka suubbani (SCW) waxa uu xadiis ku leeyahay:(Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa).

MAXAAD SAMAYN MARKUU DHASHO?

Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in ubadku isla marka uu dhasho, looga addimo dhegta midig, loogana aqimo dhegta bidix, hadal barisna looga billaabo Laa Ilaaha illal-Laah, maalinta toddobaad ee dhalashadiisana inta loo wanqalo oo madaxa laga xiiro, magac loo bixiyo, buuryadana laga gooyo ( la gudo).

Asmaa binti Abii-Bakar (RC) oo ahayd Caaishah (RC) walaasheed iyo xaaskii saxaabigii weynaa Subayr ibnu Cawwaam (RC), waxaa laga weriyey: (Cabdullaahi ibnu Subayr baan ku dhalay (Qubaa)markaas baan intaan Rasuulka (SCW) u keenay, dhabta u saaray, markaas buu dalbaday in Timir loo keeno, oo intuu calaaliyey dhanxanagga ugu tiray).

Dhanxanag ku tirku waxa weeye kolka shayga inta la calyeeyo, dabeeto ilmaha yar afkagudihiisa loogu soo tiro, waxana sidaa loo yeelayaa si ilmaha yar loo baro tabtuu raashinka u cuni lahaa uguna tababbaran lahaa cunitaanka. Timirta sababta loo doortay waxa weeye iyadoo aad u macaan oo uu ilmaha yari macaansanayo iyo iyada oo ka kooban iskudhis aan u baahnayn inay calooshu shiiddo oo isagu ah nafaqo diyaar ah, dhiiggana si toos ah u raaca, waxana weeye Glucose. Raashinka caadiga ahi waxa uu Timirta kaga duwanyahay isagoo ka kooban iskudhisyo u baahan inay calooshu shiiddo oo usii jejebiso iskudhisyo ka fudud ilaa ay isu beddelaan Glucose, isagu markaa si toos ah dhiigga u raaca. Haddaba, maaddaama uu ilmaha yari awood daranyahay, calooshiisuna aanay weli u bislaan cunno shiidis, waxa habboon in la siiyo nafaqo diyaar ah sida caanaha hooyada oo uu ku jiro iskudhiska Lactose, ama Timirta oo uu ku jiro Glucose, labadubana waa iskudhisyo fudud.

Cali Bin Abii Daalib (RC) waxa laga weriyey inu Rasuulku (SCW) Xasan ugu wanqalay (Ri) dabeetana uu yiri: (Faadumooy madaxa ka xiir, oo sadaqayso timihiisa muggood oo Qalin ah), dabeeto intay miisaantay buu yiri bay noqdeen qiyaastii hal Dirham.

Ibnu Cumar (RC) waxa uu yiri: Waxan maqlay Rasuulka (SCW) oo dadka ka reebaya kolkay ilmaha madaxa ka xiirayaan inay dhoor u yeelaan, waxana uu yiri: (Ama ka wada xiira ama u wada daaya) . Dhoorka waxa uu Rasuulku (SCW) ku tilmaamay timaha lagu reebayo madaxa fooddiisa ama labada goon mid. Waxa la weriyey in Rasuulku (SCW) kolku tima jaruhu Xasan iyo Xuseen madaxa ka xiirayo uu la joogi jiray oo aanu u dhaafi jirin keligii si uu ula socdo qaabka uu ugu xiirayo.

Abuu Bureydah nin la yiraahdo waxaa laga weriyey inuu yiri: (Waqtigii Jaahiliyada kolka wiil dhasho intaan Ri gawracno baynu dhiiggeeda gelin jirray (madaxa kaga shubi jirray), kolkuuse Eebbe Islaamka noo keenay Ri baynu goowracaynay, wiilkana madaxa waynu ka xiiraynay, hase ahaatee Zacfaraan baynuska mari jirnay).

Waxaad halkaas ka garan kartaa in caadada Soomaalida qaar taqaan gaar ahaan reer miyigu, ee carruurta dhiigga lagu geliyaa tahay caado jaahili ah oon Islaam shaqo ku lahayn, welibana markuu Islaamku yimid Muslimiinta ka reebay. Haddaba wax kun iyo afar boqol oo sano kahor Islaamku reebay maxaynu weli u raad joognaa Soomaaliyeey.

Ibnu Cumar (RC) waxa laga weriyey in Rasuulku (SCW) uu yiri: (Magacyadiinna kuwa uu Eebbe ugu jecelyahay waa Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan). Xadiis kale oo Rasuulka (SCW) laga weriyey baa isna ahaa: (Isu bixiya magacyada nabiyaasha, magacyadana Eebbe waxa uu ugu jecelyahay Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan, waxana ugu run badan Xaarith iyo Hammaam, waxana ugu foolxun Xabri iyo Murrah).

Waxay Diinteenna Islaamku qabtaa in waalidka loogu neynaaso magaca curadkiisa, oo loogu yeeru Abuu-Hebel (Hebel-Aabbihii). Tusaale ahaan, hadduu magaca curadkiisa yahay Cumar in isaga lagu naynaaso Abuu-Cumar. Soomaaliduse Aayaddii wey rogeen oo inankii baa loogu yeerayaa (Ina-Hebel). Waxa la weriyey in qolo rasuulka (SCW) wafdi ahaan ugu timid. Nin kamid ah qolada ayuu dabeeto Rasuuulku(SCW) maqlay iyadoo loogu yeerayo Abul-Xakam (Xikmad Aabbihii), markaas buu Rasuulku (SCW) u yeeray oo ku yiri: Ilaah baa xikmad leh, xukunkana lehe maxaa Abul-Xakam laguugu neynaasay. Markaas buu ninkii yiri: Qoladaydu markay gar isku qabtaan bay iila yimaadaan markaas baan garta gooyaa labada qolona raalli ku noqdaan. Markaas buu Rasuulku (SCW) ku yiri: Waxa taas kaaga wanaagsan, carruur ma leedahay?. Markaas buu yiri: Shurayx iyo Muslim. Markaas buu weydiiyey: Keebaa weyn. Markaas buu yiri: Shurayx. Markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Haddaba waxaad tahay Abuu Shurayx.

Magaca ilmaha oo waalidka loogu naaneysaa waxay ilmahaa u noqonaysaa sharaf, qaddarin iyo qiimayn, waana uu ku faanayaa.

Waxa Rasuulka (SCW) laga weriyey inuu yiri: (Shan waxay kamid tahay fidrada (Waxyaabaha Eebbe Baniaadmiga ku abuuray): Gudniinka, bir ku xiirashada, kilkila rifista, ciddiya jarista, iyo shaarib gaabinta).

U NAXARIISO LANA CAYAAR CARRUURTA

Rasuulkeennii suubbanaa (SCW) kolka uu Salaadda tukanayo, hadduu ilma yari ooyo waa uu boobsiin jiray si aanay ilmahaa hooyadii oo Salaadda kula jirtaa uga welwelin. Waxa uu dadka dhihi jiray: (Qofkiin hadduu Imaam noqdo, ha dedejiyo Salaadda, maxaa yeelay waxa idinku jira ilmo yar, qof da' ah, qof tabaryar, iyo qof jirran, hadduu keligii tukanayase siduu doono ha u dheereeyo). Waxa weriyey Abaa Hureyrah.

Ibnu Mascuud waxa laga weriyey inuu yiri: Inan baan karbaash ku dhuftay, markaas baan cod gadaashayda ka maqlay, saa waa Rasuulkii Alle (SCW) oo i oranaya: (Ibnu Mascuudow ogow in Alle kaaga awood badan yahay si ka daran sida aad ilmahan yar uga awood badan tahay).

Waxa la sheegay in Cumar bin Khaddaab (RC) uu doonayey inuu shaqo u dirsado nin reer Asad ah. Markaas buu u yimid si uu alaabadii uu ugu shaqayn lahaa uga qaado. Cumar (RC) baa markaas intuu wiil uu dhalay soo qabtay dhunkaday. Ninkii reer Asad baa markaas yiri: Ma kanaad dhunkanaysaa Amiirul Muminiinow, Wallaahi baan ku dhaartaye weligey wiil ma dhunkoon. Markaas buu Cumar (RC) yiri: (Naxariista dadkaa kugu yare keen qalabkayaga waxba ii qaban meeyside).

Waxa laga yaabaa in ilmuhu uu kula cayaaro qofka weyn isagoo garka ka qabsanaya amaba marada uu xiranyahay. Haddaba markaas oo kale ma aha in la hiifo oo la canaanto, taasi oo dhaawici karta dareenkiisa iyo naftiisa, kuna abuuri karta inuu noqdo ilmo xirxiran oon dadka dhex gelin. Haddiise loogu beddelo cayaartiisa dhoola caddayn iyo la cayaar, waxa markaasi qalbigiisa gelaya farxad iyo raynrayn, waxanu helayaa geesinimo uu ku dhexgalo dadka waaweyn kagana faaiideysto, kagana kororsado aftahanimo iyo dad la dhaqan.

Waxa la weriyey inu Rasuulku (SCW) qaadi jiray, koolkoolin jiray lana cayaari jiray labada wiil ee uu awoowaha u ahaa Xasan iyo Xuseen. Asagoo salaad ku jira oo sujuudsan hadday dusha uga baxaan sujuudda waa uu dheereyn jiray si aanu cayaarta uga qasin ilaa ay iskood uga degaan. Waxa la sheegay in Rasuulkoo dad u khudbaynayaa uu arkay Xasan iyo Xuseen oo soo socda oo turaanturroonaya, markaas buu intuu khudbadii joojiyey orday oo soo qabtay oo intuu agtiisa soo fariisiyey dabeeto khudbadii halkii ka billaabay.

Waalidka ubadka dhalayow maxaad ka oran lahayd haddaad ogaato in Caaishah oo aad u da' yarayd markuu Nabigu (SCW) guursanayey, markii la guri geynayey ay hore usii qaadatay waxyaabihii ay ku cayaari jirtay. Waxa weliba intaa dheer Nabiga (SCW) oo u oggolaan jiray hablihii saaxiibbadeed ahaa ee intaan la guursan la cayaari jiray inay aqalka ugu yimaadaan oo la cayaaraan. Maxaad oran lahayd haddaad ogaato in Xuseen ibnu Cali uu lahaa Eey yar oo uu ku cayaaro, kolkuu Jibriil soo geli waayey guriga oo uu Rasuulka (SCW) ogaaday inay sababtu tahay Eeygaa Xuseen in uusan xitaa canaanan.

Rasuulku (SCW) aad ayuu carruurta u jeclaa, una qaddarin jiray, uguna oggolaan jiray inay cayaaraan sababtoo ah cayaartu waxay kobcisaa caqliga ilmaha iyo maskaxdiisa, waxay hawl gelisaa xubnihiisa iyo dareenkiisa. Kolka aad u keento wax faaiida leh oo uu ku cayaaro waxad ka saaraysaa rajaynimada, ku abuuraysaa jacayl uu kuu qaado, farxad gelinaysaa qalbigiisa, kana dhigaysaa ilmo kalsooni naftiisa iyo waalidkii ku qaba oo si quman u kobca.

Cayaartu waxa weeyey diyaargarow dabiici ah oo ay carruurtu ku dhashaan, si ay isaga saaraan tamarta dheeri ah ee jirkooda. Cayaarta ilmaha yari waxa uu ku bartaa wax kasta oo hareerihiisa ahi waxay ka sameeysan yihiin. Ilmuhu cayaarta wuxuu ku bartaa siduu u xakamayn lahaa naftiisa, waxana ku kordha kalsoonida uu isku qabo iyo kobcinta karaankiisa waxqabad. Culimadu waxay ku dardaarmeen in ubadka loo daayo cayaarta toddobada sano ee cimrigiisa ugu horreeya

Waxa loo baahanyahay in ilmaha loo oggolaado inay helaan waqti ay cayaaraan, gaar ahaan kolka ay waajibka Iskuulka ka soo baxaan oo buugaagtii looga baahnaa akhriyaan. Ilmaha haddii cayaarta loo diido oo wax akhris iyo qaylo nafta looga qaado maskaxdiisa ayaa daalaysa, caqligiisu isdhimayaa, murugo ku beermeysaa, dabeetana ku fekerayaa siduu uga bixi lahaa dhibta uu ku jiro. Ilmaha caafimaadka qabaa ma fadhiyi karo dhaqaaq laan shan daqiiqo. Waxaad durbaba arkaysaa asagoo meel eegaya, waxay ishiisu qabato soo qaadanaya, gedgeddinaya, afka gashanaya, furaya si uu waxa ku dhexjira u fiiriyo.

Kolkaad aragtid Carruur cayaaraysa kaad dhashayna uu ku jiro, looma baahna inaad ka kaxayso, haddaadan xaajo xoog leh ka lahayn. Waxa xitaa habboon inaad fiirsatid kolka uu saaxiibbadii la cayaarayo si aad u dhiirri gelisid, waxanay taasi u noqonaysaa taageero iyo moraalka oo u dhisma.

BOGGA- 20AAD

INANKAAGA KAXAYSO HANA KU AG FARIISTO

Ilmaha yari waxa uu xaq u leeyahay inuu waalidkiis raaco si uu uga faaiideysto oo cilmi iyo aqoon uga kororsado, caadooyinka u barto, dad la dhaqanka u barto, dabeetana usoo baxo qof waxgarad ah.

Rasuulku (SCW) ubadka wuu kaxaysan jiray. Waxa la weriyey inuu kaxaystay Anas ibnu Maalik (Adeegihiisii), carruurtii ina adeerkii Jacfar, ina adeerkii Fadlu, Ibnu Cabbaas iyo carruur kale. Cabdullaahi ibnu Cabbaas (Ina adeerkiis) wuxu gaar ahaan Rasuulku (SCW) isagoo daabbad la saaran siiyey dersi ilaa maalinta Qiyaamaha muslimiinta oo dhan cibro u ah. Wuxuu isagoo waaninaya ku yiri: (Wiilyahow erayaan ku barayaa: Dhowr Ilaah haku dhowree, dhowr Ilaah haku soo abbaaree, haddaad baryeysid Ilaah bari, haddaad kaalmo weydiisanaysidna Ilaah kaalmo weydiiso, ogoowna hadday ummadda oo dhami isugu kaa timaado si ay wax kuugu tarto kugu tari mayso wixii Ilaah kuu qoray mooyee, hadday isugu kaa tagto si ay dhib kuu gaarsiisana ku gaarsiin mayso dhib Ilaah kuu qoray mooyee, qalmaantii waa la qaaday qoraalkiina wuu qallalay).

Ibnu Maajah waxa uu weriyey in Rasuulku (SCW) nacalladay qofkii kala fogeeya hooyo iyo ubadkeed iyo wiil iyo walaalkiis. Ninka Soomaaliga ah ee kolku xaaskiisa furo carruurta ka kaxaysanayow Ilaah ka baq, Rasuulka (SCW) nacalladdisana iska jir oo dhallaanka udaa dhabta hooyadiis.

Waxa iyana jirta in Rasuulku (SCW) uu maanacay in kolka gole la fariisanayo, la kala dhex galo wiil iyo aabbihiis. Taasina waxay kamid tahay akhlaaqda gole fariisadka, maxaa yeelay aabbuhu asagaa og inankiisa edebtiisa, hab fariisadkiisa, caadooyinkiisa, waxa uu ku fiicanyahay iyo meelaha uu ku qalloocanyahay. Markaa waxa habboon in aan la kala dhexgelin si hadduu khalad sameeyo uu u toosiyo oo (Yac) u yiraahdo. Sidoo kale haddii ilmaha iyo aabbihii la kala dhexgalo waxa uu ilmuhu dareemayaa ceebsi iyo xishood, wuxuuna dhararayaa intuu fadhigu ka dhammaanayo, isagoon waxna markaa ka faaiideysan raggii ka waaweynaa ee uu la fadhiyey.

Saa darteed isagoo daryeelaya dareenka ilmahaa yar ayuu Rasuulku (SCW) amar ku bixiyey inaanu ninna golaha fadhiga ku dhex fariisan wiil iyo aabbihii ee iyaga lays xijiyo.

SALAADDA IYO SARIIRTA

Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (Carruurtiinna fara inay Salaadda tukadaan markay toddoba jirsadaan, hadday tukan waayaan iyagoo toban jirana ku tuma, mid walbana meel gaar ah seexiya).

Carruurta in gogosha loo kala duwo oo midba meel gaar ah la seexiyo kolkay toban jirsadaan, wuxuu Islaamku ina faray afar iyo toban qarni kahor, ha yeeshee culimada reer galbeedku hadda ayuumbay ku baraarugeen faaiidooyinka ay leedahay. Culimadu waxay leeyihiin waxa lagama maarmaan ah in carruurta gogosha loo kala fogeeyo, waxana weliba habboon haddii la yeeli karo in midba qol gaar ah la seexiyo. Culimadu waxay intaa raaciyeen in carruurta si joogta ah halka sariir isula seexda jirkoodu uu isku dhego oo isku lismo, taasi oo markaasi keeni karta inay isku faracayaaraan. Ubadka oo waalidka halka qol ee jiif la wadaagaa iyadu wayba kasii xag jirtaa oo waa arrin marnaba caqliga kafog.

Carruurtu mar kasta ma hurdaan kolka waalidku sidaa moodo, xitaa kuwooda laba ama saddex jirka ah, welwel buuna ku abuuraa dhaqdhaqaaqa jinsi ee waalidku. Xitaa hadduu qolku mugdi yahay waxa ilmaha yar khalkhal gelin kara codadka kasoo yeeraya labada waalid.

Carruurta halowda iyagoo mararka qaar aad u yar waxa sabab looga dhigi karaa sariir iskula seexintooda iyo qolka jiifka oo ay waalidkood la wadaagaan, waxyaabahaasi oo dhammaantood sharcigu reebayo ee ha laga digtoonaado.

UBADKA SAQIIRA IYO SHAFEECADA

Ubadka Muslimiinta ee ayagoo yaryar saqiira (dhinta) waxay la sheegay inay Jannada dhexdeeda ugu adeegayaan Nabi Ibraahim (CS) iyo ooridiisii Saarah (CS) ilaa ilmaha waalidkii Jannada kasoo galo oo kala wareego. Halka ubadka gaalada ee iyaguna sqiiraa ay Jannada ugu adeegayaan Muslimiinta guud ahaan.

Abii Saciid Al-Khudriyy waxa laga weriyey inu Rasuulku (SCW) yiri: (Naag kastoo idinka mid ah oo saddex carruur ahi u saqiirta iyagaa Naarta ka xijaabaya, markaas naag baa tiri: Labana? Markaas buu yiri: Labana). Xadiis kale waxa uu Rasuulku ku yiri: (Muslinkii saddex carruur ahi u saqiirtaa, waxay kusoo dhoweeyaan siddeedda albaab ee Jannada, kuu doono buuna ka galaa).

CARRUURTA IYO BEENTA

Beentu waxa weeye runta oo la mijaxaabiyo, jagada laga qaado, jiritaankeedana laysku dayo in la tirtiro. Beentu waxa weeyey in shayga laga bixiyo sawir aan kiisii dhabta ahaa ahayn, si khaldanna loo suuraadiyo, si uu dadka kale ugu muuqdo, looguna qanciyo inu sax yahay. Beentu waxa weeye isku day daboolid fal kahor imaanaya kii dabiiciga ahaa.

Haddaba beentu waxa weeye dhaqan oraaheed loola jeedo in lagu daaho fal ama oraah, kaasi oo la saanqaadaya danta iyo rabitaanka qofka yar iyo weynba.

Cabdullaahi bin Caamir waxa laga weriyey Xadiis saxiix ah oo uu ku yiri: (Hooyaday baa ii yeertay maalin, Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo gurigayaga fadhiya, waxayna itiri: Kaalay. Markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ku yiri: Maxaad siin lahayd, say tiri: Timir baan siin rabay, markaas buu ku yiri: Haddaadan waxba siin been baa laguu qorayaa). Ubadku way u fiirsanayaan dhaqanka dadka waaweyn, waanay ku dayanayaan. Haddaba ma bannaana in la siro, ama been loo sheego. Ubadka in been lagu cabsiiyo ma bannaana. Kolka la doonayo in laga farxiyana sidoo kale ma bannaana in lagula cayaaro ama kaftamo amaba lagu madadaaliyo ballamo been ah.

Carruurta laftoodu been bay mararka qaar sheegaan, inkastoo aanay markaa ahayn mid ula kac ah, misna waxay reebtaa xididdo aan dhaqsa u siibmin. Haddaba sababaha carruurta ku dhaliya inay waalidkood been u sheegaan waxa ugu badan kuwan soo socda:

1- Ilmaha yari mararka qaar wuxuu been u sheegaa si uu u ogaado waxa dhacaya, sida isaga oo ku sheekeeya:saaxiibkay baa aabbihii ka xaday boorsadii lacagtu ugu jirtay.

2- Waxa laga yaabaa inuu si ula kac ah been u sheego si uu canaan uga badbaado.

3- Isaga oo waxyaabaha qaar waaweyneeya oo xaddigoodii mid ka weyn siiya si uu ugu faano looguna amaano.

4- Inaanu kala garanayn waxa dhabta ah iyo waxa dhalanteedka ah, gaar ahaan ilmaha aan Iskuulka weli gaarin.

Maxaad samaynaysaa markaas?

1- Isdeji, hana kula qaylin oo ku canaanan ilmaha si uu runta kuugu sheego, maxaa yeelay waxa laga yaabaa inuu been hor leh kuu sheego si uu isu badbaadiyo.

2- Si wanaagsan ula xaajood, waxan ula jeedaa haku oran (beenlow baad tahay) ama ha yasin, taasi oo markasi ilmaha gayeeysiinaysa inu aargoosto oo ku qaddarini waayo. Taa beddelkeeda waxa habboon inaad tiraahdo tusaale ahaan: (Waan ogahay waxa aad sheegeysaa inay been yihiin, beentana waa laga fiicanyahay, ee bal aynu arrinka isla eegno).

3- Isku day inaad ogaatid sababta uu ilmaha yari beenta u sheegayo. Haddii uu masalan ku doodayo inuu carruurta oo dhan kaga wanaagsanyahay maaddo uu dugsiga ku qaato, ogoow dhibaataa maaddadaa ka haysta eh. Haddaba kolka aad hubisid halka laga haystaa inay maaddadaa tahay, waxaad ku oran kartaa: ( Waan arkaa in maaddadani waqti fara badan kaa qaadayso kuna dhibayso ee bal aan kula eegee keen).

4- Qaab anshax leh u edbi. Carruurtu waxa lama huraan ah inay ogaadaan laba shay: Inaynu ku faanayno hadday runta noo sheegaan iyo in beentu keenayso canaantii iyo ciqaabtii oo korodha oo aanay waxba ka faaiideyn.

5- Waa inuu ubadkaagu runta kaaga daydaa, waxyaabaha beenta ay ka bartaanna waxa kamid ah tusaale ahaan kolka qof taleefan guriga kuugu soo diro ood carruurta amaba xaaska ku tiraahdo: Ku dheh wuu jiifaa amaba ma joogo. Halkaa waxay carruurtu ka ogaanayaan in waalidkood been sheego, kol haddii waalidkii been sheegayana iyaga kuma dhihi karo run sheega. Haddaba adiga yaanu kaa baran been sheegista, hadduu run sheegana ka abaal mari.

ALLE AQOONTIIS KU ABAABI

Ilmaha yari si fidra (u dhalasho) ah buu iimaanka Eebbe qalbigiisa ugu jiraa. Waxaad arkaysaa isagoo durbaba ku weeydiinaya, dhulka yaa abuuray, samada yaa abuuray, annaga yaa na abuuray, iyo wax kasta oo hareerihiisa ah. Haddaba waalidka waxa laga doonayaa inay fursaddaasi ka faaiideystaan ooy ilmaha baraan Allihii wax kasta abuuray, jawaabohooduna waa inay la jaanqaadaan hadba heerka garasho iyo maskaxeed ee ilmaha yar.

Iimaanka Eebbe iyo Alle ka cabsigu waxay ilmaha qalbigooda ku tallaalaan rajo ay nolosha ka qabaan iyo Eebbe ooy talasaartaan. Culimada Diintu waxay ku dardaarmeen in ilmaha kolkuu saddex jirsado la baro Laa ilaaha illallaah, kolkuu saddex iyo bar jirsadana loo raaciyo Muxammadu Rasuulullaah, kolkuu afar jirsadana loo raaciyo Sallallaahu calaa Muxammad wa aalihi wasaxbihi wasallim. Markuu shan jirsado waa inuu kala garanayo midigtiisa iyo bidixda, sidaasna lagu baro halka ay qibladu ka jirto, laguna abaabiyo inuu u sujuudo. Kolkuu haddaba toddoba jirsado waa in inta wejiga iyo gacmaha iska soo dhaq la yiraahdo tukasho loo billaabaa. Kolkuu sagaal jirsado weeyso iyo salaad buuxda ayaa laga doonayaa. Kolkuu toban jirsado hadduu tukan waayo waa lagu canaananayaa, hadduuse tukado dembi dhaaf buu Eeebbe waalidkii uga dhigayaa.

Dada u dhaxaysa 3 - 6 jir, ilmuhu waalidkii buu wax kasta kaga dayanayaa, habka iyo hannaanka uu Eebbe u caabudaana waa isla habka iyo hannaanka waalidkii u caabudo, oo hadduu waalidku yahay qof Eebbe ka baqa oo Quraanka mar waliba akhriya, tukada, sooma, guriga oo dhami yahay goob diineed, ilmuhuna beeyadaas ayuu ku barbaarayaa isla sidaasna ula falgelayaa ulana jaanqaadayaa. Haddiise gurigu yahay goob heesaha lagu dhegeysto, lagu qoob-ka-cayaaro, xafladahana lagu oogo, waxad arkaysaa ilmihii oon shanjir gaarin oo heesaya oo qoob-ka-ciyaaraya oo hadba dhinac iska rogaya, diin iyo duruufahaasina kala fog.

Ilmihu marxaladdaa iyada ah wuxu jecelyahay inuu dhayalo oo qoslo. Waxa kale oo uu jecelyahay in waalidkii u naxariisto. Alaabo uu ku cayaaro usoo iibiyo, lana cayaaro. Haddaba waa in arrintaas waalidku ka faaiideystaa oo ilmaha ku abaabiyaa in hadduu edeb yeesho, run sheego, Ilaah jeclaado, waalidka jeclaado, Quraankana akhriyo, markaa uu usoo iibinayo waxyaabaha uu rabo, waana inuu ballantiisa oofiyaa.

IXTIRAAM UBADKAAGA KUNA ABAABI ADEECISTAADA

Labada waalid baa cayaara doorka ugu weyn uguna muhiimsan tarbiyeynta ubadka, iyagaana xaddidaya shakhsiyadda ilmuhu uu ku barbaarayo, dugsiga iyo mujtamacuna waxay ku jiraan kaalinta labaad.

Ilmaha yari haddaanu ku tababaran waalid adeeca, kama yeelayo wixii talo iyo toosin ah ee ay usoo jeediyaan, sidaana waxa uu naftiisa, ta waalidkii iyo mujtamacaba ugu abuuraa mashaakil aan xal lahayn. Waxa uu ka didaa dhammaan caadooyinka, dhaqanka iyo qawaaniinta dowladda iyo mujtamaca.

Haddaba waxa waalidka la gudboon inay dadaalkooda labanlaabaan, maxaa yeelay ilmuhu marxaladdaa iyada ah waxa uu doonayaa inuu yeesho shakhsiyad u gaar ah, waxanu doonayaa inuu xoroobo oo wuxuu asagu doonayo sameeyo.

Saa darteed waddada ugu habboon ee ay waalidku adeeca ubadkooda ku kasban karaan waxa weeye jacayl iyo naxariis. Waxa laga doonayaa waalidka inay ilmaha yar xumaantiisa ka gudbaan wanaaggiisana ku ammaanaan oo ku dhiirrigeliyaan. Waa inaanay mar kasta oo uu khalad sameeyo ku qaylin oo canaanan, maxaa yeelay canaanta badan ee micna darrida ahi waxay ilmaha gayeeyesiisaa inuu u qaato wax iska caadi ah, kana damqan waayo hadduu khalad intuu sameeyo lagu canaanto. Ilmaha waalidkii ka hela daryeel iyo jacayl, isna waa uu jeclaadaa oo warkiisa yeelaa. Ilmaha loola dhaqmo sidii qof caqli leh oo bisil, isna waxa uu u dhaqmaa sidaa si la eg oo wuu is ixtiraamaa dadka kalena ixtiraamaa sida isagaba loo ixtiraamo, haddiise mar kasta la caayo, la habaaro, lagu qayliyo, wax lagu tuuro, la yaso, waxa markaa imaanaysa inuu isna cidna ixtiraami waayo, cidna qiimayn waayo, cidna (xitaa waalidkii) waxba ka maqli waayo.

Ilmaha yari marxaddaa iyada ah waxa uu waalidkiis uga baahanyahay jacayl iyo qiimayn iyo inay qirtaan dadnimadiisa iyo kaalinta uu qooyska iyo mujtamaca kaga jiro, tooshna lagu daaro.

Mar kasta oo ilmuhu dareemo in la jecelyahay, waalidku jecelyahay, mujtamacu jecelyahay, waxa uu koraa korityaan dabiici ah, kana koraa xag caqli, xag luqadeed, xag dareen iyo xag bulshadeed intaba.

Ilmaha waa in la dhiirrigeliyo lana taageero oo lagu ammaano hadday sameeyaan wax fiican, hadday gefaanna aan la cambaareyn, hadalkooda iyo dhaqankooda la qodqodin, waxaanay awoodi karinna dusha laga saarin. Waa in uusan ilmaha yari marnaba dareemin inuu yahay qof aan la jeclayn oo la xaqirayo, maxaa yeelay hadduu arko waalidkii oo ka xun ma kala garan karo inu isaga necebyahay iyo in waxa uu samaynayo ka xunyahay.

WUU KU HALLAABAA KOOLKOOLISKA BADAN

Inkasta oo loo baahanyahay in ubadka la ixtiraamo, xorriyad la siiyo, la qiimeeyo, haddana looma baahna in hortiis loo daayo oo xorriyad xad laan ah la siiyo. Waa in la dareensiiyo inay waxa uu sameeynayaa gef yihiin. Waa inaan wax kasta oo khalada faraha looga qaadin, isla markaana waa inaan wax kasta oo gef ah oo ka dhaca lagu canaanan. Waa inay jirtaa xuduud jeexan oo u dhaxaysa adadayga iyo baarrinimadu

Waalid waxa ugu liita bay yiraahdaan culimadu kan u roonaanta ubadkiisu ay dulleyso halkay ka toosin lahayd. Hadduu ilmuhu gefo waa inay waalidku dareensiiyaan gefkiisa, kuna qanciyaan inaanu u noqon, hadday qancin iyo si aayar ah wax ugu sheeg ku kari waayaanna waxa lagama maarmaan ah markaa inay canaantaan. Canaantu markaa waxa habboon inay noqotaa mid nafsiyan ah sida iyaga oo u sheega inuu ceeboobay, ama ka goosta, ama usoo iibin waaya wixii ay usoo iibin jireen, ama geeyn waaya meeshii ay geyn jireen ilaa uu ka waantoobo waxa laga canaanaayo ama ku dhaqaaqo waxa lagu canaananayo. Canaanta jirka ah waxa la hubiyey in ta nafsiyanka ahi ka natiijo wanaagsantahay. Ha ku degdegin inaad garaacdo ilmaha yar.

Warkaa isaga ah waxa marag kaaga ah kolka aad aragtid meelaha ubadka lagu dhaqanceliyo dunidan ubadka ku jira intooda badani inay yihiin kuwo waalidkood ama mujtamacu dili jiray oo darxumayn jiray.

Waa inaan ilmaha koolkoolinta laga badin oon wax kasta oo uu dalbado la siin, ama wax kasta oo uu sameeyo lagu raacin, maxaa yeelay koolkoolinta badani waxay ilmaha tirtaa u adkaysiga dhibaatooyinka kahor yimaada iyo u dulqaadka duruufaha nolosha.

Waalidku waa inuu ubadkiisa u sameeyaa barnaamij uu ugu caddeynayo waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha xun, ammaanta iyo canaantuna waa inay ka dhashaan hadba waxa uu ku kaco. Waa si aynu quluubtooda ugu beerno jacaylka waxyaabaha fiican, iyo nacaybka waxyaabaha xun, sidaana ugu xoojinno damiirka iyo dadnimada carruurta marxaladdaa iyada ah. Waa si ay mustaqbalka ugu abuuraan cabsi uu ka qabo sameynta waxyaabaha xunxun iyo xiise uu u qabo wanaag samaynta, isagoo isku kalsoon kuna kalsoon in waxa uu sameynayaa yihiin wixii saxda ahaa.

Waalidka waxa laga waaninayaa inuu ubadkiisa edbiyo asagoo xanaaqsan. Kolka uu waalidku kusoo xanaaqo goobta shaqada ama jidka, amaba uu xaaskiisa u xanaaqo, waa inaanu ubadka rarka iskaga dhigin, maxaa yeelay canaanta iyo ciqaabta xilligaasi way ka duwantahay marka uu waalidku caadiga yahay siduu u hawlgeli lahaa. Canaanta xilligaas ahi ilmaha yar kedis bay ku noqonaysaa, isagoo aan ka filanayn in waalidkii saa u gelayo, taasi oo markaasi ku reebaysa cuqdad nafsiyadeed.

Ilmuhu kolka uu xanuunsanayo waa in si dheellitiran loo daryeelaa oo aan lagana badbadin, lana dayicin oo la dareensiiyo in lala xanuunsanayo, lana daryeelayo. Dumarka qaar baa kolka ubadkoodu xanuunsado dhulka isla dhaca, ooya iyagoo arkaya, si aan xad lahaynna u koolkooliya. Taasi haddaba waa khalad, waxanay raad ku yeelanaysaa nafisyadda ilmaha kolka uu weynaado. Qofka weyn ee waaguu yaraa la koolkoolin jiray waxad arkaysaa inuu mar kasta murugeysan yahay, eersheegad badany ahay, dhaqsina u xanaaqayo, dulqaadka iyo adkeysiguna ku yaryihiin.

Labada waalid waa inay si isku mid ah ula dhaqmaan carruurta oo hadduu aabbuhu ku canaanto ilmo khalad galay, waa inaanay hooyadu koolkoolin ilmahaasi una horkicin khaladkaa uu sameeyey, balse waa inay iska taagtaa isla mowqifkii aabbaha. Sidoo kalena kolkay arrintu joogto wanaag uu sameeyey oo lagu ammaanayo laguna abaalmarinayo.

Dhibaatooyinka iyo cudurrada nafsiyadeed ee waxyeelleeya mustaqbalka carruurtu waxay ka dhashaan dhaqanka khaldan ee labada waalid. Iska horimaadka asluubta barbaarineed ee labada waalid, sida in mid canaanto midna cafiyo, in mid koolkooliyo midna waxaan jirin kasoo qaado, iwm. Waxyaabahaasi oo dhami waxay nafsadda ilmaha ku abuuraan immaa inuu noqdo mid cadowtinimo badan, qalbi jabsan, naxariis daran, keligii socda oon saaxiib lahayn. Amaba inuu noqdo mid aan waxba qabsan karin, naftiisa wax tari karin, shaqsiyad lahayn, had iyo goorna dadka kale ku tiirsan.

CARRUURTAADA SIN

Nucmaan ibnu Bashiir waxa laga weriyey inuu yiri: (Aabbahay baa hadiyad isiiyey, markaas bay hooyaday ku tiri: Raalli kama ihi haddaanad Rasuulka (SCW) marag uga dhigin, markaas buu aabbahay Rasuulka (SCW) aaday, markaas buu ku yiri: (Inankaygii baan hadiyad siiyey markaas bay hooyadii igu amartay inaan marag kaaga dhigo Rasuulkii Allow, markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Carruurtaada oo dhan ma siisay hadiyaddaa mid lamid ah?! Markaas buu yiri: Maya! Markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Si caddaalad ah carruurta wax ugu qaybiya maragna ha iiga dhigina anigu gacan bidxayn marag kama noqonayee).

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Waalidku carruurtiisa mar waxa uu ugu jecelyahay kan curadka ah, mar kan yaraanka ah, mar kan maqan ilaa uu ka yimaado, marna kan buka ilaa uu ka bogsoodo).

Guud ahaan, ilmaha curadka ah ee kaligii ah waa la jecelyahay oo la koolkooliyaa, si gaar ahna loo daryeelaa, maadaama uu ilaa markaas madi yahay. Ilmaha caynkaas ahi waxa uu waalidkii ka helaa daryeel badan, naxariis badan, wuxuu dalbadoo durbaba loo keeno hadday ahaan lahayd dhar, cunto, alaabo uu ku cayaaro, iwm. Waalidku waxay isku dayaan inay si kasta ku raalligeliyaan, waxay u kexeeyaan inta badan meelaha ay aadaan oo ama hooyadii baa kaxaysa ama aabbihii ama labadoodaba. Warkii oo kooban waa ilmo si aan caadi ahayn loo koolkooliyey.

Haddaba ilmaha caynkaas ah dhibaato xoog leh baa qabsanaysa kolka la dhalo ilmo kale oo isaga ka yar. Waxa ku beermaysa cabsi uu ka qabo ilmaha cusub, sabatoo ah waxa uu ku ciriirinayaa wax kasta. Waxa uu kula tartamayaa jacalka waalidka iyo daryeelkooda. Waxa uu kula yartamayaa booskiisii maadaama uu madi ahaan jiray. Waxa kale oo uu ku ciriirinayaa waxyaabaha uu ku cayaaro. Inu masayr jiro waxa la dareemi karaa isla maalinta uu dhasho kan ka yari. Maalintaas labada waalid waxay ku jiraan bandow ku saabsan dhalashada ilmaha cusub iyo daryeelka dhallaanka iyo hooyadii. Haddaba haddaanay si dhaqsi ah ugu baraarugin arrinkaasi, waxa uu si tartiibtartiib ah isugu beddelaa nacayb iyo cadowtinimo ilmaha weyni u qabo dhallaanka cusub, taasi oo markaasi saameyn ku yeelanaysa xaaladdiisa nafsiyadeed iyo tiisa caadifadeed. Cadowtinimadaasi waxay la saanqaaddaa mar kasta oo ay waalidku kordhiyaan daryeelkooda dhallaanka cusub.

Haddaba waalidka waxa la gudboon inay arrintaasi u dhug lahaadaan oo ay halkii kasii wadaan daryeelkii iyo jacaylkii iyo koolkoolintii curadkooda. Waa inay isku dayaan inay jeclaysiiyaan dhallaanka cusub, kuna qanciyaan inuu walaal u noqn doono, uu la cayaaro isna kaashan doonaan. Waa inay ku qanciyaan inaanu kula loollamayn jacaylka iyo daryeelka waalidka, qancintaasina waa inay si baraatiko ah u tusaan, sida hooyada oo intay soo qabato dhunkata oo hoosta gelisa iyo aabbaha oo wuxuu jecelyahay usoo iibiya, iwm.

Waalidku waa inuu si siman oo caddaaladi ku jirto wax ugu qaybiyaa curadka iyo xigeenkiisa, taasi oo markaasi kahor tegeysa, daawaynaysana masayrka iyo nacaybka, waana in caddaaladdaasi lasii xoojiyaa mar kasta ooy carruurtu sii da' weynaataba, maxaa yeelay dareenkooda, caadifadooda, caqligooda iyo weliba fahamkooda ku saabsan caddaaladda iyo sinnaanta ayaa sii koraya oo sii bislaanaya marba marka ka dambaysa.

Simista ubadka waxa kamid ah inaan loo kala saarin lab iyo dheddig. Waxaynu ogsoonnahay in dalal badan wiilasha si gaar ah loo daryeelo oo loo gacan bidxeeyo. Ha yeeshee Diinteenna Islaamka ee naxariista badani waxay nagu waaninaysaa inaan hablaha hordhigno oo wixii hadiyad ah iyaga horta ku billowno daryeel iyo koolkoolin gaar ahna siinno. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (Qofkii intuu suuqa galo adeeg kasoo gada ciyaalkiisa usoo qaadaa waxa uu ka dhiganyahay sida asagoo sadaqo u sida qolo baahiyu dilatay ee hablaha ha ku billaabo wiilasha kahor).

Si kasta ood caddaalad ugu sameysid carruurta, waxa lama huraan ah inay jirayso xoogaa is-caniifid iyo is-hagarshuum ah oo ka dhex dhaca carruurta, waana arrin iska caadi ah oo qoys waliba kula qabo. Waxa dhacaysa in la murmo amaba gacanta laysula tago, midkoodna uu walaalkii ku eedeeyo inuu asagu daandaansiga billaabay. Markaasi oo kale waxa habboon in waalidku arrinka u arko inuu yahay wax iska caadi ah, haddii ay u caddaato waxa laysku haystaa inay wax fudud yihiinna waxa habboon inayba faraha kala baxaan oo aanay soo dhex gelin, carruurtu markaa iyagaa umuurohooda dhexdooda ka xallinayee.

Haddiise ay dareemaan inay arrintu soo noqnoqonayso amaba meel xun gaadho, waxa markaasi lama huraan ah inay dhex galaan ooy labada dhinacba amar ku siiyaan inay dhibta joojiyaan amaba ku jeediyaan arrin kale, seey u illowsiiyaan waxay isku haystaan, ama midkood hawl u diraan si ay u kala fogeeyaan.

Waxa loo baahanyahay inaan sidii maxkamaddii carruurta loogu kala garqaadin, taasi oo markaasi dhalinaysa in hadduu xukunku waddadiisii gefo ay abuurmayso cuqdad uu qaado kii laga xukmiyey, dreemana in laga eexday. Hadday lama huraan noqoto in arrinka canaan lagu dhameeyo waa in labadaba si isku mid ah loo canaanto oon midna la canaanan midna la daayin si loo simo carruurta.

BOGGA- 21AAD

BARBAARINTA JINSIYEED EE CARRUURTA

Barbaarinta jinsigu waxay kamid tahay noocyada barbaarineed ee ugu adag uguna dhibka badan. Weydiimaha carruurtu waalidka weydiiyaan qaar baanay kaba jawaabi karin iyagoo ka xishoonaya ka hadalka waxyaabaha qaarkood.

Ubadku wiil ha ahaado ama gabare, waxa uu billaabaa inuu isweydiiyo, waalidkana weydiiyo waxyaabo badan oo jinsiga la xiriira. Waxa uu wax ka weeydiiyaa siduu ugu abuurmay hooyadiis uurkeeda, sababta hooyada uuni uurka u yeelato oo aanu aabbuhu u yeelan, sida ay hooyadu u umusho, sababta carruurta yaryari aanay uur u qaadin amaba haweenta aan la qabin. Waxa kale oo uu ilmaha yari doonayaa inuu ogaado farqiga u dhexeeya lab iyo dhedig iyo sababta ay saa u noqotay iyo Suaalo kale oo fara badan.

Waxa haddaba caqligu ku jiraa inay waalidku weydiimaha caynkaas ah u arkaan wax iska caadi ah ooy carruurtu soo wada marto, waana inaanay ka welwelin. Waxa weliba habboon ilmuhu kolkay weydiimahaasi oo kale weydiinayaan inaan lagu aamusin ama loo diidin, maxaa yeelay markaas oo kale jawaabihii ay u baahnaayeen waxay ka raadsanayaan dad kale, taasi oo markaasi jahawareer ilmaha ku ridi karta gaar ahaan haddii lasoo siiyo jawaabo aan dhammaystirrayn amaba jawaabo si aad ah u cad oo aan ku habboonayn da'da ilmahaa isaga ah.

Waalidku waa inay diyaar u yihiin inay ilmaha siiyaan jawaab caqligal ah oo la saanqaadda dadooda, dherjisana baahidooda. Tusaale ahaan, hadduu ku weeydiiyo uurka, jawaabtu waxa weeye: (Ilaah baa carruurta geliya caloosha hooyadood), hadduu ku weydiiyo kala duwnaanta lab iyo dheddigna waxa weeye: (Adigu aabbahaa oo kalaad tahay ayaduna hooyadeed oo kale), ama (Ilaah baa wiilasha u abuuray inay ka duwnaadaan hablaha). Jawaabuhu waa inay qaab caadi ah oo deggan u dhacaan oo aanay la socon welwel, si aanu ilmuhu ugu qaadan in weydiintiisu tahay wax aan caadi ahayn, haddii kale isagaa keligii jawaab qancisa meel kale ka raadsanaya.

Waxa jira waxyaabo ay carruurtu ku kacaan kolkay u dhexeeyaan dada 3 jirka ilaa toddoba jirka sida iyaga oo mararka qaar ku raaxaysta inay bandhigaan jirkooda oo qaawan. Waxa iyana jira carruurta qaar ku faracayaara xubnohooda taranka. Haddaba waalidku waa inuu arrintaasi uga fogeeyaa si deggan, kuna jeediyaa fekerkooda waxyaabo kale, wana inuusan waalidku marnaba isku qaawin carruurta hortooda. Waxa taasi ka khatar badan hadduu ilmaha yari ogaado inay hooyadiis iyo aabbihiis isu galmoonayaan. Ogaada waalidoow inay carruurtu ku kacayaan waxa ay idinku arkaan inaad ku kacaysaan. Waa inaadan carruurta hortooda uga sheekeyn umuuro jinsiga ku saabsan. Waa inaadan isku dhunkoon dhunkasho ka duwan ta aad carruurta dhunkoonaysaan. Waa in carruurta mid walba lagu seexiyaa gogol gaar ah kolka ay dadoodu toddoba gaadho, iyadoon loo aabayeelin nooca carruurta. Waxan ula jeedaa xitaa hadday yihiin laba gabdhood ama laba wiil.

Waqtigan hadda la joogo oo guri kasta laga helayo Taleefishan iyo/ama Fiidiyow, waxa si aad ah lagama maarmaan u ah in carruurta laga fogeeyo waxyaabaha jinsiga ah. Qooysaska ku dhaqan dalalka aan Diinta Islaamka ku dhaqmin ee wax waliba caadiga yihiin, waxa loo baahanyahay inu waalidku labanlaabo dadaalkiisa, una feejignaado dhaqanka carruurtiisa, iskuna dayo intii tabartiis ah inaanay carruurtu arag muuqaallo jinsiyeed iyo jir aan asturrayn.

Gebagebadii, waa inu waalidku kaga jawaabo weydiimaha carruurta ee ku saabsan jinsiga si degganaani ku jirto, kana fogeeyo muuqaallada jisniyeed ee aan bannaanayn ee uu Taleefishanku soo bandhigayo.

MARXALADDA KURAYNIMADA

Marxaladdani waxay ka billabataa dhammaadka guga toddobaad, waxanay ku dhammaataa dhammaadka guga afar iyo tobnaad. Waxa weeye marxalad lagu diyaariyo dadnimada ubadka si uu u noqdo nin rag ah oo waxna gala waxna guda, mujtamacana kaalin wanaagsan kaga jira.

Marxaladdan, ubadku wuxuu billaabaa inu jiritaankiisa ka fekero, isuna arko inuu yahay qof jira, madax bannaan, lehna awood waxqabad iyo mid garasho isaga u gaar ah oo uu kaga maarmo ta dadka waaweyn oo waalidku ugu horreeyo. Waxa uu isku dayaa inuu beretan galo, sameeyana wax ay ka caroodaan waalidku si uu jiritaankiisa iyo madax bannaanidiisa u sugo.

Inuu yahay qof jira oo madax bannaan si uu dadka u tuso, waxa uu ku dhaqaaqaa waxkasta oo suuragal ah. Waxa uu sameeyaa waxyaabo inta badan ka duwan kuwuu hore u samayn jiray. Wax kasta oo uu leeyahay ama asaga khuseeya waxa uu u doortaa qaab isaga u gaar ah. Waxa uu yeeshaa dooq u gaar ah oo uu dharkiisa ku doorto. Waxa uu jecelyahay inuu caqligiisa iyo aqoontiisa ku isticmaalo waxkasta, kana xoroobo toosinta waalidka iyo dadka ka waaweyn. Waxa uu isku dayaa inuu xiriir bulsho la yeesho dhallinyarada asaga la jaalka ah, xiriir qaabkiisa iyo qiimihiisa asagu uu xaddidayo.

Marxaladdan, waxa lama huraan ah inay waalidku feejignaan gaar ah qabaan, daryeel dheeri ahna siiyaan barbaarinta ilmaha, maxaa yeelay waxa weeye marxalad ay kordhayaan xiriirradiisa bulsho, dugsiga uu gelayo, saaxiibbo cusubna uu yeelanayo.

Waxyaabaha qaybta libaax ka qaata diyaarinta shaqsiyadda iyo samayska dadnimo ee ilmaha waxa ugu horreeya xiriirka uu walidkiis iyo qoyskiisa la leeyahay. Xiriirkaa isaga ahi guud ahaan waxa uu ilmaha siiyaa sifooyin gaar ah oo la socda ilaa uu ka gaboobayo. Dugsigu isna raad qoto dheer buu ku reebaa shaqsiyadda ilmaha, waxana uu kula kulmaa carruur xagga aqoonta ku kala heerheer ah. Waxa uu arkaa qaar ka fariidsan oo ka aqoon badan, qaar ka maskax liita, qaar ka firfircoon iyo qaar uu asagu dhaamo, halkaasna wuxuu kula galaa beretan uu qaarna kaga guuleysto, qaarna isugu dhiibo, taasi oo iyana raad ku yeelata samaysanka shaqsiyaddiisa mustaqbalka.

Waxa iyana jira waxyaabo kale oo saameeya dhismaha shaqsiyadda ilmaha, waxana kamid ah tilmaamaha jirkiisa, sida dhererka iyo gaabnaanta, cayilka iyo caatanimada, cudurka iyo caafimaadka, iwm.

Waxyaabaha kale ee saameeyn ku yeesha shaqsiyadda ilmaha, waalidkana looga baahanyahay inay xil weyn iska saaraan waxaa kamid ah:

- Baahida uu u qabo waxyaabaha dheeggiisa qurxiya sida; cuntada, cabitaanka iyo lebiska, iwm.

- Baahida uu u qabo naftiisa oo nabad qabta, welwel iyo walaacna ka xorowda.

- Baahida uu u qabo mujtamaca uu xiriirka la yeelanayo oo soo dhoweeya.

- Baahida uu u qabo in la daryeelo, waxqabadkiisana la qiimeeyo.

- Baahida uu u qabo inuu barto tabo iyo tikniko uu noloshiisa ku anfaco.

- Baahida uu u qabo falsafad iyo fikrad u gaar ah, lana saanqaadda Dadiisa iyo caqligiisa.

Culimadu waxay yiraahdaan: Wiilkaaga todobo la cayaar, toddobo edbi, toddobana la saaxiib. Waxa kale oo la yiri: Toddobo u aayari, toddobo edbi, toddobana adeegso.

Marxaladdan barbaarineed waa mid dhib badan, sababtoo ah ubadka oo doonaya inuu waalidka ka xoroobo, xiriirro dibadda ahna sameeysta. Saa darteed waxa uu u baahanyahay in si joogta ah loo kormeero fikradihiisa, dareenkiisa, xiriirradiisa, waxbarashadiisa iyo guud ahaan baahitirka danihiisa guud.   

BAABKA SAGAALAAD

GUDNIINKA

WAA MAXAY GUDNIIN?

Ereryga Gudniin waxa loola jeedaa Goyn, waana ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo Gudin. Haddaba marka laga eego xagga Sharciga Islaamka, gudniinka inanku (Circumcision) waxa weeye in laga gooyo Qolofta(Prepuce) oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran Dhalfada (Balanus) oo ah madaxa xubinta taranka (Penus). Gudniinka Inantu (Clitorydectomy) waxa weeye in gabal laga jaro qolofta ku dahaaran Kintirka (Clitoris) oo isagu ah xubin kamid ah xubnaha taranka kuna dhacda dusha sare ee godka Cambarka. Kintirku waxa uu leeyahay shaqo aad muhiim u ah, isaga oo keena dareenka macaansi iyo biyabbax (Orgasm) ee haweeneyda xilliga galmada. Ha yeeshee, shucuubta xitaa kuwa hablohooda sunno gudeeya (siday dadka qaar ku magacaabaan), lama gooyo qolfada oo qura balse waxa lala jaraa Kintirka oo idil, halka gudniinka Fircooniga ah laga dabarjaro Kintirkii iyo dhammaamba faruuryihii Cambarka, sida aynu gadaal ka sharxi doonno.

Mowduuca gudniinku waxa uu kamid yahay mowduucyada aan wax badan laga qorin, aadna mooddo inay dadku ka hadalkiisa kaba xishoonayaan. Culimada Islaamka badankoodu ugama aanay hadal gudniinka sida ay uga hadleen waxyaabo badan oo ka ahmiyad yar sida; Cadaysiga. Tusaale ahaan, Imaam Xaamid Al-Gasaali silsiladdiisii kutubbada ee uu ugu magac daray (Soo noolaynta Culuumta Diinta), shan sadar oo qura ayuu kaga soo hadal qaaday gudniinka.

Arrimaha sababay inay culimada iyo dadka caamada ah labaduba ka gaabsadaan ka hadalka gudniinka, waxa ugu horreeya Qur'aanka kariimka oo isagu ah darka sharci dejinta Islaamka oon si toos ah iyo si dadban toona uga hadal mowduucaasi. Ma jirto hal Aayad oo - xitaa - laga dhadhasan karo jiritaanka gudniinku. Sidoo kale waxa la waayey hal xadiis oo saxiix ah oo waajibinaya amaba sunno ka dhigaya gudniinku.

BOGGA- 22AAD

GUDNIINKA RAGGA

Gudniinka raggu waxa weeye in gabal laga jaro maqaarka ku daboolan dhalfada geedka ninka, sidaas buuna jirku uga takhallusayaa wixii wasakh, jeermis, nijaaso iyo ur ku hoos jiray maqaarkaasi la jaray.

Daraasado badan oo ay sameeyeen culimada caafimaadku waxay ku caddeeyeen in cudurrada kaadi mareenka raggu (yar iyo weyn) ay ku badan yihiin kuwooda aan gudnayn. Waxa kale oo la caddeeyey in cudurrada galmada laysku qaadsiiyo sida Jabtida iyo Aydhisku ay aad ugu badan yihiin ragga aan gudnayn. Waxa weliba intaa dheer, lana ogaaday waqti fog in gudniinka raggu uu yareeyo cudurka Kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka ragga iyo kan ku dhaca luqunta Ilma-galeenka dumarkooda. Waxa dalalka Yurub iyo Mareykanka jira dad badan oo isu guda si ay cudurradaasi uga badbaadaan.

Gudniinka ragga sida ay culimadu leeyihiin, waxa looga dayday Nabi Ibraahim (CS). Nabi Ibraahim (CS) oo isaga loogu yeero Nabiyada Aabbohood, waxa uu Eebbe ina farayaa inaynu qaadanno diintiisii, oo wixii isaga la faray waa inaynu qaadanno wixii laga reebayna aynu ka fogaanno.

Aayadaha Qur'aanka ah ee caddeynaya sida ay waajib inoogu tahay inaynu raacno Nabi Ibraahim (CS) way badan yihiin, waxana kamid ah:

(Ku dayasho wanaagsan baa idiinka sugnaatay Ibraahim iyo intii la joogtay).

(Markaas baan kuu waxyoonnay "Nabiyoow" in aad raacdid diinta "Nabi" Ibraahim ee toosan, kamana uusan mid ahayn "Ibraahim" Mushrikiinta).

(Yaa nacaya diinta "Nabi" Ibraahim ruux naftiisa xumeeyey mooyee, adduunkana "Ibraahim" waynu ku doorannay, Aakhirana wuxuu kamid noqonayaa kuwa suusuubban).

Su'aashu waxa weeye xaggee yaase guday Nabi Ibraahim (CS)?. Si aynu su'aashaasi uga jawaabno aynu mar labaad dib ugu noqonno Qur'aanka kariimka ah. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay:

(Xusuusta markii "Nabi" Ibraahim Eebbihiis ku ibtileeyey ereyo, uuna dhammaystiray. Waxa uu "Eebbe" yiri: Dadka ayaan Imaam kaaga dhigayaa. Wuxu "Ibraahim" markaa yiri: Dhashaydana "ka dhig". Waxa uu "Eebbe" yiri: Ballanqaadkayga waxba kuma laha dulmilowyaashu).

Ereyada Nabi Ibraahim (CS) lagu ibtileeyey, waxa uu ibnu Cabbaas (RC) ku fasiray inay ka koobnaayeen; Shan madaxa khuseeya kalana ah; Shaarib gaabinta, Luqluqashada, San daarsiga, Cadaysiga iyo Sheexaysiga, iyo Shan khuseeya Jirka kalana ah; Ciddiyo jarista, Bisaq xiirista, Gudniinka, Kilkilo rifista iyo Istinjada (Saxaro iyo Kaadi iska dhaqista). Tafsiirka Qur'aanka (Jawaamicil-Jaamic) ee uu qoray Ad-Dhabariy waxa uu leeyahay: (Ereyada waxa la yiri waxa weeye: Shan madaxa ah; Sheexeysiga, Shaarib jarista, Cadaysiga, Luqluqashada iyo San daarsiga iyo Shan jirka ah; Gudniinka, Bir ku xiirashada, Istinjada, Ciddiyo iska jarista iyo Kilkilo iska rifidda).

Nabi Ibraahim inuu isguday waxa caddeynaya Xadiis saxiis ah oo uu weriyey Abuu Hurayrah, uuna Rasuulku "SCW" ku yiri: (Ibraahim "CS" waxa uu isku guday Qadduum isagoo siddeetan jir ah). Micnaha Qadduum culimadu qaarba si bay ku macneeyeen. Qaar baa ku fasiray meel ka tirsan Shaam, halka qaar kale yiraahdeen waa aaladdii uu Nabi Ibraahim (CS) isku guday, waxana loo badan yahay inay ahayd Faas ama Gudin.

Culimadu waxay sheegaan in Nabi Ibraahim (CS) uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee: Isguda, Ciddiyaha iska jara, Surwaal gashada, Shaaribka gaabiya, Kaba kabsada, Seef ku dagaallama, iyo weliba qofkii ugu horreeyey ee ay Madaxiisa Cirro kasoo baxdo.

Haddaba kol haddii Nabi Ibraahim la faray inuu isgudo, waajib bay ahayd taasi la saaray. Saa darteed waxa annagana haddaynu Muslimiin nahay ina saaran isla waajibaas Aabbeheen Nabi Ibraahin (CS) uu Eebbe saaray.

Nabigeennii suubbanaa Muxammad (SCW) waxa la weriyey inuu dhashay isagoo gudan. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Nabigu "SCW" waxa uu dhashay isagoo gudan xudduntiisuna go'antahay, markuu awoowihiis Cabdul-Muddalib umuurtaas arkayna waxa uu yiri: Wiilkeygani waxa uu noqon doonaa mid meel sare gaara). Xadiis kale oo uu weriyey Anas ibnu Maalik waxa uu ku sheegay in Nabigu (SCW) yiri: (Karaamooyinka Eebbe igu karaameeyey waxa kamid ah in aan dhashay anigoo gudan iyo in aan cawradeyda cidi weligeed arag).

GUDNIINKA RAGGA

IYO RA'YIGA CULIMADA

Intaynaan arrintaas u gelin, bal marka hore aynu dib ugu laabanno Carabtii hore iyo Casrul-Jaahiligii. Carabtii hore ninka buuryo qabka ah ee aan gudnayn way caayi jireen, waxana taas lagu xaqiijiyey gabayadii la tiriyey xilligaas. Buuryo qabku waxa uu ahaa qof dhiman oo la liido, waxana uu tusaale iyo bar tilmaameed u noqon jiray gabyaa kasta oo cid jab iyo caay la maaggan.

Gudniinku haddaba Islaamka ka hor waxa uu ahaa caado fac-ka-fac layska dhaxlay, waxana intaa dheerayd iyada oo kolka gaban la gudayo loo samayan jiray xaflad iyo waliimo gaar ah oo dadku isugu yimaado.

Haddaba kolkuu Islaamku yimid, gudniinka raggu waxa uu kamid noqday caadooyinkii la ansixiyey, ha yeeshee culimada diintu ilaa iyo iminkadan la joogo, inkastoo dhammaan ku qanacsan yihiin in wixii Nabi Ibraahim (CS) la faray ay annagana ina saaran yihiin, misana kuma aanay heshiin in gudniinku waajib yahay iyo inuu sunno yahay midnaba.

Ibnu Xajar, isagoo ka hadlaya ra'yiga culimada Islaamku ay ka qabaan gudniinka, waxa uu usoo koobay sidatan: (Gudniinka waxa waajibiyey Shaafici iyo dadkii raacay badankooda, waxayna qaarkood gaarsiiyeen heer ay yiraahdeen ninka qaangaarka ah Islaannimadiisu taam ma aha ilaa laga gudo. Imaam Axmed iyo Maalikiyada qaar waxay yiraahdeen waa waajib, halka Abuu Xaniifah ka yiri waa sunno).

Ibnul-Qayyim waxa uu yiri: (Fuqahadu way isku khilaafeen arrinka. Culimo badan ooy kamid yihiin Shaafici, Maalik iyo Axmed way waajibiyeen, isagoo weliba Imaam Maalik uu aad u adkeeyey oo yiri: Ninkaan la gudini Imaam ma noqon karo, maragna ma geli karo oo dhaartiisa lama aqbalo.

Xasan Al-Basri iyo Abuu Xaniifah waxay iyagu yiraahdeen waa sunno ee waajib ma aha. Ibnul-Qudaama isna waxa uu sheegay in gudniinku ragga waajib ku yahay, waxanu intaa raaciyey "Hadduu nin da' ahi Islaamo oo naftiisa uga baqo gudniinka waa laga deynayaa".

Sheekhul-Islaam ibnu Teymiyah kolkii la su'aalay: (Ka warran qof Muslin ah, Qaan gaar ah, Caqli leh, Sooma, Salaaddana tukada, ha yeeshee aan gudnayn oon daahir ahayn, ma bannaan tahay taasi?. Qofkii guditaanka iska daayase muxuu xukunkiisu yahay?). Waxa uu ku jawaabay: ( Haddaanay dhibaato ka soo gaarayn waa la gudayaa, maxaa yeelay waa mashruuc Islaami ah ooy culumada Islaamku isku raaceen, Shaafici iyo Axmed way waajibiyeen, Ibraahiim (CS) siddeetan jir kedib ayuu isguday, dhibaatada ka imaanaysana waxa lagala tashanayaa dhakhaatiirta, oo hadduu masalan "xilliga" Xagaaga dhibayo waxa dib loogu dhigayaa waqti kale, Ilaah baana garanaya).

Xasan Al-Basri waxa uu leeyahay: (Rasuulka (SCW) waxa ku ag islaamay Caddaan, Madoow, Roomaan, Faarisi iyo Xabashi, midkoodna weligii ma aanu feteshin "si uu u hubiyo inu gudan yahay iyo in kale").

Ibul-Jowziyah baase ka jawaabay hadalka Xasan Al-Basri isagoo leh: (Looma baahnayn in la fetesho, maxaa yeelay Carabtii islaamtayna waabay gudnaayeen oo waxay ahayd caadadooda, Yuhuudduna way gudnaayeen, Nasaaraduna waxay u qaybsanaayeen qaar gudan iyo qaar aan gudnayn, kuwaan gudnaynna waxay ogaayeen in halkudhigga Islaamku yahay gudniin, saa daraadeed iyagaaba iskood isu gudi jiray kolkay Islaamaan siday u qubaysan jireen, qofkii da' ah oo ay dhib ku tahayna cafis ayuu ahaa).

SIDEE GOORMAASE INANKA LA GUDAYAA?

Waxa Qolfada laga gooyaa qayb goynteedu ay suurtagal ka dhigi kartyo in dhalfada oo dhan amaba inteeda badani ay qaawanaato. Inamada qaar baa qolfo la'aan ku dhasha (iyagoo gudan), haddaba ubadka caynkaas ahi gudniin uma baahna haddii ay qolfadoodu intii loo baahnaa ka go'antahay, haddiise aanay wada go'nayn waa la dhammaystirayaa.

Gudniinku waxa uu leeyahay laba waqti oo kala ah: Waqti uu waajib yahay kaasi oo ah waqtiga qaan gaarka iyo waqti uu sunno yahay oo ah intaanu qofku qaan gaarin. Waxa sunno ah bay culimadu leeyihiin in ilmaha la gudo waqi u dhexeeya marka uu dhasho ilaa iyo toddoba jirkiisa, waqtigaasi oo u naxariis badan, dhaawacuna bogsoon ogyahay. Culimada badankoodu waxay isku raaceen inay wanaagsan tahay in la gudo maalinta toddobaad ee dhalashadiisa, in uu taag daranyahay mooyee, markaasi oo dib loogu dhigayo. Xadiis ay Xaakim iyo Beyhaqi soo wada saareen waxay Caa'ishah (RC) ku tiri: (Nabigu "SCW" waxa uu Xasan iyo Xuseen guday maalintii toddobaad ee dhalashadooda). Imaam Nawawi waxa uu kitaabkiisii (Ar-Rowdah) ku qoray sidatan: (Gudniinku waxa uu waajibayaa waqtiga uu qofku qaan gaarayo, waase sunno in toddobo lagu gudo, in uu taag daran yahay oo aanu xammili karin mooyee, markaasi oo ay tahay in dib loo dhigo).

GUDNIINKA DUMARKA

Qur'aanka kariimka ah laga heli maayo hal Aayad oo gudniinka hablaha si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga hadashay. Mana jiro Xadiis saxiix ah ama go'aan ay culimadu isku raaceen oo gudniinka banneynaya. Kitaabka Fiqhi Sunna waxa ku soo aroortay inay Axaadiista ka hadlaysa gudniinka habluhu dhammaantood daciif yihiin oo aanu mid saxiix ahi ku jirin. Nabigu (SCW) waxa uu dhalay afar gabdhood inuu gabdhihiisa gudayna sunnadiisa iyo siiradiisa midna laguma sheegin.

Sheeko laga soo xigtay kitaabka (Qisasul-Anbiyaa') ee uu (Thaclaba) qoray, waxa ay leedahay sidatan: (Saarah waxa dhalay boqor kamid ahaa boqorradii xilligaa jiray, waxayna ahayd gabar qurux badan, Ibraahiim (CS) baana guursaday. Iyadoo ay Saarah la socoto ayuu Ibraahiim soo maray boqor kale, markaas buu boqorkii Ibraahim (CS) weydiiyey cidday gabadhu tahay. Ibraahiim markuu boqorkii uga sheekeeyay cidda ay Saarah tahay buu ka baqay inuu damco, markaas bay labadoodu intay boqorkii habaareen buu labada lugood iyo labada gacmoodba ka qallalay. Boqorkii baa markaa Ibraahiim ku yiri: Waan ogohoo adaa saa iyeelaye Ilaah ii bari inu icaafimaadiyo, anna waxan kuugu dhaaranayaa inaanan dhibaato idiin geysanayn. Markaas buu Ibraahiim u duceeyey oo Eebbe caafimaadkiisii usoo celiyey. Boqorkii baa markaas yiri: Naag sidaan ahi inay isu adeegtaa waa khalad, suu dabeeto Haajar siiyey si ay ugu adeegto. Saarah waxay Ibraahiim ku tiri: (Haajar waan kuu hibeeyee orodoo u galmoo). Haajar waxay qaadday uurka nabi Ismaaciil, Saarana waxay isla markiiba qaadday uurka nabi Isxaaq. Labadii wiil baa dhashay weyna isla koreen.

Maalin buu Ibraahiim (CS) wiilashii soo orotamiyey, markaas baa waxa soo hor maray Ismaaciil, suu dhabtiisa ku fariisiyey halka uu Isxaaq dhinaciisa fariisiyey. Falkaasi waxa uu ka careysiiyey Saarah oo arkeysay waxa dhacayey, waxayna tiri: (Addoonta inankeedana dhabtaad ku fariisinaysaa inankaygana agtaadaad fariisinaysaa soow ma aha?). Halkii bay ku masayrtay, waxanay ku dhaaratay inay Haajar jirkeeda cad ka jari doonto suuraddeedana beddeli doonto. Ibraahiim baa markaas ku yiri: "Gud, labada dhegoodna ka dalooli". Sidii bay yeeshay, waxanay ahayd markii ugu horreysay ee dumar la gudo dhegana laga dalooliyo).

Kitaabka uu qoray Ibnul-Qayim Al-Jowziyah (Tuxfaul-Mowduud bi Axkaamil-Mowluud) iyo kan kale ee Ibnul-Kathiir (Al-Bidaayah wan-Nihaayah), labadaba waxa ku qoran sheekadan mid lamid ah, inkastooy saddexda sheeko meelaha qaar ku kala duwan yihiin.

Xadiiska ugu caansan ee arrinta ka hadlay waa kii la sheegay in haweeney lagu magacaabi jiray Ummu Cadiyah oo hablaha magaalada Madiina ku gudi jirtay uu Rasuulku "SCW" ku yiri: (Ummu Cadiyooy ursii hana tabar tirin, isagaa wejiga u farxad badan ninkana u fiicane).

Xadiiska siyaalo kala duwan baa loo weriyey,Ummu Cadiyana mararka qaar waxa lagu magacaabay Ummul-Xabiibah, guud ahaanna culimadu waxay isku raaceen inuu Daciif yahay oo aan lagu kalsoonaan karin.

Haddaynu xitaa ka dhigno inu Xadiisku saxiix yahay, toosinta ku jirtaa ma aha amar uu Rasuulku (SCW) ku bixiyey in hablaha la gudee waxa weeye qaabkii loo gudi lahaa haddiiba la gudayo. Ereyga (ursii) micnihiisu luqad ahaan waxa weeye (Sanka uun u saar), ka kale ee "ha tabar tirin" isna waa "ha wada goyn oo ha dilin", waxana labada ereyba loola jeedaa in qayb aad u yar uun laga jaro inta muuqata ee goobta la gudayo (Kintirka), maxaa yeelay haweeneyda sidaasaa wejigeeda u farxad badan maadaama ayisu arkayso inay markaasi tahay qof nool oo dareen iyo shahwo leh, ninkana u fiican, sababtoo ah nin kastaa hadduu arko haweeneydiisii oo howsha la wadda, dabcan waa uu kusii kacayaa.

Jaaxid waxa uu yiri: ( Carabtu way gudi jireen ragga iyo dumarka labadaba laga soo billaabo Ibraahiim (CS) ilaa maantadan aynu joogno) Waxa uu weliba intaa raaciyey: (Hindidu wax kasta carabta waa kala mid aan ka ahayn guditaanka ragga iyo dumarka, waxana ay taas u yeelayaan aqoonta dheeriga ah eey u leeyihiin shahwo kicinta).

Ummul-Muhaajir waxa laga weriyey inay tiri: (Annagoo dhowr hablood ah bay muslimiintu na qabsadeen markay la dagaallamayeen Roomanka, markaas buu Cusmaan bin Caffaan (RC) inoo soo ban dhigay inaynu islaanno, intii kale markaa way diideen aniga iyo gabar kale mooyee. Markaas buu yir: Guda "labadooda" oo daahiriya, sidaas baan Cusmaan ugu noqday adeegto). Gudniinka dumarka lagama yaqaanno dalalka loogu yeero galbeedka Carabta (Tuniisiya, Marooko, Liibiya) iyo dalal kale oo Islaam ah. Wararku waxay sheegayaan in Carabtu adeegtooyinka (dumarka addoomaha ah) oo qura ay gudi jireen. Maalik waxa laga weriyey inuu yiri: (Ninkii adeegto iibsadaa hadduu doonayo inu haysto ha gudo hadduu doonayo inuu sii iibiyase kuma qasbana gudniinkeeda).

Kolkii Ibnu Teymiyah la weydiiyey haweeneyda ma la gudayaa?, waxa uu ku jawaabay: (Ilaah baa mahad leh, haah waa la gudayaa guditaankeeduna waxa weeye in laga jaro foodda sare ee maqaarka dhoowka Diiqa u eg, naag hablaha guddana Rasuulku "SCW" waxa uu ku yiri: U ursii awooddana ha ka qaadin wejigana saasaa u farxad badan ninkana u fiicane. Ulajeeddada laga leeyahay gudniinka ninku waa in la saaro wasakhda ku qarsoon qolfada, gudniinka dhaweeneydana waa in la dheellitiro rabitaankeeda, haddaanay naagtu gudnayn waxay noqotaa mid aanay waxba deeqin). Dhammaad warkii Ibnu Taymiyah.

Dadka u ole'oleeya gudniinka dumarku waxay soo daliishadaan Xadiis saxiix ah oo laga weriyey Caa'ishah "RC" Nabiguna "SCW" ku leeyahay: (Labada gudniin hadday kulmaan qubays baa waajibay). Xadiiska Maalik baa ku weriyey kitaabkiisa Al-Mowdi', Muslimna Saxiixiisa, Tirmidi iyo ibnu Maajan Sunankooda. Waxayna ole'oleeyeyaashu ku andacoodaan in ereyga 'Labada gudniin" uu daliil u yahay gudniinka ragga iyo dumarka labadaba. Ha yeeshee dadka kasoo horjeeda gudniinku iyana waxay ku doodayaan in ereygaasi aanu daliil u noqon karin gudniin dumarka. Waxay leeyihiin Afka carabiga kolka laba wax la magacaabayo waxa labadoodaba lagu magacaabaa magaca kan caansan ama awoodda badan. Waxay tusaale usoo qaadanayaan ereyo fara badan sida Al-Qamaraan (labada Bil) oo loola jeedo Bisha iyo Qorraxda, Al-Cishaa'aan (labada Cishe) oo loola jeedo Maqribka iyo Cishaha, Al-Duhraan (labada Duhur) oo loola jeedo Duhurka iyo Casarka, Al-Abawaan (labada Aabbe) oo loola jeedo Aabbaha iyo Hooyada. Waxay tusaale xoog leh usoo qaateen Aayadda Qur'aanka ah:

Labada Bad kan hore ee macaani waa Webi kan dambe ee qaraarina waa Bad. Sidaa daraadeed bay leeyihiin sunnada Nabiga ee saxiixa ah meelna kama soo galo gudniinka habluhu, waxa lagu doodayo oo Xadiisyo ku saabsan habla gudistuna gebigood waa wada daciif aan shir lala tegi karin, arrinkuna ma sii dhaafsana caado uu Islaamku u daayey waqtiga iyo horumarka cilmiga ama iyagu ha toosiyaan ama ha tiraane.

Ibnul-Jowziy waxa uu diiday in hablaha dhegaha loo dalooliyo oo waxa uu taa ku tilmaamay inay tahay is shaabadeyntii Rasuulku (SCW) uu yiri: (Eebbe waa Lacnadaa ta is shaabadeysa iyo ta wax shaabadeysa). Ibnul-Jowziy waa uu xaaraantinimeeyey dhegaha hablaha yaryar loo daloolinayo maadaama ay xanuun ku keeneyso, ha yeeshee waa uu oggolaaday in hablaha la gudo. Haddaba, isagoo sharraxaad ka bixinaya sababaha uu u banneeyey gudniinka waxa uu yiri: (Faa'iidooyinka gudniinka waxa kamid ah nadaafadda, isqurxinta, suurad hagaajinta iyo toosinta shahwada oo iyada haddii laysa badbadiyana dadku Xayawaannada kamid noqonayo haddii iyadoo dhan la waayana uu ma noolaha kamid noqonayo, gudniinka ayaa shahwada toosinaya waxanad taa ka garan kartaa kolka aad aragtid ninka iyo naagta aan la gudini inaanay weligood galmo ka dhergeyn).

Daarta Fatwada Masaaridu way banneysay gudniinka dumarka. Sheekh Jaadal-Xaq Cali Jaadal-Xaq markuu arrinkaas ka fatwoonayey waxa uu soo qaatay Xadiiskan: (Dumarkii Madiina u haajiray waxa kamid ahayd Ummu-Xabiibah oo lagu yaqaannay habla gudka. Markuu Rasuulku (SCW) Ummu-Xabiibah arkay ayuu weydiiyey: Arrinkii aad gacanta kula jiri jirtay miyaad maantana sidii ugula jirtaa? Markaas bay tiri: Haa Rasuulkii Allow, haddaanu xaaraan ahayn oodan iga reebeyn. Markaasuu Rasuulku (SCW) yiri: Mayoo waa xalaale iisoo dhowoow aan ku baree. Markay usoo dhowaatayna wuxuu ku yiri: (Ummu-Xabiiboy haddaad yeesho ha daalin (ha wada gooyn = ha dabar jarin), isagaa wejigana fura ninkana u wanaagsane). Sheekh Jaadal-Xaq Xadiiskan waxa uu ka soo qaatay kutubbada Shiicada sida la xaqiijiyey, kitaab Sunni ah oo laga helayaana ma jiro.

Waxaynu halkaa ka garan karnaa in gudniinka dumarku aanu ahayn waajib iyo sunno toona, balse uu yahay caado uu Islaamku u daayey samanka iyo hadba inta uu cilmigu horumaro, oo iyadoo cilmiga lala kaashanayo lagu soconayo ama la'iska deynayo.

BOGGA- 23AAD

GUDNIINKA FIRCOONIGA

 Gudniinka Fircooniga ahi waxa weeye caado aan wax shaqo ah ku lahayn diinteenna Islaamka, balse soo jirtay kumanaan sano, ayna faraaciintii hore dadka ku khasbeen, gaar ahaan casrigii Ramsiis oo ahaa kun sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS).

Faraaciintu kolkay Suudaan (Dhulkii Nuubiyiinta) qabsadeen sidoo kalena boqorradii Nuuba ay Masar qabsadeen bay caadada gudniinka Fircooniga ahi waxay ku fidday Waadiga Niil, ilaa iyo waqtigaan la joogana way ka jirtaa. Ma jirto dunida meel aan Waadiga Niil iyo waddamada ku dhowdhow ahayn oo laga yaqaan caadadaasi. Tusaale ahaan, lagama yaqaan dalalka waqooyiga Afrika ee Muslinka ah, Shaam, Ciraaq, Jasiiradda Carabta iyo Yaman toona. Waxa la hubiyey in gudniinka caynkaasi ah laga isticmaalo oo qura dalalka Masar, Suudaan, Soomaaliya iyo Kiinya.

Intaynaan u gelin dhibaatooyinka gudniinka Fircooniga ah, bal aynu marka hore sharrax gaaban ka bixinno Xubnaha Taranka Dumarka, si ay akhristaha ugu sahlanaato inu ogaado waxa dhacaya.

Xubnaha Taranka dumarku (Qaybaha sare) waxay ka kooban yihiin:

- Faruuryaha waaweyn: Waa laba lakab oo maqaar ah, kana billowda bisaqleyda jiitamana ilaa lafta dabaqanaanta halkaana ku milma. Faruuryuhu waxay ka samaysan yihiin gaballo xayr iyo carjaw isugu jira iyo shabakad dareemeyaal aad u dareen fudud ah. Waxa kale oo ka dhex buuxa xididdada dhiigga qaada oo soo gaarsiiya dhiig aad u fara badan.

- Faruuryaha yaryar: Waa laba lakab oo maqaar khafiif ah, kuna dhaca dhanka gudaha ee faruuryaha waaweyn, waxana laftooda soo gaara dhiig aan yarayn. Dhanka gadaale, faruuryaha yaryari waxay ku kulmaan xuubka bikaarada, dhanka horena waxay daboolaan Kintirka. Faruuryaha yaryar waxa dhinaca dambe kaga dhex jira daloolkii hoose ee Cambarka dhanka horena kii kaadida.

- Kintirka: Waa xubin u dhiganta geedka ninka kolka laga eego xagga kicitaanka iyo dareenka, waxana ku dhexjira xididdo fara badan oo dhiigga qaada. Kintirku sidaynu soo sheegnayba waxa uu ku yaal halka ay ku kulmaan labada faruuryood ee yaryar dhankooda hore, salkiisuna waxa uu ku dhow yahay daloolka kaadida. Kintirka ciyaar ciyaar looma abuurin, balse waxa uu leeyahay shaqo dabiici ah oo aad muhiim u ah. Sida geedka ninku u kaco ayuu Kintirkuna u kacaa, dabeetana labada faruuryood ee waaweyn dhiig ka soo buuxsamaa, qanjirraduna dheecaan soo daayaan fududeeya howsha galmada, haweeneydana siiya dareenka macaansi ee howshaasi galmo.

Xubnaha taranku waxay leeyihiin shaqo leh qaayo aad u weyn, taasi oo ah sidii isku si looga qaybgeli lahaa shaqada Bayoolojiyeed ee muhiimka ah.

FULINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA

Markanna aynu fiirinno waxyaabaha dhacaya kolka gabadha la gudayo. Gudniinka Fircooniga ahi waxa uu khasab ka dhigayaa in la jaro qayb kamid ah Faruuryaha waaweyn iyo in gebi ahaanba la dabar jaro Faruuryaha yaryar iyo Kintirka. Dabeeto qori dhuuban (sida kan cuudka kabriidka) inta la dhex suro faruuryihii waaweynaa ee qaybta laga jaray baa markaa dhinacyada laga soo qodbaa, amaba lama qodbee, labada bawdo ee inanta layku dabraa, si dhaawacii faruuryuhu isugu bogsado (baanto). Afartan beri kedib baa dabarka laga furaa si loo hubiyo inuu cambarkii gebi ahaamba isku baantay. Qoriga yar ee dhexda la suray waxa loogu talo galay in kolkay faruuryuhu isku baantaan ay reebaan dalool ay inantu ka kaadiso kolkay qaan gaartana dhiigga caadadu uu kasoo baxo.

Sidaas baa haddaba dumarkayaga looga xayuubiyaa xubintii taranka ee Eebbe u sameeyey. Inanta sidaa loo galay waxa nafteeda iyo nolosheeda hareeya nacayb iyo cadawtinimo, mar haddaanay galmada ninkeeda ugala qaybgeli karin sidii dabiiciga ahayd ee laga doonayey. Waxay weysaa raaxadii ay ka heli lahayd galmada saxda ah, waxana nafteeda ku dhasha welwel iyo walbahaar, dareentaana inay baadi tahay, dhankay dabayshu u socotana ka hor jeeddo, iyadoo weliba isu qaadata inay samaynayso hawl ay ku khasban tahayna. Haweeneyda caynkaasi ah waxa ku abuurma cudurro nafsiyeed, jireed iyo jinsiyeed fara badan, waxayna isu dhiibtaa xanuun iyo taag darri ugu dambaynta ku dhaliya qabow jinsiyeed (Kacsi la'aan), waana aafada ugu daran ee qayb libaax ka qaadata khilaafaadka maanta guri Soomaaliyeed oo ka marani uu yaryahay.

DHIBAATOOYINKA

GUDNIINKA FIRCOONIGA

Waxaynu si kooban uga soo hadalnay dhibaatooyinka tooska ah ee ka dhasha gudniinka Fircooniga ah, ha yeeshee bal markan aynu wax ka taabanno dhibaatooyinka aan tooska ahayn ee gudniinkaasi keeno.

1- Shoogga Qalliinka: Shoog xoog leh baa ku dhasha shaqada xubnaha jirka oo dhan, gaar ahaan kolka inanta la gudayo iyadoon la kabaabyayn. Shooggaasi waxa uu keenaa bareesharka dhiigga oo aad hoos ugu dhaca iyo xawaaraha neefsashada oo yaraada, waxyaabahaas oo isu geyntoodu ay geeri keeni karaan. Shoogga qalliinku waxa kale oo uu inanta ku abuuraa baqdin joogta ah iyo galmada oo aanay jecleysan.

2- Dhiig bax: Waxa taas keena haweeneyda inanta gudaysa oon haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn xididdada dhiigga qaada ee goobaha ay jarayso ka buuxa. Hablo badan baana gowracaasi naxariis darrada ah awgiis dhiig bax ugu dhintay.

3- Laxaw iyo Hambalaaluq: Sababtu waxa weeye aqoon darri ku saabsan aasaasiyaadka cilmiga caafimaadka. Hambalaaluqa waxa keena cudur sideyaalka soo raaca Aaladda aan nadiifka ahayn amaba mararka qaar ruujinada ah ee inanta lagu gudayo iyo jawiga guud ee ay ku nooshahay labadaba.

4- Kaadida iyo Dhiigga Caadada oo ku xirma: Waxa laga yaabaa in kolka gowraca (gudniinka) la samaynayo uu daloolka kaadidu dhaawacmo maadaama uu si ba'an ugu dhow yahay Kintirrka la dabar jarayo. Waxa kale oo laga yaabaa in daloolka dusha sare lagu abuurayaa (Ilaah baa wax abuuri karee) uu aad ciriiri u noqdo oo laftiisu qayb ahaan ama guud ahaanba dhaawaca la bogsoodo. Arrintu uma baahna sharraxaad intaas ka badan bay ila tahay, maadaama meesha aan ka guuxayo la wada garanayo.

5- Xanuunka Nifaaska: Mar kasta ooy haweeneydu ummulayso waxa lagama maarmaan ah in lagu isticmaalo Maqas iyo Middiyo, si loo dillaaciyo looguna sameeyo dalool uu ilmuhu soo dhaafi karo, mashaqadaasi oo haweeneyda miskiinta ah ugu filan inu ku yimaado xanuunka Nifaaska ee dilaaga ahi. Waxa kale oo ka fekerka qalliinka ku soo fool lihi haweeneyda ku dhaliyaa baqdin iyo welwel gaarsiin kara in ilmihii kaba soo bixi waayo, ooy markaasi qalliin kii hore kasii xag jira u baahato si ay u ummusho.

6- Madhalaysnimo: Tirakoobyadu waxay sheegayaan in dumarka dalka Suudaan ee madhalayska ah 20- 25% gudniinka Fircooniga ahi uu sabab u yahay madhalaysnimadooda.

7- Ugu dambayntii, xanuunka uu gudniinka Fircooniga ahi ku reebayo nafsiyadda gabadha, kana dhasha jeexista iyo tolista joogtada ah mar kasta ooy ummulayso ayaaba dhibaato oo dhan ugu filan haddii dhab loo fekerayo.

GUDNIINKA FIRCOONIGA

IYO RA'YIGA DIINTA

Culimada Islaamku gebi ahaanba way kasoo hor jeedaan gudniinka Fircooniga ah, waxayna leeyihiin iskaba daa in gudniinka caynkaas ahi waajib, sunno amaba sharaf yahaye, waxa weeye burcadnimo iyo beddelis abuurka Eebbe. Ilaah waxa uu lacnaday haweenka is shaabbadeeya iyo kuwa wax shaabbadeeya labadaba. Shaabbadu waxa weeye in cirbad iyo wax lamid ah jirka qayb kamid ah lagu mudmudo, si goobahaasi midab cagaar ah loogu sameeyo. Caadadaasi ilaa iyo maanta waxay ka jirtaa dalal badan waxana tusaale loo soo qaadan karaa dalka Itoobiya, ooy dumarku ciridka cagaarsadaan.

Haddaba culimada diinta Islaamku waxay gudniinka Fircooniga ah u ictibaareen inuu yahay shaabbadeyn, waxayna yiraahdeen waxa weeye beddelis la beddelayo abuurka Eebbe.

Culimadu kolkay diidayaan gudniinka Fircooniga ah waxay daliishanayaan Aayado Qur'aan ah oo fara badan ayna kamid yihiin:

(Wax kasta asagaa abuuray oo weliba si qiyaasan u sameeyey)

(Waa abuurka Eebbe uu dadka ku abuuray wax abuurka Eebbe beddeli karaana ma jiraan).

(Wuuna idin sawiray dadoow suuraddiinnana wuu wanaajiyey, isagaana loo noqonayaa "Aakhiro").

(Waana "Eebbe" kan idiinku sawira Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono, Ilaah kale ma jiro, waana dad ka deeqtoone xikmad badan).

(Dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan).

(Wax kasta waxaynu ku abuurnay qiyaas "go'an oon isbeddelin").

(Dadoow maxaa kugu diray Eebbahaaga sharafta leh ee ku abuuray, ku ekeysiiyey kuna simay, siduu doonana kuu sameeyey).

(Waxa uu "Sheydaan" yiri: Waxan addoomankaaga ku yeelanayaa qayb sugan. Waan luminayaa, waan rajo gelinayaa, amarna waan siinayaa, waxayna markaa jeexjeexayaan dhegaha xoolaha, amar baan siinayaa, waxayna beddelayaan abuurka Alle, ruuxii "Eebbe ka sokow" sheydaan talo saartana khasaare cad buu khasaaray).

Haddaba goynta qayb jirka ka tirsan oo nabad qabtaa waxay kahor imaanaysaa dhammaan Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay. Waxaba ugu siid daran Aayadda ugu dambaysa oo qofka dhegaha xoolaha jeexjeexaya ku tilmaantay qof abuurka Alle beddelaya shaydaanna ka amar qaata. Haddaba mar haddiiba dhegihii xoolaha jeexjeexiddooda shaydaan lagu adeecayo, miyaanay taas kasii dembi badnayn in jir bani'aadam oo aan jirranayn la jarjaro?.

Ninka oggolaada in inantiisa qaabkaas aan ka soo sheekeynay loo gudo, diinta Islaamka waa uu ku lacnadan yahay, waxana uu geystay dembi kamid ah Kabaa'irta aanu Eebbe cafin, waa siday culimadu go'aamiyeene. Waxa kaa lamid ah hooyada raalli ka noqota, gowraca gabadheeda iyo islaanta dhiigya cabka ah ee iyadu shaqo ka dhigatay inay dumarkeenna ka disho dareenkii dumarnimo ee Ilaahood ugu deeqay.

Dadka qaar aan xilkas ahayn baa ku dooda in gudniinka Fircooniga ahi dumarka dhowrsanaan u kordhinayo. Haddaba hadduu arrinku sidaa yahay, muxuu Eebbe u abuuri waayey haweenku iyagoon lahayn xubnahaa laga xayuubinayo?. Miyaanu Eebbe oran Insaanka waxan ku abuuray suurad tan ugu wanaagsan?. Mise suurad Ilaah sameeyey baa cid kale toosin uga baahan?.

Dalkeenna waxa sanad kasta lagu dib gooyaa kumanaan dumar ah iyadoo loo adeegsanayo magaca Eebbe, waxana la marsiiyaa cadaab iyo xanuun ay dunida ku arkaan kan ugu daran. Haddaba haddaynu Soomaali nahay waxa nala gudboon in aynu joojinno jariimada iyo dhiigga sabab la'aanta looga daadiyo dumarkeenna oo soo jiitamayey muddo qarniyaal ah.

Maqaalkaan waxan kusoo afjarayaa Buraambur ay tirisay gabar Soomaaliyeed oo ka dhiidhinaysa gudniinka Fircooniga ah, kuna boorrinaysa dumarka inay u hub qaataan dabargoynta caadadaasi xun een dhaawac mooyee dheef kale lahayn:

Haddaad Gabadhiinnii Soomaaliyeey guddaan.

Gerweyn waxad mooddo iyo galeef uqaadataan.

Hadduu gobo' leeyo dhiiggeedu goor walbaba.

Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.

Haddaad gabdhiinnii guurkeedi dhaawacdaan.

Ood ka wada gooysaan cadkii gaarka u ahaa.

Ooysan gacal moodin kii caawa loo gelbiyo.

Wuxuu ugudaayoo u galaaba aysan garan.

Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.

War goob kastood joogtaan dumarow soo gurmada.

Dagaal dabargoyn gudniin u soo wada guntada.

Gefkaa joojiya ku dhaha gaarsiiya guri walbaba.

Oo ka guulkeenoo ka gungaara waxaan gurracan.

TIXRAAC BUUG

1- Xukunka Sharciga ah ee Gudniinka Ragga iyo Dumarka Dr. Maxamed Bin Ludfi

As-Sabbaaq.

2- Gudniinka Ragga iyo Dumarka ee diinaha Yuhuudda, masiixiyiinta iyo Islaamka Dr. Saami Cawad Ad-Diib.      

CAADADA SIRTA AH

(SEEGADA)

WAA MAXAY SEEGADU?

Qofka seegaysanayaa ma rabo inuu qof kale rabitaankiisa kaga dhergo, balse isaga laftiisa ayaa iska dhergaya (isku biyabbaxaya). Caadada seegaysiga rag iyo dumarba waa lagu arkaa, kumana koobna ragga oo qura sida ay dad badani u haystaan.

BOGGA- 24AAD

QAABABKA SEEGADA

1- Seegada maskaxda: Waa qofka oo biyabbaxa isagoon isticmaalin wax uu ku kacsado. Dadka aadka u dareenka fududi kolka ay ku fekeraan xubnaha taranka qof ay jecelyihiin ama ay akhriyaan qoraallo jacayl amaba ay daawadaan sawirro kiciya dareenkooda, iyagoo macaansanaya bay isku biyabbaxaan. Dumarka kuwooda aadka u kacsiga dhowi intay labada cajar isku dhejiyaan ama ay dhaqdhaqaajiyaan murqaha cambarka, bay sidaa ku biyabbaxaan.

2- Seegada gacanta: Waa qofka oo gacantiisa ku cayaarsiiya amaba gacan kale looga cayaarsiiyo xubinta taranka ilaa uu ka gaaro heer biyabbax.

3- Ku seegaysiga waxyaabo kale: Waxa jira waxyaabo fara badan oo u eg xubnaha taranka kuwaasi oo uu qofku ku seegaysan karo, shucuubta dunida intooda badanina waa ay garanayaan waxyaabahaasi. Waxa jira shucuubta qaar intay dhistaan taallo ka dhigan nin taagan oo geedkiisu kacsan yahay, dabeeto u sameeya xaflado Diini ah iyaga oo taalladaasi u isticmaalaya bekra-jebinta hablaha qaangaaray, dabeetana kolka ay xafladdaasi dhammaato inta taalladaasi la qaado la dhigo meel loogu talagalay, si dumarka laga dhintay ay ugu seegaystaan. Ha yeeshee farsamada casriga ahi waxay ina bartay sidii loo sameyn lahaa geed dad-samee ah, aadna ugu eg geedka dabiiciga ah ee ragga, laguna magacaabo (Stap-on-cock), kaasi ooy dumarku ku seegaystaan.

Dumarka qaar doonaya inay seegaystaan ayaa waxa dhacda inay xubintooda taranka geliyaan waxyaabo yaab leh, iyaga oon ka fekerin dhibaatooyinka ay waxyaabahaasi u geeysan karaan. Waxa dhacda in dumarka qaar isgeliyaan qalab dhumuc weyn oo dhaawacyo u geeysta, si loo soo saaraana mararka qaar u baahato dhakhtar iyo qalliin. Dumarka qaar baa isgeliya cirbado, musmaarro, qalmaan, maxaarro, iwm., qalabkaasi oo si sahal ah ugu gudbi kara kaadi haysta, dabeetana keeni kara dhaawac halis ah.

MAXAA KEENA SEEGAYSIGA?

1 Sababaha keena seegaysiga waxa ugu horreeya inay qofka u fududaan weyso inuu helo xabiib uu ka xaaja guto, sidaasi buuna ruuxa cid wax la qabata intuu waayo, gacmahiida biyaha isaga saaraa. Seegaysiga caynkaasi ahi waxa uu ku badan yahay dadka ka fog jinsiga kale sida; ardayda dhigata kulleejooyinka (Boarding Schools), cusbitaallada, xabsiyada, warshadaha, ciidanka badda, dumarka aan la guursan, garoobbada iyo dumarka laga dhintay.

2- Waxa kale oo seegaysiga keeni kara in qofku uu ka dido galmada oo uu u arko wax xun sida wiil dhallinyaro ah oo lagu barbaariyay in galmada guurka hortiis cadaab lagu muteysto, isaga oon awoodna u lahayn inuu guursado. Waxa kale oo dhacda in qofku uu ka dido urta qofka kale, taasi oo keenta nacayb uu u qabo jinsiga kale sidaasina uu ku seegaysto.

3- Waxa dhacda in ragga qaar kolka ay u galmoonayaan haweenkooda ay si degdeg ah u biyabbaxaan, dumarkoodii oon weli gaarin heer biyabbax, taasi oo markaasi dumarka caynkaasi ah ku kallifta inay seegaystaan.

4- Seegaysiga carruurta waxyaabaha doorka libaax ka qaata waxa kamid ah finan yaryar oo ka soo baxa dubduleedka xubinta taranka (sida isnadaamiska oo kale), oo siduu u xoqayo uu si lama filaan ah u kaco geedkii, dabeetana uu sii macaansado ilaa uu biyaha tuuro, sidaasina uu ku barto kuna caadeysto seegaysiga.

5- Waxa kale oo ay da' yartu seegaysiga ka baran karaan saaxiibadooda kale haddii ay seegaystaan, inankuna sida uu saaxiibkii sigaar cabista uga barto si lamid ah buu seegaysigana uga bartaa.

Tira koobyo la sameeyay waxay caddeeyeen in ragga seegaysta ay gaarayaan 69-100%, iyaga oo raggu inta badan soo mara marxalad noloshooda kamid ah oo ay ku seegaystaan, gaar ahaan inta u dhaxaysa da'da 13-20 jirka. Sababaha keena in uu seegaysigu da'daasi ku badnaado waxa weeye; kacsiga oo xilligaasi aad u daran (da' kacsi labbood), xishood iyo shukaansi aqoon la'aan, iyo weliba dhallinyarada oo intooda badani ay guur la'aan joogaan. Guud ahaan dhallinyaradu waxay seegaysiga iska daayaan kolka ay billaabaan galmo caadi ah.

Hablaha iyaga boqolkiiba inta seegaysataa waay kayar yihiin wiilasha, sababahaan soo socda awgood:-

1- Shahwada oo aan hablaha u gubin sida ay wiilasha u gubto.

2- Xubnahooda taranka oo ku jira meel qarsoon, dhifna ay tahay inay la kulmaan wax taataabta oo kiciya dareenkooda, iyada oo lawada ogsoonyahay in kacsigu uu yahay sababta tooska ah ee keenta seegaysiga.

3- Iyaga oo aanu dhibaato ku hayn isku biyabbax habeen, kol haddaanay aqoon riyo habeen oo gaarsiisa heer biyabbax, waase haddii aan la istiimin intaanay seexan kahor.

4- Rabitaanka jinsiyeed ee raggu waxa uu ku kooban yahay xubnaha taranka, oo kolka uu kacsadaba waxa uu doonayaa inuu galmo sameeyo, ha yeeshee rabitaanka dumarku waxa uu isugu jiraa mid xubin taran iyo mid nafsiyadeed. Waxa ay habluhu helaan raaxooyin kale oo ay kaga maarmaan tan biyabbaxa sida; jacaylka, akhrinta sheekooyinka iyo riwaayadaha jacayl, xafladaha, shineemooyinka, jimicsiga, daryeelka jirkooda, qoob-ka-cayaarka, iwm.

Waxa la caddeeyay in casrigaan cusub dumarka seegaystaa aanay ka yarayn 50%, meelaha qaarna ayba gaaraan 70-90%. Dumarka caynkaasi ahi waxay u badan yihiin kuwa aan weli bislaan iyo kuwa qaba qabow jinsiyeed (ereygaasi oo sida caadiga ah loogu yeero dumarka aan galmada ku raaxaysan).

Anigu - qof ahaan - shaki weyn baan ka qabaa in hablaha Soomaaliyeed ama badankoodu ay Seegaysi garanayaan, waxanan taa sabab uga dhigayaa gudniinka Fircooniga ah.

1-DHIBAATOOYINKA SEEGADA

1- Haddii qofku uu u barto inuu ku kacsado oo ku biyabbaxo gacantiisa, waxa mustaqbalka ku adkaanaysa in istiiminta kaga timaada gacalkiisa uu ka helo kacsi u dhigma kii uu ka heli jiray gacantiisa.

2- Seegadu ma keento haqab-beelka dhabta ah ee ay keento galmada cadiga ahi, iyada oo galmadu aanay ku koobnayn oo qura xubnaha taranka sida seegaysiga, balse tahay kulan nafsiyeed iyo mid jinsiyeed oo dhexmara labada isjecel, sidaasina qaybaha jirka oo dhami ay kaga qayb qaataan raaxada ka dhalata kulankaasi.

3- Waqtiga galmada waxa maskaxda qofka ka buuxa istiin iyo raaxo macaan, hase yeeshee qofka seegaysanayaa si uu ku helo istiin waxa uu u baahan yahay inuu ku fekero waxyaabo dhib ku ah maskaxdiisa, kuwaasi oo keena daal iyo dhibaato maskaxeed.

4- Galmada caadiga ahi kolka ay dhacdo (gaar ahaan tan ka dhalata guurka), lagama qaado wax aan ka ahayn raaxo iyo raynrayn, ha yeeshee qofka seegaystaa kolka uu kacsado waxa uu illaawaa in uu sameynayo amaba sameyn doono wax sharci darro ah, laakiinse kolka uu biyabbaxo ayuun buu indhaha kala furaa oo ku baraarugaa foolxumada waxa uu sameeyay iyo inuu keligii isku raaxeystay, aysanna la joogin - sida uu maskaxda gashaday  gabar qurux badan oo uu jecel yahay, sidaasi bayna murugo ugu dhalataa. Qofka caynkaasi ah waxa uu dareenkiisa dembi iyo murugo kordhaa kolka uu dadka ka maqlo in seegadu ay tahay wax keena dembi aanu Eebbe cafin iyo cudurro maskaxda wax u dhima, sidaasi bayna qofkaasi ugu dhalataa murugo joogta ah, xaasidnimo iyo damiir la'aani.

5- Galmada tooska ahi waxay u baahan tahay laba qof, waqti iyo meel ku habboon si ay u hirgasho, halka seegadu ay ka dhici karto waqti kasta oo qofka seegaysanayaa uu doono, sidaasina dadka qaar iskaga badbadiyaan, taasi oo dhibaato ku keenta jirka iyo maskaxda labadaba.

6- Waxay keentaa xiniinyaha iyo qanjirka Borostaatka oo barara, mar hadduusan qofku biyihii galay xiniinyaha galmo buuxda isaga saarayn, oo kolba markuu seegaysto qaar ku harayaan.

7- Waxa ay keentaa geedka ninka oo jilca ooy tabardarri ku timaado, gabadhiisana galmo buuxda la gudan waaya, dabeetana guurkii cusbaa furriin ku gebageboobo.

8- Waxa ay keentaa ninka oo degdeg u biyabbaxa, gaarsiina waaya intay xaaskiisu gariir ka gaarto, halkaana guurkii ku fashilmo.

9- Habluhu mararka qaar way ku bekra-jabaan seegada. Gabadha muddada dheer seegaysanaysay, caadana ka dhigatay, waxa laga yaabaa inayba ku raaxaysan weydo galmada ay gacalkeeda la wadaagto, taasi oo iyana keenta guurkii oo burbura.

10- Waxa ay qofka tirtaa laab furnaanta, bashaashnimada, iyo awooddiisa shaqo, haddii uu iska badbadiyana waxay dhaawacdaa qanjirrada iyo xididdada maskaxda.

Fiiro Gaar ah: Isku biyabbaxa habeenkii qofka kuma keeno tamar darri, maadaama aanay qanjirradiisa taranku daallayn, waxayna awoodaan inay hal jeer habeenkii biyo tuuraan, saana ku wadaan muddo soddon sanadood ah. Ninka caafimaadka qabaa waxa uu galmo samayn karaa 2-3 jeer usbuucii, isaga oon wax dhibaato ahi gaarin, ha yeeshee dadka qaarkii oo 3-10 jeer malintii seegaysta waxay sameeyaan khalad weyn, falkoodaasina wuxuu keenaa tamardarri iyo caajis ku yimaada xubnaha taranka iyo habdhiska maskaxda. Xubnaha taranku haddii ay helaan waqti nasasho ku filan waa ay kasoo kaban karaan dhibaatooyinka ka dhasha seegaysiga faraha badan, haddiise uu qofku joogteeyo seegaysiga, waxay markaasi u dhow dahay in uu dhaawac ku yimaado walxaha jirka ee firfircooneeya qanjirrada iyo xididdada maskaxda, xididdadaasi oo haddii ay dhintaan aanay suuragal ahayn inay mar labaad awood u yeeshaan inay gutaan shaqadoodii caadiga ahayd.

2-SIDEE LA'ISAGA GOOYAA SEEGADA

1-       Inuu qofku guursado, hadduuba awoodo. Waalidka dhalay dhallinyaro (lab iyo dheddig) qaangaadhay, waa inaanay guurkooda ku xirin shuruudo iyo xujooyin aan laga bixi karin, taasi oo markaasi keenaysa in dhallintay dhaleen iyo kuway u dhixi lahaayeen labaduba quus iyo qalbijab qaadaan, sidaana Shaydaan isugu dhiibaan ooy xaaraan ama seego dhexgalaan.

2- Inaanu qofku iska badin cunitaanka iyo cabitaanka, taasi oo markaasi keenaysa kacsi iyo rabitaan jinsiyeed, waana sababta uu Rasuulku (SCW) u faray qofkaan guur awoodini inuu soomo.

3- Inuu qofku ka fogaado waxyaabaha hiyigiisa kicinaya sida; Buugaagta, Sawirrada iyo Aflaanta qaaqaawan.

4- Qofkii qurux uu qalbigiisa ugu raaxeeyo raadinayaa waa inuu daawadaa dhirta cagaaran, ubaxa, badaha iyo quruxda dabiiciga ah ee Eebbe dunidan ugu deeqay.

5- In qofku doorto saaxiibbo wanwanaagsan, dhowrsan, hanuunsan, diintana ku dhaqma.

6- In qofku qalbigiisa ku mashquuliyo shaqo, waxbarasho, cibaado iyo Alle ka cabsi oo uusan marnaba nafta fursad usiin inay ku fekerto wax aan habboonayn.

7- In aanu qofku ku seexan gogol raaxa leh cuud iyo cattarna lagu shiday, oo xusuusida galmo iyo gacal la baashaal.

8- Inaanu qaadan dharka aadka u jilicsan, iskuna shubin barafuunnada dareenka kiciya.

9- Inuu ka fogaado isdhexgalka ragga iyo dumarka, gaar ahaan dadyowga aan cowradooda dedan, dareenka dadka kalena aan u aabayeelin.

10- Inaanu seexan isagoon hurdaysnayn, si ayan maskaxdiisu u raadin wax ay ku fekerto oo uu ugu horreeyo lammaane uu la baashaalo.

11- Inaanu kolka uu seexanayo caloosha u jiifan, si aanay xubintiisa taranku ugu lismin firaashka ka hooseeya, sidaana ugu macaansan oo ugu kacsan.

12- Inuu kaadihaysta faaruqiyo (kaadiyo) mar kasta ooy kaadiyi qabato, gaar ahaan aroortii kolka uu hurdada ka tooso.

SEEGADA IYO DIINTA ISLAAMKA

Eebbe Subxaanahu Watacaale waxa uu Aayadaha Qur'aanka ku leeyahay:

(kuwa xubnohooda taran dhowra. Aan ka ahayn xaasaskooda iyo addoomadooda ayagu eed ma laha. dadkiise intaa kadib wax ka doonaa way xad gudbeen. Suurat Al Mu'minuun: 5-7).

Aayadahaa Qur'aanka ah waxa kaaga iftiimaya in ruuxii macaan iyo raaxo ku doona hab aan galmo xalaal ah ahayni uu xadkii Eebbe gudbay.

Rasuulkeenna suubban Muxammad (SCW) waxa laga weriyey Xadiis uu ku yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee). Xadiiska waxa soo saaray Muslim iyo Bukhaari.

Haddaba hadduu Rasuulku (SCW) ogyahay faa'iido ay caadada sirta ah (Seego) leedahay, dhallinyarada ayuu ku boorrin lahaa, waxase uu koodii awood (Meher, Marasho iyo Masruuf) heli kara, ku boorriyey inuu guursado, kaan awoodinna inuu shahwada isaga jebiyo qaab cibaado ah (Soon) ajarna ka helayo, dhibaatadii shahwadana iskaga reebayo.

Culimada diinta Islaamka intoodii badnayd way xaaraantinimeeyeen Seegada (Caadada sirta ah). Mad-habadaha Shaaficiya, Maalikiya iyo Xanbaliya intuba way xaaraantinimeeyeen iyagoo u daliishanaya Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay ee Suurat Al-Mu'minuun ku jira. Madhabta Xanafiya, iyadu waxay leedahay Seegadu assal ahaan waa xaaraan, waxayse ku bannaanaan kartaa saddex shardi haddii si wadajir ah loo helo:

1- In uusan ninku naag qabin.

2- Inuu isaga baqayo xaaraan (Sino) uu ku dhaco haddaanu seegaysan. Taasi oo diinta loogu yeero: "Laba daran tii dembi yar dooro".

3- In uusan ula jeedin inuu ku raaxaysto, balse ula jeedo inuu shahwada isaga jebiyo.

Haddaba Seegadu guud ahaan diinta Islaamka waa ku xaaraan, maadaama aanay ahayn qaabkii dabiiciga ahaa ee uu Eebbe ugu talagalay in shahwada la'isaga shubo, balse ay tahay wadiiqo weecsan, qofkana waxay barto waxay baddaa uga daran, hadduu mar qofku qabatimana siduu naftiisa u qabto oo isaga gooyaa ay adagtahay.

Free web counters

Insert

Header

Insert
 above header.

header.
text which supports the above header.
the above