Dumarka

Raaxada Guurka 2 Raaxada Guurka 3 Buugga Martida Somali Links Boodhari  iyo Fanka Sheeko Geeraaro MAAHMAAHYO Beerqaad Dumarka Dawasho Muxaadaro BBC Somali Beerlula Majaajilo Daawo islam Makkah-Hadith Baro ! Baargaal

                   DUMARKA DOORASHADA LEH WAA

  1.  Naag uusan doorsoomin fikirkeeda
  2. Naag aan su'aalin xagee jirtay
  3. Naag haddii la'aamino aan ku qiyaanin
  4. Naag aan daneyneynin iney xirato dhar aan qaali aheyn
  5. Naag aadan shareysaneynin haddii wajigeeda la hor istaago
  6. Naag haddii ay ooydo aanu qalbigu ku dilaaceyn hadii ay qososho qalbnigu caayeyn
  7. Naag aanan ka fekerin ninkeeda oo kaliya

SOOMAALIDA IYO QURUXDA

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-

-                     Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

-                     Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.

-                     Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.

-                     Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

-                     Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

-                     Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).

-                     Labay u shuban tahay: labada dhaban.

-                     Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.

-                     Hal ay u qoran tahay: waa sanka.

Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.



CARABTA IYO QURUXDA

Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-

-                     Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.

-                     Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.

-                     Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.

-                     Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.

-                     Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.

-                     Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.

-                     Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.

-                     Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.

-                     Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.

-         Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.

SHEEKADII QALANJO TIMA DHEER

Maantoo kale, uma ahan Qalanjo tima dheer maalin ciideed waxay fadhisay meel koone ah oo gurigooda ka mid ah.
Way ka muuqatay in ay tahay qof aad u murugsan, waxaa maskaxdeeda ku war wareeganayey sheekooyin badan, marba waxay ka fikiraysay waxa iyada u gaar ka ah oo marar badan lagula soo noqo noqday, hase ahaatee ay miinka la cuskatay, marka kale waxaa horteeda imaanayey xaaladda murugsan ee dalku marayo.
Waxay arkaysay, dad badan oo is dhaaf dhaafaya, iyadoo midna midka kale uusan xiirir la lahayn, ma jirin markaasi wax wada hadal ah oo dhex marayey, qof kasta isagoo aamusan ayuu agmarayey.
Waxay kaloo la yaabaneyd Qalanjo tima dheer carruurta ciidaysay, iyagoo markaasi iska dhigayey kuwo ku faraxsan, ma sinayn xagga labiska iyo farxadda, iyadu dadkaasi ayey la yaaban tahay, dadka aamusana waxay la yaabban yihiin waxa gabadhaasi ka dhigay mid walaacsan oo la yaaban waxa ay la yaabtay.
Qalanjo in kastoo ay muddo dheer ugu dambaysay is dhexgalka dadka haddana waxay iska dhigaysay qof matali karta mushtamaca is qiimo tiray oo ay ka dhalatay saa oo ay tahay wali ma lab laban wixii ay lablaban lahayd waxaa ku laba jibaarmay dhacdooyinka niyadda ka dilay ee sida is daba jooga ah u dhacaayey.
“ufaa! Masidaan ayaa lagu jiri karaa, hadda ayaa waxa la leeyahay waxaa ku guursan doona qof aan ogahay dadku ma oga laakiin aniga iyo aabahay waan ognahay” ayey hoosta iska tiri iyadoo isla sheekaysanaysa.
Arrintaasi, waa mas’alada qotoda dheer leh ee hal xiraalaha ku noqotay Qalanjo tima dheer jawaab way u heli waysay, waayo ina adeerkeed ayaa doonaya, hadday diido waxaa dhab noqon doonta in ay kala go’aan aabaheed iyo adeerkeed.
“Maxaan yeelaa, waakan aabahay gafuurka ii taagaya, xalay wixii na dhexmaray waa la ogaa saakana wakan wajiga mayranaya, isagoo ka xun wixii xalay na dhexmaray” ayey mar kale iskula faqday Qalanjo tima dheer.
Aad ayey u cabsoonaysay, dadka faraxsan kuma jirin, misna waxaa dhagaheeda ku soo dhacayey warkii dalka oo mid ka mid ah Idaacaduhu ay sii daynaysay“warkii oo kooban, ma maqashay habeen hore in kaawooyinka Airboorka lagu soo daadiyey Lafaha dad waa hore dhintay ” Qalanjo warkaasi waa taabtay dhagihii ayey taagtay yaabkeedii hareereeyey waxaa ku sii wareegsaday war culus oo su’aalo badani ka dhasheen.
Mar waxay istiri “malaha xitaa qabuurihii hore waxa ay galeen awood qeybsiga lagu saleeyey 4.5”, taasi way qaadan waysay, waxay u leexatay haddana in habkii Federalka ee Teknikada korkeeda lagu noqonaayey ay la gashay dadka dhinacaasi.
Markaasi ka dib waxay Qalanjo fahamtay sheekada aabaheed kula soo noq nonayo inay rabitaan iyo jaceyl dhab ah la xariirto oo qudheeduba jaceyl loo ekaysiiyey 4.5 “ taasina waa caddaalad daro ayey tiri waa wax qasbid la mid ah maah maahdii oranaysa “Sabanku waa kaa adag yahay”
Shimbirihii magaaladan weyn waa yaraadeen qaarkood si ku meel gaar ah ayey dalka uga haajireen, intii hartay heesihii ay qaadi jireen si ku meel gaar ah ayey u joojiyeen, waxaa markaasi soo baxay in shimbirihii koox kooxda u socday ay kala haraan ayna la mid noqdaan sida Dabagaalaha oo kale.
Taas macnaheedu waxa ay tahay in uur ku taladu xitaa ay ku saaqday haada duusha, waxaase il addayg muujiyey Lo’dii soofi jirtay oo hadda ciriiri ba’aan ku haysa suuqyada iyo wadooyinka, iyagoo xoog wax ku qaadanaya, waxayna ku biireen kooxaha dadka booba.
Qalanjo tima dheer iyada oo waxaas oo dhan rog rogaysa ayaa waxaa soo dul istaagtay Timacilaanleey oo ka tilmaaman xaafadda oo dhan waa gabar firfircoon oo fahmo badan, markiiba waxa ay faham tahay in Qalanjo cudur ka mid ah cuduradii ku dhici jiray uu ku soo laabtay.
Hadal oo dhan waxa ay uga bilowday “haye, Cusmaanta, ma waxaa kugu soo kacay Dacartaadii hore mise tii dhexe”
Intay indho dabacsan ku eegtay ayey Qalanjo timo dheer hoos u foorarsatay, waxayna meel fog ka aragtay Dhukane aabihiis oo adeerkeed ah, halka cudurka haysta kaga yimid oo dhana waa xagiisa, waana kan oo waa soo deg degayaa, wixii ay ku dhihi lahayd Tima cilaanleey dib ayey u laqday.
Markiiba way istaagtay, istaagid aan caadi ahayn gabadhii oo la taagan ayey cirib jeedisay, adeerkiina wuu fahmay in isaga ay ka cararayso wuxuuna og yahay waxa ay uga cararayso, wuxuuna kaloo og yahay in uu hal su’aal waydiin doono, iyadana taasi ay ku tahay dhimbil dab ah oo kale waxaa ka hor yimid aabaheed, isaguna markiiba waxa uu ogaaday in ay cid ka cararayso markaasi ayuu isha geeskeeda ka arkay walaalkiis oo guriga soo galaya, Qalanjona uma sitaagin aabaheed oo garabka ayey ku dhufatay, hooyadeed Timiro ayaa Riwaayadaasi daawanaysay hal boos ayaa uga banaanaa laakiin kaalintaasi in ay qaadato waa loo baahnaa, waxayna ku tiri odaygii iyo walaalkiis oo wada taagan
La soco sabtida soo socota haduu alaha idmo.

Somali Links

Hiiraan.com                                      

 aflax.net

Bulsho.dk                                           

 Dacwah.com

HornAfrik                                             

Somalisunah.net

Shabellenews                                        

 Boqolsoon.com

SomaliTalk

Somaliweyn.com

Puntlandpost.com

Allpuntland.com

BBCSomali.com

Waa Lii Oo ku leh ii baashaal

Links to Other Sites